Saturday 5 August 2017

Haku dheelin Dhibanaha

                                        Haku dheelin dhibanaha



  Hooyo kastaa iyo aabbe walba oo ku nool nolol kalinimo ah, wuxuu soo maray xaallad dhibaato oo ku kaliftay in uu doorto kalinimo uusan haysan wehelkii noloshiisa, mid walbaa wuxuu u arkaa in isaga la dulmay oo uu dhibane ahaa, si uu dhibannenimada oo ga baxo.
 Wuxuu go'aan ku gaaraa ka tanaasul noloshan, maaddama aysan ahayn tii aad rabtay, ama kugu habboonayd. 
Waxaa u billaabata nolol kali ah wuxuu kala kulmaa ciriir iyo wehel la'aan, wuxuu waayaa wixii uu horay u haysaty, maalmo xanuunbada iyo nolol cusub. 
Midkood wuxuu dareemaa in uu ka baxay noloshii karrahiyad ahayd ee uu ku dulmanaa, wuxu dareemaa farxad iyo layr caafimaad, wuxuu helaa nashaad iyo raynrayn.

Waxaase suurtagal ah in muddo ka dib uu garwaaqsado khaladkiisi, iyo qaybtii uu ku lahaa burburka qoyskiisa, ma jiro laba iyag oo wada faraxsan nololshooda ku heshiiya in ay kala tagaan, dabcan midkood ayaya khasab ku noqotay in uu doorto nolosha kalida ah, midka kalena waxaa laga yaabaa in ay ku adkayd go'aan qaadashada burburka qoyskan.

Dhibaatooyinkaas waxay noqon karran kuwo caadi ah oo ay la' wadaagaan qoysaska kale, qaarkood way yar tahay in dhibka haystaa ay dad badan la qabaan, kuwo waxa dhici karta in hawshu aysanba sidaas u sii waynayn oo xalku uu ahaa mid fudud.



Waxaad arkaysaa Hooyo/Aabbe Somaaliyeed oo dhibkii ku dhacay dartiis ku lumisay/lumiyay xudduudii ay lahayd nafteeda/naftiisa, iyo xadkii ay ku xifdin lahaayeen sirtooda. 

Sidaas si lamid ah, kuwaa la nool diiqad iyo ciil, oo ku jira nolol mugdi ah, ku nool guri waa hore laga guuray, qaarkood waxaa ku dhex-nool qof ay waahore nolosha ku kala tageen dhibkiisii, kama ay san kabsan mana ay san raadin in ay doonataan caawinaad  si ay kaga baxaan xabsigan ay naftooda galiyeen, waxay xabsi ugu jirtaa qof aan ogayn xaalkooda xisaabtan ugu jirin noloshooda.


Hooyadaasi/Aabbahaasi waxay baraha bulshada ku faafiyaan dhibkoodii, waa dhibanayaal, waxay dhibane u yihiin naftooda oo waxaa lumay xakamihii, waxaa jabay karkaaradiii ay ku xajin lahaayeen sirtooda. 

La'yaab malahan oo waa qof wakhtiga iyo waayuhu ka hiisheen, waa qof tankiis ka badan qaaday, waa khasab oo wuu liicayaa oo kufayaa, wuu ku haftoonayaa  mawjadaha iyo noloshan dhibaatada badan ee ku hareeraysan. 
Ka dib wuxuu noqon mid aan xakame lahayn oo taabta, ka hadla wax walba oo markaas uu ka dhex arko maskaxdiisa.

Waxaase wax aad loola yaaba ah, in dadkii Somaliyeed ay waayadan wax walba caadi la noqdeen, xumihii, caydii iyo gafkiiba uu nqoday ilbaxnimo iyo geesinimo. 


Waxaad arkaysaa mid isagu soo maray intaas oo dhibaato ah, aan jeclayn in uu ka hadlo haddii la waydiiyana ku jawabaya ma jecli in aan ka hadlo noloshaas.

 Waayo wuxuu ilaashanayaa sirtiisii, wuxuu u arkaa in taasi ay ahayd noloshiisa u gaarka ah, oo ay san habboonayan in uu cid walba la'wadaago.
WAAYO WAA TIISII ISAGA U GAARKA AHAYD!
Qofkaasi wuxuu ku raaxaystaa dhibanaha warkiisa wuxuu ku tilmaamaa geesiyad/geesi runta sheegay, ilayn isag ayuu ka dhex hadlayaa oo waa dhibkii uu  soo maray, balse uu diidanaa in uu ka hadlo, ayaa af uusan lahayn ka soo baxday oo qof kale sheegay.

 Makaas waxaa maraya neecaw, wuxuu dareemayaa nafis iyo fudayd maaddam wixii isagu ku cuslaa, oo ka dhex yeerayay loo yiri.

Wuxuu si toos ah iskaga dhex arkaa, oo taabata hadaladaas dhagtiisu way jeceshay maqalka iyo dhagaysiga dhibanaha warkiisa.





Maxaa xal ah? Haddad heshay in boogtaadii bannanka la soo dhigay, oo wixii ku gubayay aad wax la' mid aha maqashay.


  •  Walaal haku raaxaysan wax aadan adiguba samayseen.
  •  Walaal haku dhiirigalin qof wax aadan adigu samayseen, wixii aad ka baqday haku oran geesi baad tahay.
  • Walaaal isgee halka uu joogo,  booskiisa is dhig oo dareen waxa aad naftaada u dareemi lahayd. 
  • Miyaad jeceshahay in dhawr iyo tobanka milyan ee Somalidaa kugu wada barato, baraja bulshadu ku kulanto, kuuna arakaan qof wax ka khaldan yihiin. Jawaabtu waa maya!
  • Haku digan walaalkaa dhibane ah. . 
  • HAKU DHEELIN DHIBANAHA

Sawirada/ Kuvat  https://enkeliluinen.vuodatus.net/lue/2016/07/masennus-vs-ahdistus

Sunday 9 July 2017

Feejignaan:

Feejignaan: ADHD



           
Feejignaanta ama u xasilloonida waxaa looga baahan yahay, shaqo kasta oo la qabanaayo. Ku feejignaanta  iyo ku xasiloonaanta xaallada iyo howsha lagu jiro waa mid si  caadi ah isaga timaada iyada oo aan si gaara loogu fiirsanin, ama aan la dareemin, laakiin waxaa la dareemaa markii  uu dhaawac soo gaaro feejignaanta, waxaa la ogaadaa muhiimahada iyo baaxadda ay ku leedahay wax qabadka.


Dhammaanteen waynu og nahay in ay mararka qaarkood adag tahay in aynu ku xasilnno howsha aynu haynno markaas.  Xasiloonidu marmarka qaarkood dhaawac wuu soo gaari karaa, waxyaabo badan oo ka la duwan ayaa waxyeelayn kara, inta badan waa iska caadi in qofka firfircoonidiisu is badasho,  sida gaajada, daalka, streska , xiiso la’aanta iyo waxyaahaba kale ee maskaxdaada ka jeedin kara howsha markaa aad hayso.



Sidoo kale qaar xanuunnada ay ka midka yihiin macaanka iyo suuxdinta, waxay hoos u dhigaan firfircoonida iyo xasiloonida qofka. Laakiin marka aad nasato oo nafsadaadu fiicnaato, caajisku kaa ba’o waxaa soo noqonaya feejignaantaadii iyo xasiloonidaadii, adigoon dareemayn.
Sidoo kale waxynu ku kala duwanahay dabeecadaha shakhsiyeed, iyo dhaqanka qaabka shaqo. Taasi waxay saamaynaysaa qaab-howleedka shakhsiga sida, degdega ama qunyar u shaqaynta.
Dadka qaar  way saan-gaaban yihiin, halka qaar kalena ay degdeg badan yihiin.
Sida caadiga ah marka aad niyad jabsan tahay ama aad maskaxiyan u daalantahay, way adag  tahay in aad feejignaato ama aad xasiloonaato. Haddaba waa maxay dhaqanka caadiga ah iyo midka aan caadiga ahayn, waa halkee xadku?
Way adagtahay in xad go’an la sameeyaa. Marka laga hadlayo ilmayar waxaa muhiim ah, in aynu ogaano goormay xasilooni la’aantu tahay mid si joogto ah ugu adag ilmaha, oo ay  waxyeelayn karto koritaankiisa.
Dhibaatada xasilooni la’aanta sida lagu garto.
Dhibaatada xasilooni la’aanta waxaa laga hadlaa markii, xasilooni la’aantu ay ilmaha u noqoto mid joogto ah ayna xanibaad ku noqoto xaallado kala duduwan oo noloshiisa ka mida.
Dhibaatada xasilooni la,aanta waxaa loo isticmaalaa kalmadahan lasoo gaabiyay ADHD oo ka timid Attension Deficit Hyperactivity Disorder.
Waxaa looga jeedaa feejignaan la’aan dhinacyo badan ah. Taas oo callaamadaha feejignaan la’aanta ee ilmaha ka muuqanaysa  ay ka mid yihiin, qalqaalinimo dheeraad ah, caro, deganaansho la’aan iyo dhaqan waxyeelo ku ah degenaanshaha. Mararka qaarkood dhibaatadu waxay noqotaa xasilooni la’aan keliya, aan lahayn qalqalinimo iyo caro toona.
Markaa waxaa loo isticmaalahaa kelmadan, ADD (Attension Deficit Disorder).
Xasilooni la’aantu waa dhibka ugu weyn ee xagga maskaxiyan ula soo darsa carruurta iyo dhallinyarada.
Waxaa lagu arkaa 3-5 % bulshada Finland. Calaamadaha fudfudud laakiin waxaa lagu arkaa in badan oo bulshada ka mida illaa 40%.  Arrinta laga hadlayaa waa arrin dhibaato ku ah carruur badan waxbarashadooda iyo nolol maalmeed kooda. ADHD  waxaa uu guud ahaan ku badanyahay wiilasha. Gabdhaha waxaa ku badan degenaansho la’aanta aan qalqaalinimo iyo caro la soconin (ADD)
Sida caadiga ah calaamadahani way yaraadaan marka ilmuhu koro, laakiin 60-80% calaamadaha way la waynaadaan.


Haddaba dhibaatada xasiloonidarada maxaa keena?
Waxyaabaha keena dhibaatada xasilooni la’aanta ah illaa hadda si fiican looma garanaayo.Hase ahatee waxaa la ogyahay in ay qayb ka noqon karaan waxyaabo Biologikali ah. Waxay kale oo noqon karaan Hidderaac, ama waxaa saamayn ku yeelan kara dhibaatooyin xilligii uurka dhacay.
Dad aan badnayn ayaa dhib toos ugu dhacay ay saamayn ku yeelan kartaa. Siday u muuqato hiddaha,deeggaanka iyo xidhiidhka bulsheed ayaa saamaynta ugu badan ku leh sida ay uga muuqato ilmaha nolol maalmeedkiisa xasilooni la’aantu. ADHA: da inta badan waxaa laga helaa Hidderaacyo.
Hal qoys ayaa yeelan kara dhowr ilmood oo ADHD qaba ama calaamadaha xasilooni la’aanta.
Waalidkuna inta badan way sheegaan inay ilmahooda calaamadaha qaar iska shabahaan. Inta badan labada waalid mid ka mida ama labadaba way leeyihiin calaamahad.
Badanaa marka ilmaha laga helo ADHD ayay waalidkuna ku baraarugaan inay calaamdahaa leeyihiin oo ay baadhitaan raadsadaan, si ay u hubsadaan inay qabaan dhibtaa xasilooni la’aanta ah.
Sidee lagu baaraa ADHD? ADHD-ga waxaa lagu arkaa callaamado ka la duduwan.
Calaamadahaa waxaa la dareemi karaa intuu ilmuhu yar yahay, laakiin waxay is ka bedbedelaan da’da. Inta badan xasilooni la’aanta waxa la baaraa marka ay soo dhawaato in uu iskuulka billabayo. Waxaa kale oo la samayn karaa baadhitaanka 4-6 sano intuu ilmuhu jiro. Ilmaha yar weli laguma samaykaro baadhitaankaa.
Faham la’aanta waxbarashada waxaa lagu ogaadaa badanaa baadhitaan caafimaad iyo calaamadaha,  ADHA: dana waa sidaa oo kale. ADHD: da waxa lagu xaqiijiyaa baadhitaan iyo in lagu arko calaamhada  lagu garto. Dhakhtarka maskaxda iyo waalidka kulan kooda waxaa lagu ogaadaa ilmaha xalladiisa markii  uu caloosha ku jiray ilaa caruurnimadiisii. Ilmaha dhaqankiisa iyo waxqabadkiisa waxaa looga qiyaas qaadanayaa, ilmaha dadiisa ah.
Waxa kaloo muhiima marka la qiimaynayo ilmaha in kala duwanaanshaha xaalad nololeedka la tixgeliyo. Baaritaanka waxaa lagu ogaanayaa in ilmaha dhaqankiisa xasilooni darrada ah, kasoo ah mid si joogo ah caado ugu ah ilmaha iyo dhibaatada u gaysanayo shaqo maalmeedkiisa.
Baaritaanka dhakhtarka waxaa ka horreeya oo shuruud u ah in ilmaha baaritaanka loo dirayo, in ay ka muuqdaan callaamadaha la gu garto xasillooni la’aanta oo guriga, xanaanadu iyo iskuulkuba ay ku arkeen ugu yaraan lix bilood.
Suurtogalnimada calaamahada degganaansho la’aanta ilmaha waxay uga muuqan karaan siyaabo kala duwan, markuu guriga joogo iyo markuu xanaanada ama iskuulka joogo.
Guriga waxaa saamaynanya, qaabka dhaqanka iyo shuruucda guriga. Xanaanada iyo iskuulka, waxa la arkayaa sida uu ilmuhu u dhaqmayo marka uu carruur badan ku dhexjiro.  


Ilmuhu, waxa uu war-bixin ka helayaa qaabkiisa dad la dhaqan ee uu kooxda ama wadar( waxaa ku adag la dhaqanka dad badan) ku la dhaqmayo, waxaa looga baahanayaa in uu kobciyo xasiloonidiisa iyo xirfadiisa dad la dhaqannimo.
Qofka dhibaatada xasilooni la’aanta qaba way kusii xumaataa dhibaatadu marka uu koox la shaqaynayo, taas oo aan guriga laga dareemaynin.  In ilmaha laga baadho ADHD marka uu dad iskuulka usoo dhawaato waxaa u sababaya ilmuhu marka uu iskuulka galo waxaa badanaysa baahida looga baahanyahay, inuu awood u leeyahay ilmuhu inuu meel fadhin karro uuna ku xasiloonaan karo casharka laga shaqaynayo wakhti dheer.
Taasi waxay ilmaha ku kalifaysaa in uu rabo uu na awoodo inuu hago shaqadiisa.
Marka ilmaha awoodiisu ay ka yaraato waajibaadkiisa, ugu danbayn markaas ayaa la fahmayaa inuu dhaqankiisa uu yahay mid aan caadi ahayn.( Macnaha wuxuusan awood u lahayn waajibka ah in uu qabto, casharkiisa am waxyaabah ay asaagiis qabanayaan)

Mararka qaarkood baadhitaanka waxaa la sameeyaa ilmaha oo iskuulka dhigta.
Markaa lafteedadana waa in ay jiraan calaamadaha oo ay buuxiyeen shurrudihii looga baahnaa ugu danbayn dhamaadka fasalka koobaad. Waxaa ka loo suurtogal ah in qofku isagoo dhallinyaro ah laga badhi karo ADHD:da
Waraysiga waalidka waxa badanaa lagu ogaadaa, ilmahu markii uu yaraa inuu ka duwanaa ilmaha kale, ama ilmaha ay isleeg yihiin. Waxaa laga yaabaa inuu ilmaha ka dabeecad kululaa, jedwel toos ah in lagu dhaqaa inay adkayd, habeenkii inuu aad usoo toostoosi jiray ama uu aad u jeclaa inuu markasta waalidka ka ag dhawaado.
Waxaa kale oo suurtogala in ilmah ADHD:da qaba uu ahaa markuu yaraa ilmo aad u deggan. Calaamadahaas oo dhan waxaa lagu ogaanayaa waraysiyada marka danbe la sameeyo.
Waxaa muhiima in haddii aad ilmaha yar ku aragto calaamadahan aanad go’aansan inuu noqon doono ilmo qaba ADHD.  
Ilmaha ADHD:da  xilliga ciyaarta wuxuu noqon karaa ilmo dhakhso u cadhooda, oo dabeecad fudud, markastana orod iyo howl kuj ira,  wax kasta oo soo gaadhana wuu u dabacsan yahay.
Ilmahasi inkastoo uu orod badanyahay uu u muuqdo ilmo adadag oo oradkiisu dhisanyahay, haddana waa ilmo aan jidh ahaan dhisnayn oo kufkufidiisa iyo dhacdhaciisu badanyahay.
Xanaanada in uu koox badan la shaqeeyo waxay ku tahay culays badan, shuruucda iyo tilmaaha in uu raacaa waa ku dhib, sugitaanka wakhtigiisa iyo waxyaabo badan oo kale ayuu ciriiri ku dareemaa.
Xaalladahaa uu culayska iyo ciriiriga dareemayo waxaa sii xoogaysanaya degganaansho la’aantiisa iyo qalqaalinimadiisa. Ilmaha caadiga ah markuu da’da  cayaarta billaabo wuxuu ku daraa in uu cayaartiisa ku hago isla hadal.
Marka hore wuxuu isag oo hadalka kor u qaadaya isu sheegaya cayaartii uu sameeyay.
Marka xigta waxay isu badalaysaa inuu marka hore isu sheego waxa uu samaynayo ka dibna sameeyo. Sidaas ayuu ku qeexanayaa howsha uu qabanayo.
Sida caadiga ah hadalka uu ku hadlayo waa mid cayaarta ama howsha uu markaa qabano qusaysa. Ilmaha da’da iskuulka ka hooseeya ee ADHD:da qaba waxaa la ogaaday in hadalkiisaa ku saabsan cayaarta ama shaqada uu qabanayo, inuu  yahay mid ka duwan caruurta da’diisa ah, isaga hadalkiisu wuxuu u badan yahay wax aan qusaynin shaqada uu hayo. Ilmaha ADHD: da qaba waxaa dhibaato ku ah inuu saaxiibo samaysto laga bilaaboba markuu cayaar baradka yahay, shuruucda ciyaarta inuu ilaaliya way ku adagtahay, inuu hal qof la ciyaaro ayuu ka jecelyahay inuu koox la ciyaaro.


Waxaa suurtogala inuu cayaartii oo socota dhakhso uga xiiso dhaco, haddii uu dad la ciyaarayay  in uu joojiyo ciyaarta. Taasi waxay ku sababaysaa in ay carruurta kale diidaan ilmo caynkaas ah in uu la ciyaaro.
Ilmahaas ma sugi karro wakhtigiisa, waayo waa ilmo markasta kacsan. waxaa laga yaabaa inuu wax aad u fudud ka caroodo, waxaa suurtogala in uu  howsha dadka kale ka xanaaqo, in uu si fudud u dagaalamo.
Inta badan waxaa ku adag inuu awoodda xoogiisa isu dheelitiro, taasoo keenta inay ilmuhu u arkaan inuu xoog  isticmaalo uu na yahay qof cadhaysan .
Taasi waxay khatar galinaysaa in uu noqdo qof keligi ah, aan saaxiibo lahayn, lana dhibaateeyo, asxaabtu ay cunsuriyeeyaan.
Calaamadahan ku lamaan waa u caadi.
Qofka dhibaatada xasilooni darrada qaba, waxaa inta badan lagu arkaa calaamdo kale oo ku lammaan dhibkaas.
Calaamadahaas waxaa ka mida hadalka oo ku adag, fahamkiisa oo adag, qaabka shaqaynta xubnaha oo ku adag, (motoriset koordinaatiot)  iyo xannuuno maskaxiyan ah, sida dhaqankiisa oo is badala, ciriiri nafsiya, niyadjab, xanaag, dhibaato kalsooni darro iyo dhibaato la dhaqanka dadka kale.  
In xilli hore la ogaado xanuunkan waa muhiim, in uu ku sii dheeraado qofka isaga oo aan laga daawaynin waxaa sii badanaaya dhibaatada uu qofka ku hayo, sidoo kale haddii hore loo billaabo daawadiisa sidii loogu talogalay, wuxuu aad uga mustaqbal fiican yahay, kana an la daawaynin.


ADHD:n kriteerit DSM-IV- tautiluokituksen mukaan.
  1. joko 1. tai 2


  1. Ugu yaraan lix calaamadood xasiloonidaro ah, kuwan soo socda kamida waa inuu lahaa lixdii bilood ee u danbeeyay ku waas oo marka dadiisa loo eego koritaankiisa ka hooseeya, si joogto ah loogu arko.
  • Feejignaan la’aan
  • Inta badan aad uguma fiirsado howsha uu hayo waxuu sameeyaa khaladaad badan oo fiirsasho la’aan ah, iskuulka, shaqada ama howlaha kaleba
  • Waxaa aad ugu soo noqnoqda daganaansho la’aan cayaarta ama shaqadab.
  • Marka si toosa loola hadlayo wuxuu u muuqdaa in aanu dhagaysanaynin hadalka
  • Inta badan ma raaco qaaciidada iyo tusaalaha la siinayo, mana sameeyo shaqada iskulka iyo ta Guriga loogu diro( iyadoo aaysan keeneyn inuu diidanyahay ama aanu fahmin)
  • Inta badan wuxuu ku dhibtoodaa inuu habeeyo wakhtigiisa iyo shaqadiisa
  • Waxa uu iska ilaaliyaa ama uu necebyahay ama aanu rabin inuu ka shaqeeyo, shaqooyinka u baahan wakhti dheer ama maskaxiyan in looga fikiro (sida iskuulka iyo casharada loosoo diro)
  • Wuxuu lumiyaa inta badan alaabta casharada ama howshiisa looga baahanyahay sida ( alaabta Ciyaarta, qalimada, buugaagta)
  • Si fudud ayuu ugu jeesjeestaa wixii banaanka kaga yimaada.


    Sawirada/Kuvat: DUODECIM