Tuesday 7 October 2014

Da' yarta qurbaha iyo qamriga

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qofkastaa oo isticmaala da' kasta iyo marxalad kastaa, waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Somaaliya waxuu sababay in bulshada u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan kuwaas oo ku dhashay meello aad ooga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deeggaannadoodii.  Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo. Balse waxa jira kala  fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caaddooyinka.

 Waa wax jirta in qofkastaa oo nool uu soo maro heerar kala duwan noloshiisa, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, mararka qaarna uu jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday. Marxallada dhallinyaro nimada waa mid ay da' yartu ku jiraan nolol heehaab ah oo ay ku dul sabeeyaan adduunka iyo waayihiisa, sidoo kale waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhiman yahay, goor kalena ay ka faa'iidaysan doonaan.

 Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeeladiisa, sidoo kale dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahayna in looga faa'iidaysto xilligiisa.

Haddaba carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay ? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah ? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhallay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu kasoo jeedo farac iyo asalba.


 Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarad Somaaliyeed ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha.

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba, ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxooti nimada kusoo galnay, marka uu gaaro xilliga baaluqa, waalidkiis waxay kala sheekaystaan waxii kusoo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaallada uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga isagoo leh xad go'an oo uusan ka badsan karin. Sidaas si lamida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn,waxayna ku magacaabaan  ( CABITAANKA AMMAANKA )  wuxuu dareemaa cabsi la'aan, cannaan la'aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si lamida waxuu ku cabbaa jawi daggan iyo walwal iyo cabsi la'aan, waxaa loo kala saaraa oo ukala soocan waqtiga uu cabayo, marka uu shaqaysanayo ama waxbaranayo. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaankaa.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo kamida  kuma baraarugsanain in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamriga,   marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maadiba leh oo fahansana,  caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo qof  ahaan sharaftiisa bulshadeena dhexdeeda. Xirirrikii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la socono xaallada ilmaha iyo isbadalka ku dhacay.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu waa in ay iyagu uun hadlaan, mana siiyaan waqti uu in ilmuhu uu iskaga difaaco eedaynta loosoo jeedinaya iyo cannaanta, sidaas darteed waxaa la baray oo uu la qabsaday (WARYAA AAMUS ) ma annaad igu soo af celinaysaa! Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka kaga yimaada saaxiibadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayo waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in la baraa cisada waalidka balse waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.



Taasi waxaay sababtay in ilmihii uu ku dhaco ( LABA DARAN MID DOORO ) Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen oo isku marka wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan si uusan ooga baxsanaan oo ay uwada noqdaan koox midaysan.

Mida kale waa caddaadis ka haysat waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba  xaaraan ka ah inay cabbaan Qamriga, intaas kadib, gabadhii ama wiilkii dhallinyarada ahaa waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

 Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go'aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo,aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furan u salaanta oo dadku way ka waji dadbayaan.

Haddii uu saaxiibadii ku gacan sayro waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ( sariirta nuunaha) ku jira oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo oo uu maalin uun cabbaa si uu uga sii mid ahaado saaxiibadiis. Marka uu billaaabo cabitaanka Qamriga ma jirto cid ka xadidaysa oo u qiyaasaysa, waxuu dhammaa qiyaas tankiisa ka badan, kadib walwalkii iyo cabsidii qalbigiisa ku jirtay darteed ayuu noqdaa mid xannaaq badan oo dagaalama oo gardaraale ah ( aggressive) Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.Mana jirto kalsooni ah in uu helayo cid u naxariisata danbigiisana ka cafisa.

Halkaas waxaa ka dhallanaya burburka iyo mustaqbalka oo luma ilmihii oo niyad jaba, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oolin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi waayo waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay.

 Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn balse lagula tacaalo dhiiri galin, lana tuso  in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn waalidoow ku qanacsanoow inaadan shaydaanka usii eryin,oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay balse aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay ag taal Illahay awlaada haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

W/Q: Nimco Noor