Monday 22 December 2014

Guurka gabdhaha yaryar xal mise xorriyodoon

      GUURKA GABDHAHA YAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

  


Bulshooyinka adduunka ku nooli waxay soo mareen marxallado kala gooni ah iyo heerar kala duwan oo saamaysay noloshooda, mid walbaana ay la jaan-qaado hadba duruufta jirta iyo waqtigu sida uu yahay.
Haddaba bulshadeena Somaaliyeed iyo guurkooda waa mid caynkee ah?  Waxaynu leenahay xeerar iyo wadiiqooyin aynu u marnno markay timaado in reero ay xididaan. baahida iyo daruufaha  oo kala duwan dartood guurku wuu noocyo badnaa.

Marbay gabdhuhu u guursan jireen reerkooda oo cayr ah siday hanti u heli lahaayeen,waxayna raadsan jireen nin aysan jeclayn balse ay dhaqaalo ugu xillato, qaarkale guurkoodu waxuu ahaa mid aabbeheed uu siiyo oday ay saaxiib yihiin oo uu xoolo ka qaato, kuwo waxay naftooda u doorbidi jireen nolosha oo ku adkaatay darteed, inay hesho reer ay leedahay oo ay dhibka kaga nasato.

Qaarbaa lays dhaafsan jiray si beello is laayay colaadoodu ay u danto oo halkaasi ay nabad uga dhallato loo bixin jiray. Sidoo kale guurka qaarkiis waxuu ahaa dummaal ama xiskiisan, balse waxaa jira  qayb si ka wanaagsan intaas isku guursada oo iyagu is calmada, calafka iyo nasiibkoodu usaamaxo nolol farxad leh.

Waqtiga oo is bedelay darteed waxaa inagu soo siyaaday dhaqamo ka baxsan kuwii ay waalidkeen innagu soo koriyeen, waxaa dhacay dagaallo iyo qax, waxaynu nimid dhul aad ooga fog halkii aynu ku dhallanay ee Rabbi inagu beeray, bad-waynta ayaynu dhex hafanaynaa, way midabo badan tahay oo mowjado ku xoog badan tahay. Marbaynu ku hafannaa hirkeeda marna waynu yara neefsannaa, dhankastaaba dheeligu wuu inaga jiraa dhaqan iyo diinba, guurkii is bedal oo ka tag halkii uu ahaa  tobaneeyo sanno ka hor, da'dii lagu guursan jiray halkan  qurbaha waa ka mamnuuc oo maba laga ogola.

Haddana saas oo ay tahay waxaa soo badanaya in gabdhaha yaryar ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ay ku guursadaan da' yar marka loo eego waddamada ay nu joogno hablaha u dhashay. Waxbarashadii horay uma sii wataan oo dhex ayay kaga haraan intooda badan, guurkana kuma raagaan oo si dhaqsaa ayuu reerkii ku dumaa!

Miyaan is waydiinay maxaa sababay arrinkaas, maku fikirnay sidaan xal ugu heli lahayn oo aynu baaritaan u samayn lahayn?
 Mushkilada ugu wayn ee sababta guurka xalka ay ka raadinayaan gabdhaha yaryar waa waalidka dhallay, sababtuna waxay tahay dhawr arrimood oo aynu ku dhaqano balse aan la jaan-qaadi karin nolosha dhabtaa ee aynu dhex joogno, gabadhan yari waxay la kortay mid iyad aynigeeda ah, waxaa lagu koriyaa inay leedahay xuquuq iyo argti ay wax ku doonto waxna ku diido, reerka dhexdiisa waxaa ka jirta caddaalad iyo sinnaan aysan ku kala sarayn iyada iyo walaalkeed, reerkoodu waa qoys kooban oo ma dhallin carruur tiro badan, waxay heshaa waqti ay ku aado hiwaayadeeda hadba nooca ay iyadu xiisayso.

Balse gabdhan Somaaliyeed  hooyadeed waxaa lagu soo koriyay;
Naayaa walaalkaa dharka u dhaq!
 Naayaa gabar fiican noqo oo hadhow reerkeeda ku filan, ninka ku guursada yuusan igu kaa caayin oo uusan oran ''yaa soo koriyay''?
Waxay guriga hooyadeed kasoo baxday iyadoo aaminsan; Cilmi naageed jikaa u danbayn!
 Sidii oo kale waxay billaabaysaa inay ku carbiso gabdhii yarayd ee ay badda mawjadaha badan ku dhexdhashay;  Naayaa guriga iiga shaqee gabar baad tahaye!
Xaggeed aaday, yaa kusoo wacay?
Cunuga kaa yar sii ahay!
Jikadaas oo aad nal ka dhigtayn aan imaado!
Ma jirto wax hiwaayad ah oo ay aadayso aanka ahayn dugsiga Quraanka iyo iskuulka. Balse walaalked waxuu u ciyaaraa koox qaali ah aabbe iyo hooyo way ku faraxsan yihiin in uu noloshiisa dhisto ilayn waa wiil ee, toddobaadkii dhawr jeer waxuu aadaa cayaar, dabbaal iyo kubbada, markuu dumarka gaalada kula dabbaalanayo barkadaha dabbasha wax danbi ah maahan waayo waa wiil.



       Sawirka: Plan.fi


Gabadhii yarayd markii ay tagto iskuulka waxaa loo aqrinayaa cashar ah in la siman yahay wiil iyo gabar, hawsha guriga, aadista hiwaayadda iyo guud ahaan nolosha oo dhan. waxay si hoose u waydiinaysaa saaxiibadeedii ay fasalka wada dhigtaan qaabka ay u nooshahay?  Halkaasna waxay ka ogaanaysaa in dulmi uu ka jiro qoyskooda oo aan loo caddalad falin, hooyadeed waxay dhashay toddoba ama sideed carruura iyadaana u wayn ama wiil baa ka wayn.

Waxay ku koraysaa ciil iyo cuqdad, marwalba waxaa niyadeeda ku jira mar yaa ka nasta hawshaan iyo buuqa ilmahaan, goormaad kaligaa taleefashin xor ah daawan doontaa oo aad gurigaan ka tagi doontaa.

Waa suurto gal ah in aysan helin hadal macaan iyo in la tuso jacaylka ay u qabaan waalidkeed, ammaan iyo niyad dhiskuna uu aad u yar yahay, hooyadeed kama ahan nacayb iyo xummaan midna balse dhaqankii iyada lagu soo koriyay ayaa ah sidaas. Gabadhan se waa ka duwan tahay dhaqan iyo aragti labadaba oo waxay aamin san tahay in xaqeedii lagu tuntay, mana doonayso inay waalidkeed ku caasido. Markaas waxaa abuurmay farsamo ah in  gabadhu ay reerkoodii oo jecel samaysato nolo ka fudud midan kan shido yar oogana nasiino badan, waa maxay waa inay ku fekertaa guur iyo inay keensato wiil ay is rabaan runtuna ay tahay ku naso, maahan  guurku xaqiiq waase xal. Muddo yar ka dib wiilki iyo gabadhii yaraa way kala boodeen oo layskumaba sii nagaan.

Haddaba waalidoow runtu waxay tahay aynnu caddaalad falno, wiilka iyo gabadha aynu isku si ugu qaybino hawsha, hiwaayadda iyo waxkasta oo noloshooda ku saabsan. Waxii diinteenu aysan ogolayn labada dhanba aynu ku dhiirano in aynu ka mamnuucno oo aysan noqon dhib malahan waa wiil!

Gabadhaada ku beer jacayl oo tus qiimaha ay agtaada ka leedahay si hadhow ay nolosheeda u noqoto mid aan dhallanteed kaaga dhuuman, gabar iyo wiilba waxay u bahan yihiin in isku si looga dhiso nolosha waayo isba berri aabbe ayuu noqon.
Ha lahaato han ayku fekerto nolol rasmi ah iyo heer waxbarasho in daruuf iyo xannuun yimaado mooyiye aysan si kale ooga niyad jabin, ku boori kuna caawi inay noqoto mid ku qabwayn nolosheeda fahansana qiimaha guurka ee aysan u arag xal ay kaga tagto gurigan iyo dhibkiisa.

Waan hubbaa in waalid badan oo wanaagsan fahansana caddaalda ay inagu jiraan oo dhisa niyadda iyo qalbiga gabadhooda. Haddi ay jirto in aan khaldamay waa aragtidayda ii gaarkaa iyo ogaal badan oo aan qabo, talo iyo tusaale walaal kam maarmo iigusoo dira ciwaankayga.



W/Q Nimco Noor

Tuesday 7 October 2014

Da' yarta qurbaha iyo qamriga

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qofkastaa oo isticmaala da' kasta iyo marxalad kastaa, waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Somaaliya waxuu sababay in bulshada u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan kuwaas oo ku dhashay meello aad ooga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deeggaannadoodii.  Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo. Balse waxa jira kala  fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caaddooyinka.

 Waa wax jirta in qofkastaa oo nool uu soo maro heerar kala duwan noloshiisa, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, mararka qaarna uu jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday. Marxallada dhallinyaro nimada waa mid ay da' yartu ku jiraan nolol heehaab ah oo ay ku dul sabeeyaan adduunka iyo waayihiisa, sidoo kale waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhiman yahay, goor kalena ay ka faa'iidaysan doonaan.

 Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeeladiisa, sidoo kale dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahayna in looga faa'iidaysto xilligiisa.

Haddaba carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay ? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah ? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhallay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu kasoo jeedo farac iyo asalba.


 Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarad Somaaliyeed ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha.

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba, ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxooti nimada kusoo galnay, marka uu gaaro xilliga baaluqa, waalidkiis waxay kala sheekaystaan waxii kusoo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaallada uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga isagoo leh xad go'an oo uusan ka badsan karin. Sidaas si lamida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn,waxayna ku magacaabaan  ( CABITAANKA AMMAANKA )  wuxuu dareemaa cabsi la'aan, cannaan la'aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si lamida waxuu ku cabbaa jawi daggan iyo walwal iyo cabsi la'aan, waxaa loo kala saaraa oo ukala soocan waqtiga uu cabayo, marka uu shaqaysanayo ama waxbaranayo. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaankaa.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo kamida  kuma baraarugsanain in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamriga,   marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maadiba leh oo fahansana,  caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo qof  ahaan sharaftiisa bulshadeena dhexdeeda. Xirirrikii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la socono xaallada ilmaha iyo isbadalka ku dhacay.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu waa in ay iyagu uun hadlaan, mana siiyaan waqti uu in ilmuhu uu iskaga difaaco eedaynta loosoo jeedinaya iyo cannaanta, sidaas darteed waxaa la baray oo uu la qabsaday (WARYAA AAMUS ) ma annaad igu soo af celinaysaa! Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka kaga yimaada saaxiibadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayo waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in la baraa cisada waalidka balse waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.



Taasi waxaay sababtay in ilmihii uu ku dhaco ( LABA DARAN MID DOORO ) Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen oo isku marka wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan si uusan ooga baxsanaan oo ay uwada noqdaan koox midaysan.

Mida kale waa caddaadis ka haysat waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba  xaaraan ka ah inay cabbaan Qamriga, intaas kadib, gabadhii ama wiilkii dhallinyarada ahaa waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

 Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go'aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo,aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furan u salaanta oo dadku way ka waji dadbayaan.

Haddii uu saaxiibadii ku gacan sayro waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ( sariirta nuunaha) ku jira oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo oo uu maalin uun cabbaa si uu uga sii mid ahaado saaxiibadiis. Marka uu billaaabo cabitaanka Qamriga ma jirto cid ka xadidaysa oo u qiyaasaysa, waxuu dhammaa qiyaas tankiisa ka badan, kadib walwalkii iyo cabsidii qalbigiisa ku jirtay darteed ayuu noqdaa mid xannaaq badan oo dagaalama oo gardaraale ah ( aggressive) Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.Mana jirto kalsooni ah in uu helayo cid u naxariisata danbigiisana ka cafisa.

Halkaas waxaa ka dhallanaya burburka iyo mustaqbalka oo luma ilmihii oo niyad jaba, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oolin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi waayo waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay.

 Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn balse lagula tacaalo dhiiri galin, lana tuso  in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn waalidoow ku qanacsanoow inaadan shaydaanka usii eryin,oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay balse aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay ag taal Illahay awlaada haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

W/Q: Nimco Noor



Thursday 19 June 2014

Somaalida iyo Xiddigiska.

Cilmiga xiddigiska ee Somaalidii hore, waxaa habboonaan lahayd in la uruuriyo intii laga awoodo ee wali raadkooda la hayo. Qaabka ay u odorosi jireen Meereyaalka kuna saadaalin jireen maluugta cirka, iyo qaabka ay u sharaxaan cirbixiyeenada maanta ee casriga ah waxbadan ayay iskaga egyihiin.


 Xiddigiskii hore ee Somaalidii waxay odorosi jireen halka uu meeruhu joogo iyo siday ukala fadhiyaan, iyagoo ku lamaanin jiray burji ay ku astaamiyaan bahalo, xawayaanno iyo ugaarta qaarkeed. sida burjiga dibqalooca, burjiga sagaarada iwm. Waxay ukala saari jireen, maalinta ,moorada, iyo meeraha, sidaas si lamida haddii meereyaalka qaarkood iyo burjiga qaar ay sannadkaas wada fadhiistaan saadaal ayay ka muujin jireen sandkaas iyo waxii uu la imaandoono.

Tusaale;


saadaasha sannadka cusub ee 2014 wuxuu ku curtay meeraha ay Soomaalidu u taqaan Jilboole ( Uranus), dadka xeel-dhaarayaasha dhinaca saadaalinta waxay odhan jireen haddii meeraha sanadku uu ku curto meeraha jilboole waxa la filan jiray inuu lee yahay fursado badan oo u baahan in laga faaideysto, meeraha Jilboole, meeraha Saturn ee ay Somaalidu u taqaan (Raage)wuxuu ku dadaalayaa raadinta biyaha ee burjiga scorpio iyo rabitaanka Pluto wuxuu ku noqon doono.

  Maalinta berri ah, dhanka waddamada reer galbeedka ah waa maalin fasax taasoo ku salaysan munaasibad diimeed, iyadoo ay dab shidayaan sidaas si lamida ayay Somaalidu cilmi-falaga ugu aadin jireen ( Nawruushka ) oo ay ku faystayn jireen, waxaana la sheegay in asalkiisa laga soo minguuriyay Iiraan.

Tirsigani wuxuu bilaabmaa habeenka Dabshidka (Naw ruushka) , oo ah habeenka kowaad ee xilliga la yidhaahdo Seermowaydo . Waa hab tirsiimo oo waagii hore laga isticmaali jirey gayga soomaaleeyd.
Dabshidku waa halka ay ka unkanto xisaabinta iyo kala xadaynta xilliyada sannad qorrexeedka, saadaalinta
cimilada, hawada iyo roobka. Waa habkii reer guuraagu ku go’aamin jireen waxyaabo badan oo noloshooda ah
(sida guuritaanka, hayaanka, in adhiga maqasha laga xidhxidho, in sumalka idaha lagu sii daayo, iyo in b
aarqabka geela lagu furo, ama habeenkaa looba tu’iyo, iwm.)

F/G: 
Qayb kamida qoraalkan, waxan kasoo xigaty qoraallo hore

W/Q : Nimco Noor