Monday 5 August 2019

ILLINTII QARSOONEYD. Q:4AAD





Dhagax yar oo meesha yaalay intuu ku fariistay, ayuu la soo baxay burkii yaraa ee qandiga ugu jirey, biyihii buraashadda ku jireyna dhawr jeer cantuugay.

Boqran sidii ayey u qatan tahay, gaajo ayey naf la tahay. 

Markii uu dhammaystay ayuu ku yiri “soo baxa adoonyahay aan edebta lahayn oo aniga iga matagaysa”.

Wax xoogaa ah markii ay socdeen oo  ammintuna ay duhurkii ku dhow dahay, waxay aragtay niman tira badan oo hoos fadhiya balbalo qoryo laga dhisay maryo dhammaad ahna dusha looga daboolay. Nimanku hub ayey haystaan, gaari nooca dagaalka ah wuu agyaal.

 Shaah iyo cunto mesha ayey ku karsadeen sigaarna waa cabbayaan.

Salaan ayaa la is weydaarsaday, wuxuu weydiiyey in Cali joogo iyo in kale? Waxay u sheegeen in uu gudaha ku jiro.
Boqran oo gaajada haysa in ay istaagga ka dhacdo ku dhow, mid dhallinyaraa ayaa gartay in ay gaajaysan tahay. ‘Yaa Kamaal khubuskaan ma siiyaa adoontaan kula socota?’ ayuu weydiiyey isaga oo ku ixtiraamaya ninka wata dooneyninna in uu u gacan dhaafo. 
Kamaal wuxu ku yiri "wey taqaan luuqadda carabigee weydii hadday rabto"
Boqran intii aan la weydiin ayey la soo boodey “waan gaajoonayaa, haddad i siiso waan kaaga mahadcelinayaa” 
Wiilkii dhallinyarta ahaa, wuxuu siiyey ceesh iyo digir maraq laga kariyey, koob shaah ahna wuu ugu daray. 
Boqran waxay la noqotay cuntadii macaankeeda mid wax ay ku tilmaato aysan garan karin, haddii la weydiin lahaa malaha Jannada ayaa laga keenay waa oran lahayd.
Markii ay dhamaysatay ayuu ku yiri “soo dhaqaaq, waa in aan Cali u tagnaaye”.
Meesha nimanka joogey waxay ahaayeen waardiyeyaashii xerada maafiyada. 
Xeradu meesha xoogaa ayey u sii jirtaa oo iskuma dhawa. Ragga illaallada ah kuligood waa hubaysnaayeen taleefanno ayey haysteen.
Xoogaa markii ay socdeen ayey soo galeen xaruntii.
Boqran, waxay  isheeda la heshay Gurxan oo ka mid ahaa dhallinyartii ay isla soo koreen, isla soo tacabireen oo diif iyo saxariir adduun ay ka muuqato. Nasiibkeeda iyadu isma aragto, waa Alle mahadiis. Waxay ka murraardilaacday muuqaalka Gurxan! Allow iyada may isaragto. War iyo wacaal uma aysan heynin, meel ay ku kala lumeen iyo waxa ku dhacay kooxdeedii ay isla soo tahriibeen. Mar qura  ayey ku boodey oo ku dhegtay. Waxay ku qaylisey
“Meeye dadkii, ma nool yihiin?
Maxaa nagu dhacay?
Xaggee joogaan kuwii kale?” Intaas markii ay weydiisey ayey waxay dareentay in wiilku uusan hadli karin oo kaliya uu indhaha ka mirigmirig siinayo. 
Boqran oohin ayey afka furatay oo wiilkii gilgishay “Gurxan Gurxan maxaa kugu dhacay!?
Adigan ma ku kufsadeen?” ayey ku barooratay.
Labadeedii gacmood ayey ka buuxsatey garankii garbagoyska ahaa ee uu qabay oo ku gigishay. “Gurxan aboowe hadal maxad u hadli la’a dahay carabkii miyey kaa jareen oo ma hadli kartid, waan garanayaa waa sidaas!”
 Boqran inta ay hadleyso ilmadu waxay qoysey labadeeda dhaban.
Waxay la dawaqsan tahay kufsigii uu u geystay Kamaal saacado yar uun ka hor. Markii ay aragtay calool xumada iyo saxariirta ka muuqata Gurxan dhibkeedii oo dhan ayey ilowday.
Kamaal ma naxo jiir damqada kuma yaal, gabadhii miskiinta ahayd inta jeegada baadkii qoriga xoog ooga fujiyey ayuu ku sii qadaanqadiyey dhankii uu joogay laadarkii weynaa ee Cali.

Cali waa nin hilboon oo caloolweyn. Afka waxaa ugu jira qoriga daloola ee buuriga lagu cabo. Wuxuu xiran yahay garan yar oo gacmagaab ah. Waxaa ag fadhiya naag qurux badan.

Marwaxad weyn oo hawada si xoog badan u tuuraysa ayaa ag taal. Qaboojiye yar iyo taleefashin xoogaa duq ah waa dhinacyaal. Qolku waa qol weyn, dhinac fadhi qaaci ah ayaa u yaal, dhanka kale sariir laba qof ah. Irrida qolka laga soo galo waxaa taagan dhowr qof oo baaraya cidda soo gelaysa iyada oo awalba albaabka hore lagu soo baaray. Waaba dowlad yar oo uu Cali xukumo.

Waxay ku wada hadleen af aysan wax ka fahmin, madax in uu ruxayo wey u jeedaa.
Cali labada gacmood ayuu kor u qaaday oo hamaansina ku daray.
Taleefankii ag yaalay ayuu soo qabsaday wuxuu garaacay nambar.
‘Haloow yaa Seydii’ ayuu ku billaabay hadalkiisii.
Qaddar xoogaa ah markii uu hadlay ayuu gacanta ugu baaqay Cali si uu u geeyo qolyaha qaabilsan in ay ku xareeyaan xerada adoonta.
Malaha Cali waa laga sii sareeyaa oo ammarka wuxuu ka qaadtaa Magefe.
Boqran ogaatay in ninka loo waday uusan Magafe ahayn se uu yahay gacanyare yaashii Magafe.
Inta loo sii waday meesha dumarka joogaan ayey jidka ku aratay dad badan oo African ah oo siyaabo kala duduwan loo ciqaabayo.
Qaarkood lugaha iyo gacmaha waxaa ooga xirnaa silsilado waa weyn oo aysna qaadi karin. Isha waxay la heshay wiil Soomaali ah oo macluusha ka muuqato feerihiisii ay bannaanka u soo baxeen, isagu silsilad kuma xirna oo maahan qof socon kara, ma awooddo in uu iska qaado duqsiga wajigiisa saaran taag la’aanta haysa darteed. Jirkiisa waxaa ka muuqda nabro waaweyn jirdil loo gaystay awgeed.
Waxaa lagu wareejiyey ninkii xerada sargaalka ka ahaa. Kamaal intii uusan qaadan lagactii uu ku gatay, ninkii ayaa weydiiyey su’aal aysan si fiican ka maqal, waxay se dareentay in iyada laga hadlayo, feejignaanteedii oo dhan dhagaha ayey is kugu geysey.
Kamaal wuxuu leeyahay “aniga ayaa ugu horeeyey waa gabar la hubo” qaab uu ku muujinayo siduu ula dhacay gabarnimadeeda ayuu u sharraxayaa qosol iyo qanacsannaan ayuu ku muujiyey.
Boqran, wey hubtaa in kufsigu sii socon doono ilaa inta Ilaahay meel kale faraj uga furi doonno.
W/Q Nimco Noor