Saturday 2 March 2019

Kufsataye ma kaaftoontay

                                                        

 Kufsataye ma kaaftoontay










Gabdhuhu waa hibo ka mid ah hibooyinka Ilaahay ugu deeqo waalidiinta, kuwooda uga qiimaha badan. Haddana, sidaas oo ay tahay, dhalashadooda waayihii hore laguma farxi jirin dhaqamada qaarkood ama badankoodba. Waddamo badan, haweenku waxay ku sugan yihiin dhibaatooyin xoogleh, liidid, duudsi iyo boob jirkooda iyo naftooda ah.
Dunida qaarkeed waa ay ka gudbeen dhibkaas iyo xadgudubkaa haweenka lagu hayey. Qaar kale oo badanna wali waxay ku sugun yihiin nolol dhibaato iyo silica ah.
 Haddaan u soo noqdo, ummaddeena Soomaalida ah ee burburka iyo Qaran jabku ku dhacay, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Nolosha bulshadu waxay ku tiirsanayd haweenka. Raggii waxay noqdeen kuwo duruufihii jiray, midba si u meeleeyey.
Dhibkii dalka ka dhacay, cid walba waa uu saameeyey dumar iyo rag, carruur iyo waayeel,  caamo iyo culimmo intaba.
 Haweenka waxaa u sii dheeraa, dhaca iyo dil. Kufsigu marna kam maqnayn noloshooda colaad iyo nabad xilli ay ahaataba.

Waxaa mar walba haweenka kufsiga loogu gaysan jiray, meel kasta oo rag dhaanku ay u arkaan in ay fursad u haystaan xummaynta gabdhaha. Waayo waxay hubeen in aysan ciqaab wayn kala kulmayn ama loogu xukumidoono KII XOOGAY HALOO XAREEYO! Qiyaas naxdinta iyo uur ku taallada ay leedahay in gabar ninkii kufsaday mar labaad guri loogu geeyo, oo wax guur loogu magacdaray lagu soo gunnaanado?
Sow maahan  kufsigii oo loo sharciyeeyey? Hooyadaasi dhibka iyo dhaygaggu ku dhacay ayuu haddan carruur ka dhalaayey!

Dhaqanka Soomaalidu, marka wiilku dhibaato u gaysto gabar, waxaa lagu xalliya qaab ay raggu heshiis ku yihiin. Oo waxaba aan laga waydiin gabadhii dhibku gaaray ee dhibbanaha ahayd.

Haddab, waxaa waayadaan soo badanayey dhibka loo gaysto gabdhaha yaryar. Qaarkood waxaa kufsiga u gaystay dadka dad ugu dhow oo lagu aaminay! Ehelkood ama macallin Quraan iwm. 
Kufsiga qaarkiis waxaa gaysto rag koox ah, kuwaas oo caddaymo iyaga ay iska soo duubaan soo dhiga baraha bulshada. Qaarkood markii ay suurtagal noqon weyso in uu gabdhii kufsado, wuxuu xabbad ooga dhuftay xubintii taranka!
Kuwo waxaa la faro-xummeeyey iyagoo wali sabi ah. Haddan wax xukun ah oo ay mareen ma aysan  jiraan. Qaar badan waa ay u geeriyoodeen dhaawicii ka soo gaaray KUFSIGA

Dhacdada ugu danbeeysay ee Caasho ilyaas Aadan waxay ka dhacday magaallad Gaalkacyo. Ilma saqiir ah oo aan nafteeda difaaci karin, awood iyo xoog midna iskaga celin karin, ayey si arxan darro ah u dileen markii ay kufsadeen! Waxaa la wada dhawrayaa, sida uu u dhici doono xukunka danbiileyaaha. Caasho se caddaallad ma heli doontaa?

Waxaa magaallad Guriceel ka dhacay dhacdo xanuun badan. Niman koox ah oo kufsi wadareed u gaystay Roodo Nageeye Maxamuud, balse nasiibdarro waxaa dambiille noqotay dhibbane Roodo. Waxaa si xaqduudsi ah loogu xukumay, xukun lagu sheegay in ay marsiiyeen DIINTA ISLAAMKA, balse la oran karo Diinta Ilaahay waa lagu beenabuurtay.
Su'aasha is waydiinta mudan waxay tahay Rooda miyeysan xaq u lahayn in ay afkeeda isku difaacdo,goobtanna timaado? Oo ay tiraahdo "raali kama ahayn, ama waan ka ahaa?"
Waxaa lagu sheegay, in Roodo ay raali ku ahayd hawsha.
Allaah wuxuu Quraankiisa ku sheegay, in uu ina siiyey caqlimaqal iyo arag aynu ku kala soocno
waxa dhacay ama dhacaya.
Sidee gabari dhawr nin mar ula heshiin kartaa?
Maxaa sababay, in ay qayliso, oo carcararto?
Mase ogolaan lahayd, in fiidiyow laga duubo? Midbaa yiri "waan rabay in aan kufsado, balse markii ay qaylisay ayaan iska dhaafay, kaddibna kal-xawaaji u soo qaatay."
Haddaba, jawaabtu way caddahay oo waa DULMI Roodo laga galayn, loogana galay magac Diin iyo title culimmonimo.

 Roodo aabbeheed wuxuu ku qancay, xukunkii ay xukumeen nimakii meesha joogay gabadhiisa dhibbanaha ah, ee dhillada laga dhigay.
Ma aqoon xumo isaga diinta ka haysataa?
Ma awood yari iyo in uusan raggan dhigooda ahaynbaa?
Ma dadka Qabiilka loogu awood sheego?
Runtii waan kala saari waayey waxa uu ku qancay!
Dhagarqabe, maahan oo kaliya kii gabar Kufsaday, ee waa kan xukun aan caddaallad ahayn wax ku xukuma.
Dhagarqabe, maahan oo kaliye kii gabar kufsaday, ee waa kan aqbalay gabadhiisa oo dhiig-baxaysa in uu dhaqaalle yar ku qaato.
Dhagarqabe, maahan oo kaliye kii gabar kufsaday ee waa kan, Qabiil ku difaaca dambiilaha.

Dhagarqabe, maahan oo kaliya kii gabar kufsaday, ee waa kan dhaqan iyo xeer dulmi ku dhisan wali wax ku xalliya.
Haddaba, kufsateen gabdhee ma kaaftoonteen?

W/Q Nimco Noor