Monday 19 December 2016

      ILMADA CABDI YARE EEDDEDA YAA ISKA LEH Q3AAD
    


Waan ka murugoodaa dhibka aan muuqan ee haysta Cabdi yare.
Wuu yara wayn yahay oo mar dhaw waxaa loo diiwaan galinayaa danbiyada uu galo oo dhan, waayo wuu ka gudbay waqtigii yaraanta aad ka ah ee carruurnimada, waxuu u baahan yahay aabbe garab taagan oo ka waaniya mawjadaha hareeyay noloshiisa,sidoo kale hooyo waqti u haysa ee ah hooyadii wanaagga iyo kartida badnayd ee uu aabbihiis muraayadda jabiyay. 
   Cabdi ma tago goobaha hiwaayada sida kubada, dabaasha iwm.
  Muddo maan arag muuqiisii niyadayda mar walbaa kama maqnaado waxaana u dareemaa sida ilmaha aan dhalay oo kale, carruurihii uu la socon jiray ee ay saaxiibka ahaayeen wali waxay taagtaagan yihiin dukaamada iridooda galbihii, balse indhayga maysan qaban maalmahaan wiilkii yaraa, tolow miyay guurtay
Waan maqli lahaa sow maahan, mise kii yaraa ayaa laga wareejiyay inuu hooyadiis la noolaado, oo waxaa ka watay qoladii badbaadada carruurta, anigoo arrimaas ka fakaray ayaa waxaa si lama filaana iiga soo hor baxay Cabdi yare waan salaamay mise waxaa wajigiisa ka muuqda dhaawac jirdil ah oo dhinac dhan ayaa madow, waan ka naxay waxaana si dagdag ah u su’aalay ’’yaa sidan kuu galay habaryar’’ waxuuuse ii sheegay inay ciyaal is laayeen kadibna ay iskugu tageen qaar kale oo ajinabi ah.


Wax dhacay cidina wax kama qaban karto, balse waa ayaan darro tanoo kale waxaan ku iri kaalay hadda xageed u socotaa waxuu ii sheegay inuu aadayo meel ay saaxiibadiis ku sugayaan, waan is celin waayay markaas ayaan ku iri war heedhe miyaadan damiir lahayn, sow kuwa sida tan kuu galay maahan saaxiibadu waa maxay saaxiibka aad sheegayso, waan waaniyay una caqli celiyay balse waa ilmo dayac ku dhacay oo waalidkii dhalay ay gabeen kaalintoodii waalid nimo iyo daryeelkii uu kulaahaa ilmahooda, hadaynta iyo hanuunka waa mid ka yimaada xagga Rabbi, balse dadaalku waa mid waajib ku ah waalidkastaa oo ilmo dhalay waayo masuuliyadani waxay qaadeen markii ay go’aan sadeen inay is guursadaan labada qof.



Waqti ka yar toddobaad waxaa maqlay inuu Cabdi yare ay la wareegeen qolada badbaadada carruurta maadama uusan schoolka tagin ayna badatay danbiyada laga diiwaan galiayay, Asli nolosheedii wax way ayaa iska badalay markii ay waysay wiilkeedii yaraa ee ay ifka ka eeganaysay, ma aysan garawsan halka uu qaladka ka yimid balse taas badalkeedii, dhibkii iyo buuqii nafteeda ay la kulantay waxay ka dhaxashay inay dhexda ka gashoisticmaalka balwada oo kusoo biiray nolosheeda, qaadka iyo shiishada ayay si aad ah u isticmaashaa markan, waxayna u aragtaa in waqtiga iyo murugada ayu isku dhaafsiinayso.


Muuqaalkeedii wuu isbadalay quruxdii iyo xaragadii badnayd waxay noqdeen kuwa aad moodo inaysan waligeedba xaragoon muuqaalkeedii waxy u ekaatay islaan wayn  oo ayeeyo oo kale ah, dhabanada waxaa ka fuulay haraq madoow jirkediina wuu gurmay, aad baan ooga calool xumaadaa ninkii danbe kuma raagin oo markii uu arkay xaalkeeda halka uu marayo iyo sida ay nolosheedii isku badashay ayay kala tageen.



Cabdi yare wali waxay dhibka haysataa sidii uu nolosha caadigaa ula qabsan lahaa, xaalka hooyadiis waxay ooga sii dartay dhibkii haystay waxuuna noqday mid dagaal iyo macangag nimo ku sifoobay, marnaba ma helo qof u garaaba waayo maba lahan af garad, waxuu gaaray 17 jir waxaana laga soo warejiyay goobtii loogu tala galay in lagu hayo carruurta aan wali qaangaarin, nasiib darro Cabdi yare markii uu maalmo uun tir san joogay xaafadda hooyadiis oo noqotay goob lagu qayilo oo ragga iyo dumarku ay is dhex boodaan. Habeen habeenada ka mida waxaa xaafadda soo galay nin qamri soo cabay, muran iyo qaylo badan kadib waxuu ugacan qaaday Asli, Cabdi yare intuu ninkii la dagaalamay ayuu jikada waxuu kasoo qaatay mindi halkii ayuuna ninkii cabsanaa ku dhaawacay waxaa goobtii yimid ciidanka ammaanka police, gaadiidka gargaarka dagdagaa, Cabdi yare waxaa loo taxaabay xabsiga oo uu hadda ku jiro.