Saturday 5 August 2017

Haku dheelin Dhibanaha

                                        Haku dheelin dhibanaha



  Hooyo kastaa iyo aabbe walba oo ku nool nolol kalinimo ah, wuxuu soo maray xaallad dhibaato oo ku kaliftay in uu doorto kalinimo uusan haysan wehelkii noloshiisa, mid walbaa wuxuu u arkaa in isaga la dulmay oo uu dhibane ahaa, si uu dhibannenimada oo ga baxo.
 Wuxuu go'aan ku gaaraa ka tanaasul noloshan, maaddama aysan ahayn tii aad rabtay, ama kugu habboonayd. 
Waxaa u billaabata nolol kali ah wuxuu kala kulmaa ciriir iyo wehel la'aan, wuxuu waayaa wixii uu horay u haysaty, maalmo xanuunbada iyo nolol cusub. 
Midkood wuxuu dareemaa in uu ka baxay noloshii karrahiyad ahayd ee uu ku dulmanaa, wuxu dareemaa farxad iyo layr caafimaad, wuxuu helaa nashaad iyo raynrayn.

Waxaase suurtagal ah in muddo ka dib uu garwaaqsado khaladkiisi, iyo qaybtii uu ku lahaa burburka qoyskiisa, ma jiro laba iyag oo wada faraxsan nololshooda ku heshiiya in ay kala tagaan, dabcan midkood ayaya khasab ku noqotay in uu doorto nolosha kalida ah, midka kalena waxaa laga yaabaa in ay ku adkayd go'aan qaadashada burburka qoyskan.

Dhibaatooyinkaas waxay noqon karran kuwo caadi ah oo ay la' wadaagaan qoysaska kale, qaarkood way yar tahay in dhibka haystaa ay dad badan la qabaan, kuwo waxa dhici karta in hawshu aysanba sidaas u sii waynayn oo xalku uu ahaa mid fudud.



Waxaad arkaysaa Hooyo/Aabbe Somaaliyeed oo dhibkii ku dhacay dartiis ku lumisay/lumiyay xudduudii ay lahayd nafteeda/naftiisa, iyo xadkii ay ku xifdin lahaayeen sirtooda. 

Sidaas si lamid ah, kuwaa la nool diiqad iyo ciil, oo ku jira nolol mugdi ah, ku nool guri waa hore laga guuray, qaarkood waxaa ku dhex-nool qof ay waahore nolosha ku kala tageen dhibkiisii, kama ay san kabsan mana ay san raadin in ay doonataan caawinaad  si ay kaga baxaan xabsigan ay naftooda galiyeen, waxay xabsi ugu jirtaa qof aan ogayn xaalkooda xisaabtan ugu jirin noloshooda.


Hooyadaasi/Aabbahaasi waxay baraha bulshada ku faafiyaan dhibkoodii, waa dhibanayaal, waxay dhibane u yihiin naftooda oo waxaa lumay xakamihii, waxaa jabay karkaaradiii ay ku xajin lahaayeen sirtooda. 

La'yaab malahan oo waa qof wakhtiga iyo waayuhu ka hiisheen, waa qof tankiis ka badan qaaday, waa khasab oo wuu liicayaa oo kufayaa, wuu ku haftoonayaa  mawjadaha iyo noloshan dhibaatada badan ee ku hareeraysan. 
Ka dib wuxuu noqon mid aan xakame lahayn oo taabta, ka hadla wax walba oo markaas uu ka dhex arko maskaxdiisa.

Waxaase wax aad loola yaaba ah, in dadkii Somaliyeed ay waayadan wax walba caadi la noqdeen, xumihii, caydii iyo gafkiiba uu nqoday ilbaxnimo iyo geesinimo. 


Waxaad arkaysaa mid isagu soo maray intaas oo dhibaato ah, aan jeclayn in uu ka hadlo haddii la waydiiyana ku jawabaya ma jecli in aan ka hadlo noloshaas.

 Waayo wuxuu ilaashanayaa sirtiisii, wuxuu u arkaa in taasi ay ahayd noloshiisa u gaarka ah, oo ay san habboonayan in uu cid walba la'wadaago.
WAAYO WAA TIISII ISAGA U GAARKA AHAYD!
Qofkaasi wuxuu ku raaxaystaa dhibanaha warkiisa wuxuu ku tilmaamaa geesiyad/geesi runta sheegay, ilayn isag ayuu ka dhex hadlayaa oo waa dhibkii uu  soo maray, balse uu diidanaa in uu ka hadlo, ayaa af uusan lahayn ka soo baxday oo qof kale sheegay.

 Makaas waxaa maraya neecaw, wuxuu dareemayaa nafis iyo fudayd maaddam wixii isagu ku cuslaa, oo ka dhex yeerayay loo yiri.

Wuxuu si toos ah iskaga dhex arkaa, oo taabata hadaladaas dhagtiisu way jeceshay maqalka iyo dhagaysiga dhibanaha warkiisa.





Maxaa xal ah? Haddad heshay in boogtaadii bannanka la soo dhigay, oo wixii ku gubayay aad wax la' mid aha maqashay.


  •  Walaal haku raaxaysan wax aadan adiguba samayseen.
  •  Walaal haku dhiirigalin qof wax aadan adigu samayseen, wixii aad ka baqday haku oran geesi baad tahay.
  • Walaaal isgee halka uu joogo,  booskiisa is dhig oo dareen waxa aad naftaada u dareemi lahayd. 
  • Miyaad jeceshahay in dhawr iyo tobanka milyan ee Somalidaa kugu wada barato, baraja bulshadu ku kulanto, kuuna arakaan qof wax ka khaldan yihiin. Jawaabtu waa maya!
  • Haku digan walaalkaa dhibane ah. . 
  • HAKU DHEELIN DHIBANAHA

Sawirada/ Kuvat  https://enkeliluinen.vuodatus.net/lue/2016/07/masennus-vs-ahdistus