Monday 22 December 2014

Guurka gabdhaha yaryar xal mise xorriyodoon

      GUURKA GABDHAHA YAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

  


Bulshooyinka adduunka ku nooli waxay soo mareen marxallado kala gooni ah iyo heerar kala duwan oo saamaysay noloshooda, mid walbaana ay la jaan-qaado hadba duruufta jirta iyo waqtigu sida uu yahay.
Haddaba bulshadeena Somaaliyeed iyo guurkooda waa mid caynkee ah?  Waxaynu leenahay xeerar iyo wadiiqooyin aynu u marnno markay timaado in reero ay xididaan. baahida iyo daruufaha  oo kala duwan dartood guurku wuu noocyo badnaa.

Marbay gabdhuhu u guursan jireen reerkooda oo cayr ah siday hanti u heli lahaayeen,waxayna raadsan jireen nin aysan jeclayn balse ay dhaqaalo ugu xillato, qaarkale guurkoodu waxuu ahaa mid aabbeheed uu siiyo oday ay saaxiib yihiin oo uu xoolo ka qaato, kuwo waxay naftooda u doorbidi jireen nolosha oo ku adkaatay darteed, inay hesho reer ay leedahay oo ay dhibka kaga nasato.

Qaarbaa lays dhaafsan jiray si beello is laayay colaadoodu ay u danto oo halkaasi ay nabad uga dhallato loo bixin jiray. Sidoo kale guurka qaarkiis waxuu ahaa dummaal ama xiskiisan, balse waxaa jira  qayb si ka wanaagsan intaas isku guursada oo iyagu is calmada, calafka iyo nasiibkoodu usaamaxo nolol farxad leh.

Waqtiga oo is bedelay darteed waxaa inagu soo siyaaday dhaqamo ka baxsan kuwii ay waalidkeen innagu soo koriyeen, waxaa dhacay dagaallo iyo qax, waxaynu nimid dhul aad ooga fog halkii aynu ku dhallanay ee Rabbi inagu beeray, bad-waynta ayaynu dhex hafanaynaa, way midabo badan tahay oo mowjado ku xoog badan tahay. Marbaynu ku hafannaa hirkeeda marna waynu yara neefsannaa, dhankastaaba dheeligu wuu inaga jiraa dhaqan iyo diinba, guurkii is bedal oo ka tag halkii uu ahaa  tobaneeyo sanno ka hor, da'dii lagu guursan jiray halkan  qurbaha waa ka mamnuuc oo maba laga ogola.

Haddana saas oo ay tahay waxaa soo badanaya in gabdhaha yaryar ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ay ku guursadaan da' yar marka loo eego waddamada ay nu joogno hablaha u dhashay. Waxbarashadii horay uma sii wataan oo dhex ayay kaga haraan intooda badan, guurkana kuma raagaan oo si dhaqsaa ayuu reerkii ku dumaa!

Miyaan is waydiinay maxaa sababay arrinkaas, maku fikirnay sidaan xal ugu heli lahayn oo aynu baaritaan u samayn lahayn?
 Mushkilada ugu wayn ee sababta guurka xalka ay ka raadinayaan gabdhaha yaryar waa waalidka dhallay, sababtuna waxay tahay dhawr arrimood oo aynu ku dhaqano balse aan la jaan-qaadi karin nolosha dhabtaa ee aynu dhex joogno, gabadhan yari waxay la kortay mid iyad aynigeeda ah, waxaa lagu koriyaa inay leedahay xuquuq iyo argti ay wax ku doonto waxna ku diido, reerka dhexdiisa waxaa ka jirta caddaalad iyo sinnaan aysan ku kala sarayn iyada iyo walaalkeed, reerkoodu waa qoys kooban oo ma dhallin carruur tiro badan, waxay heshaa waqti ay ku aado hiwaayadeeda hadba nooca ay iyadu xiisayso.

Balse gabdhan Somaaliyeed  hooyadeed waxaa lagu soo koriyay;
Naayaa walaalkaa dharka u dhaq!
 Naayaa gabar fiican noqo oo hadhow reerkeeda ku filan, ninka ku guursada yuusan igu kaa caayin oo uusan oran ''yaa soo koriyay''?
Waxay guriga hooyadeed kasoo baxday iyadoo aaminsan; Cilmi naageed jikaa u danbayn!
 Sidii oo kale waxay billaabaysaa inay ku carbiso gabdhii yarayd ee ay badda mawjadaha badan ku dhexdhashay;  Naayaa guriga iiga shaqee gabar baad tahaye!
Xaggeed aaday, yaa kusoo wacay?
Cunuga kaa yar sii ahay!
Jikadaas oo aad nal ka dhigtayn aan imaado!
Ma jirto wax hiwaayad ah oo ay aadayso aanka ahayn dugsiga Quraanka iyo iskuulka. Balse walaalked waxuu u ciyaaraa koox qaali ah aabbe iyo hooyo way ku faraxsan yihiin in uu noloshiisa dhisto ilayn waa wiil ee, toddobaadkii dhawr jeer waxuu aadaa cayaar, dabbaal iyo kubbada, markuu dumarka gaalada kula dabbaalanayo barkadaha dabbasha wax danbi ah maahan waayo waa wiil.



       Sawirka: Plan.fi


Gabadhii yarayd markii ay tagto iskuulka waxaa loo aqrinayaa cashar ah in la siman yahay wiil iyo gabar, hawsha guriga, aadista hiwaayadda iyo guud ahaan nolosha oo dhan. waxay si hoose u waydiinaysaa saaxiibadeedii ay fasalka wada dhigtaan qaabka ay u nooshahay?  Halkaasna waxay ka ogaanaysaa in dulmi uu ka jiro qoyskooda oo aan loo caddalad falin, hooyadeed waxay dhashay toddoba ama sideed carruura iyadaana u wayn ama wiil baa ka wayn.

Waxay ku koraysaa ciil iyo cuqdad, marwalba waxaa niyadeeda ku jira mar yaa ka nasta hawshaan iyo buuqa ilmahaan, goormaad kaligaa taleefashin xor ah daawan doontaa oo aad gurigaan ka tagi doontaa.

Waa suurto gal ah in aysan helin hadal macaan iyo in la tuso jacaylka ay u qabaan waalidkeed, ammaan iyo niyad dhiskuna uu aad u yar yahay, hooyadeed kama ahan nacayb iyo xummaan midna balse dhaqankii iyada lagu soo koriyay ayaa ah sidaas. Gabadhan se waa ka duwan tahay dhaqan iyo aragti labadaba oo waxay aamin san tahay in xaqeedii lagu tuntay, mana doonayso inay waalidkeed ku caasido. Markaas waxaa abuurmay farsamo ah in  gabadhu ay reerkoodii oo jecel samaysato nolo ka fudud midan kan shido yar oogana nasiino badan, waa maxay waa inay ku fekertaa guur iyo inay keensato wiil ay is rabaan runtuna ay tahay ku naso, maahan  guurku xaqiiq waase xal. Muddo yar ka dib wiilki iyo gabadhii yaraa way kala boodeen oo layskumaba sii nagaan.

Haddaba waalidoow runtu waxay tahay aynnu caddaalad falno, wiilka iyo gabadha aynu isku si ugu qaybino hawsha, hiwaayadda iyo waxkasta oo noloshooda ku saabsan. Waxii diinteenu aysan ogolayn labada dhanba aynu ku dhiirano in aynu ka mamnuucno oo aysan noqon dhib malahan waa wiil!

Gabadhaada ku beer jacayl oo tus qiimaha ay agtaada ka leedahay si hadhow ay nolosheeda u noqoto mid aan dhallanteed kaaga dhuuman, gabar iyo wiilba waxay u bahan yihiin in isku si looga dhiso nolosha waayo isba berri aabbe ayuu noqon.
Ha lahaato han ayku fekerto nolol rasmi ah iyo heer waxbarasho in daruuf iyo xannuun yimaado mooyiye aysan si kale ooga niyad jabin, ku boori kuna caawi inay noqoto mid ku qabwayn nolosheeda fahansana qiimaha guurka ee aysan u arag xal ay kaga tagto gurigan iyo dhibkiisa.

Waan hubbaa in waalid badan oo wanaagsan fahansana caddaalda ay inagu jiraan oo dhisa niyadda iyo qalbiga gabadhooda. Haddi ay jirto in aan khaldamay waa aragtidayda ii gaarkaa iyo ogaal badan oo aan qabo, talo iyo tusaale walaal kam maarmo iigusoo dira ciwaankayga.



W/Q Nimco Noor