Dawo-Dhaqameedka Mingiska (Saarka) Iyo Marin-Habaabinta Bukaanka! W/Q Nimco Nuur
Saturday, November 30, 2013
Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha
Run ahaantii, dadka aaminsan Mingiska waxaa ay u badan
yihiin haween, taas oo la xiriirta baahida nafsiyadeed oo ay dumarku u qabaan in ay haqab-tiraan oon ku gedaaman jamashadooda iyagoo haddii loo fuliyo durbaba dareema caafimaad iyo firfircooni degdeg ah. Sidaa awgeed, is-weydiintu waxaa ay in la ogaado sababaha bukaanku u dareemayo inuu baxnaano iyo bogsasho ka helay Galahii Mingiska.
Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal
iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha oo sida
la qabo dhibaato ku keeni kara qofka aaminsan haddii aan loo yeelin sida
uu rabo ama aan laga tumin. Dhinaca kale, Ayaaman (Ayaana) ayaa ka mid
ah samo-wadayaasha kaas oo dadka la dhaqmaa ay aaminsan
yahiin inuu ka soo waxyoodo khayrka. Kuwa Ayaamanku weheliyo waxaa ay
ku doodaan in ay leeyahiin Garab-daar u soo tebiya samaha waxaana ay
jecel yahiin in loo dhego nuglaado taladooda.
Mingis
Mingis
ama Saar waxaa uu u qaybsamaa noocyo badan sida Maamma, Akhaambush, iyo
Fiqi Burraale, hase ahaatee, guud ahaan, si isku mid ah ayaa looga
tumaa bukaanka. Mingisku waxaa uu ka siman yahay in lagu daaweeyo qaabka
cilaajka (therapy). Waxaana bukaanka loo goleeyaa fagaare looga tumo.
Galaha Mingiska waxaa shardi ah in uu kulmiyo qoddobo aasaasi ah sida:
1. Caraf ama udug
2. Dhar qurux badan
3. Ciyaar iyo booddo
4. Heeso lagu ladho luuq (laxan), jiib iyo Jaan
5. Dheef ama cunto dhadhan fiican
1: Isku Daweynta Carafta ama Udugga (Aromatherapy)
Uduggu
waxaa uu abbaaraa maskaxda taas oo keenta firfircooni iyo in ay naftu
si dabiici ah u hesho dabacsanaan. Bukaanka waxaa ka dheefaa kalsooni,
waxaana uu dareemaa, maalintaas, nadaafad dheeraad ah iyo xarrago uu
filayo inuu ku soo jiidan karo dadka. Qof kasta oo fadhiyaa ama ka soo
dhowaada raarta Golaha waxaa uu sanka la raacaa udgoonka ka soo
khamkhamaya Jaawiga, Cuudka, Canbarka iyo Cadarrada ay ka mid yahiin Shinbiraale, Fur-case, Rifdoon iyo Maawerad.
2. Ciyaar iyo booddo (Folk dance)
Ciyaarta
iyo booddada oo ah nuxurka Galaha Mingiska, cilmi ahaan, waxaa laga
helaa awood dheeraad ah ka dib marka la dhaqdhaqaajiyo murqyada waawayn
ee garbaha iyo surka. Isla markaana, bukaanka loo duuggo qoorta. Waxaa
debca ama yaraada tigtignaanta,
welwelka iyo walaaca kuwaas oo keena inuu hoos u dhaco qulubka
(depression) ka dhasha qoonsiga iyo cabursanaanta maskaxda. Sidaa
darteed, maskaxda waxaa ka soo burqada dheecaanno lagu lammaaniyo
farxad, rayrayn iyo yididiilo
3. Isku daweynta Heesha (Song therapy)
Heesaha
Mingisku waxaa ay dhammays u yahiin baahida bukaanka ka dib markii uu
ku soo lebisto dhar qurxoon oo galaha bacda looga jaray, jawi carfoon
iyo iyadoo galaha loogu birreeyay xoolo loo loogo munaasibadda
Soo degee, Soo degee, Saarkii la ogow, Soo degee
Waxuu doonayaayoo doonayaa
Aqal daahyo weyn Buu doonayaa
Waxuu doonayaa
Daylooy Laxdii buu doonayaa
Waxuu doonayaa
Deewaali Xariir buu doonayaa
Soo deg, Soo deg
Waxuu diidayaa
Dood iyo dagaal buu diidayaa
Aqal daldalooluu diidayaa
Soo degee sarkii duleedow soo deg.
Heesahu waxaa ay qayb ka yahiin dawo maskaxeedka cilmi-nafsiga. Waxaana lagu ladhaa jiib, jaan iyo luuq u gaar
ah. Sacabka, jaanta iyo heesku waxaa ay suuro-geliyaan in uu bukaanku
ku cabirro kolba marxaladahii uu soo maray, iyo xaaladahii la soo
dersay. Xusuusta hummaagga waxaa saleeya belwadda
(hiwaayadda) qofku u yeelan karo fanka taas oo si joogta ah u garab
socota noloshiisa oo dhan. Waxaa la og yahay in la qabatimo tumista
haddii qofku uu laabta ka jecel yahay shiribka, heesaha iyo digriga.
Sidaa darteed, bukaanku, waxaa gala dareen uu ugu hiloobo tumista tasoo
keenta inuu si qotto-dheer, isla markiiba, u la jaan-qaado ciyaarta,
heesta iyo jiibta.
4. Cunto macaan iyo haddiyado (Good food and gifts
Dhinaca
kale, cuntadu iyana waxaa ay qayb ka tahay daweynta bukaanka iyada oo
uu dareemo in la daneynayo, in loo huray hanti iyo in dhiig loo daadiyay
dartii. Waxaa uu mahadiyaa inuu ka soo dhex baxay bulsho u durraysay
ama ku takooraysay tabashadiisa. Si la mid ah waxaa aan meesha ka
maqnayn kaalinta cuntada ka qaadato tamarta suuro gelisa ciyaar iyo
booddo aan kala go? lahayn.
F/G:
Qoraaga qormadan waxaa ay taageesan tahayn aragtida Diinta Islaamka oo
si qeexan uga soo horjeeda in la aamino Mingis, duulal iyo Jin. Qoraalka
waxaa looga gon leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo iyo in
wax-ma-garatada loogu iftiimiyo sababaha keena bukaanku inuu si ku meel
gaadh ah u dareemo caafimaad marka uu ka soo tumto Golaha Mingiska.
Nimco Nuur
hoooyosuuban@gmail.com