Tuesday, 7 October 2014

Da' yarta qurbaha iyo qamriga

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qofkastaa oo isticmaala da' kasta iyo marxalad kastaa, waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Somaaliya waxuu sababay in bulshada u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan kuwaas oo ku dhashay meello aad ooga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deeggaannadoodii.  Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo. Balse waxa jira kala  fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caaddooyinka.

 Waa wax jirta in qofkastaa oo nool uu soo maro heerar kala duwan noloshiisa, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, mararka qaarna uu jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday. Marxallada dhallinyaro nimada waa mid ay da' yartu ku jiraan nolol heehaab ah oo ay ku dul sabeeyaan adduunka iyo waayihiisa, sidoo kale waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhiman yahay, goor kalena ay ka faa'iidaysan doonaan.

 Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeeladiisa, sidoo kale dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahayna in looga faa'iidaysto xilligiisa.

Haddaba carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay ? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah ? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhallay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu kasoo jeedo farac iyo asalba.


 Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarad Somaaliyeed ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha.

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba, ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxooti nimada kusoo galnay, marka uu gaaro xilliga baaluqa, waalidkiis waxay kala sheekaystaan waxii kusoo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaallada uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga isagoo leh xad go'an oo uusan ka badsan karin. Sidaas si lamida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn,waxayna ku magacaabaan  ( CABITAANKA AMMAANKA )  wuxuu dareemaa cabsi la'aan, cannaan la'aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si lamida waxuu ku cabbaa jawi daggan iyo walwal iyo cabsi la'aan, waxaa loo kala saaraa oo ukala soocan waqtiga uu cabayo, marka uu shaqaysanayo ama waxbaranayo. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaankaa.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo kamida  kuma baraarugsanain in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamriga,   marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maadiba leh oo fahansana,  caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo qof  ahaan sharaftiisa bulshadeena dhexdeeda. Xirirrikii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la socono xaallada ilmaha iyo isbadalka ku dhacay.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu waa in ay iyagu uun hadlaan, mana siiyaan waqti uu in ilmuhu uu iskaga difaaco eedaynta loosoo jeedinaya iyo cannaanta, sidaas darteed waxaa la baray oo uu la qabsaday (WARYAA AAMUS ) ma annaad igu soo af celinaysaa! Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka kaga yimaada saaxiibadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayo waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in la baraa cisada waalidka balse waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.



Taasi waxaay sababtay in ilmihii uu ku dhaco ( LABA DARAN MID DOORO ) Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen oo isku marka wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan si uusan ooga baxsanaan oo ay uwada noqdaan koox midaysan.

Mida kale waa caddaadis ka haysat waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba  xaaraan ka ah inay cabbaan Qamriga, intaas kadib, gabadhii ama wiilkii dhallinyarada ahaa waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

 Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go'aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo,aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furan u salaanta oo dadku way ka waji dadbayaan.

Haddii uu saaxiibadii ku gacan sayro waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ( sariirta nuunaha) ku jira oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo oo uu maalin uun cabbaa si uu uga sii mid ahaado saaxiibadiis. Marka uu billaaabo cabitaanka Qamriga ma jirto cid ka xadidaysa oo u qiyaasaysa, waxuu dhammaa qiyaas tankiisa ka badan, kadib walwalkii iyo cabsidii qalbigiisa ku jirtay darteed ayuu noqdaa mid xannaaq badan oo dagaalama oo gardaraale ah ( aggressive) Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.Mana jirto kalsooni ah in uu helayo cid u naxariisata danbigiisana ka cafisa.

Halkaas waxaa ka dhallanaya burburka iyo mustaqbalka oo luma ilmihii oo niyad jaba, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oolin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi waayo waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay.

 Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn balse lagula tacaalo dhiiri galin, lana tuso  in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn waalidoow ku qanacsanoow inaadan shaydaanka usii eryin,oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay balse aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay ag taal Illahay awlaada haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

W/Q: Nimco Noor



Thursday, 19 June 2014

Somaalida iyo Xiddigiska.

Cilmiga xiddigiska ee Somaalidii hore, waxaa habboonaan lahayd in la uruuriyo intii laga awoodo ee wali raadkooda la hayo. Qaabka ay u odorosi jireen Meereyaalka kuna saadaalin jireen maluugta cirka, iyo qaabka ay u sharaxaan cirbixiyeenada maanta ee casriga ah waxbadan ayay iskaga egyihiin.


 Xiddigiskii hore ee Somaalidii waxay odorosi jireen halka uu meeruhu joogo iyo siday ukala fadhiyaan, iyagoo ku lamaanin jiray burji ay ku astaamiyaan bahalo, xawayaanno iyo ugaarta qaarkeed. sida burjiga dibqalooca, burjiga sagaarada iwm. Waxay ukala saari jireen, maalinta ,moorada, iyo meeraha, sidaas si lamida haddii meereyaalka qaarkood iyo burjiga qaar ay sannadkaas wada fadhiistaan saadaal ayay ka muujin jireen sandkaas iyo waxii uu la imaandoono.

Tusaale;


saadaasha sannadka cusub ee 2014 wuxuu ku curtay meeraha ay Soomaalidu u taqaan Jilboole ( Uranus), dadka xeel-dhaarayaasha dhinaca saadaalinta waxay odhan jireen haddii meeraha sanadku uu ku curto meeraha jilboole waxa la filan jiray inuu lee yahay fursado badan oo u baahan in laga faaideysto, meeraha Jilboole, meeraha Saturn ee ay Somaalidu u taqaan (Raage)wuxuu ku dadaalayaa raadinta biyaha ee burjiga scorpio iyo rabitaanka Pluto wuxuu ku noqon doono.

  Maalinta berri ah, dhanka waddamada reer galbeedka ah waa maalin fasax taasoo ku salaysan munaasibad diimeed, iyadoo ay dab shidayaan sidaas si lamida ayay Somaalidu cilmi-falaga ugu aadin jireen ( Nawruushka ) oo ay ku faystayn jireen, waxaana la sheegay in asalkiisa laga soo minguuriyay Iiraan.

Tirsigani wuxuu bilaabmaa habeenka Dabshidka (Naw ruushka) , oo ah habeenka kowaad ee xilliga la yidhaahdo Seermowaydo . Waa hab tirsiimo oo waagii hore laga isticmaali jirey gayga soomaaleeyd.
Dabshidku waa halka ay ka unkanto xisaabinta iyo kala xadaynta xilliyada sannad qorrexeedka, saadaalinta
cimilada, hawada iyo roobka. Waa habkii reer guuraagu ku go’aamin jireen waxyaabo badan oo noloshooda ah
(sida guuritaanka, hayaanka, in adhiga maqasha laga xidhxidho, in sumalka idaha lagu sii daayo, iyo in b
aarqabka geela lagu furo, ama habeenkaa looba tu’iyo, iwm.)

F/G: 
Qayb kamida qoraalkan, waxan kasoo xigaty qoraallo hore

W/Q : Nimco Noor
 

Sunday, 1 December 2013








Dawo-Dhaqameedka Mingiska (Saarka) Iyo Marin-Habaabinta Bukaanka! W/Q Nimco Nuur


 Saturday, November 30, 2013
Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha






Bulsho kasta waxaa ay leedahay caadooyin iyo dhaqamo u gaar ah ama ay la wadaagto dad kale oo uu ka dhexeeyo midab, diin, af ama degaan. Haddaba, qaybo ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa aaminsan Mingis, Saar, Boorane, Ayaaman, Goobile iyo Wadaado; kuwaas oo kolba sida dantu  ugu oggolaato isku dabiiba dawo-dhaqameedka Mingiska

 Run ahaantii, dadka aaminsan Mingiska waxaa ay u badan

  yihiin haween, taas oo la xiriirta baahida nafsiyadeed oo ay dumarku u qabaan in ay haqab-tiraan oon ku gedaaman jamashadooda iyagoo haddii loo fuliyo durbaba dareema caafimaad iyo firfircooni degdeg ah. Sidaa awgeed, is-weydiintu waxaa ay in la ogaado sababaha bukaanku u dareemayo inuu baxnaano iyo bogsasho ka helay Galahii Mingiska.


Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha oo sida la qabo dhibaato ku keeni kara qofka aaminsan haddii aan loo yeelin sida uu rabo ama aan laga tumin. Dhinaca kale, Ayaaman (Ayaana) ayaa ka mid ah samo-wadayaasha kaas oo dadka la dhaqmaa ay  aaminsan yahiin inuu ka soo waxyoodo khayrka. Kuwa Ayaamanku weheliyo waxaa ay ku doodaan in ay leeyahiin Garab-daar u soo tebiya samaha waxaana ay jecel yahiin in loo dhego nuglaado taladooda. 

   
Mingis
Mingis ama Saar waxaa uu u qaybsamaa noocyo badan sida Maamma, Akhaambush, iyo Fiqi Burraale, hase ahaatee, guud ahaan, si isku mid ah ayaa looga tumaa bukaanka. Mingisku waxaa uu ka siman yahay in lagu daaweeyo qaabka cilaajka (therapy). Waxaana bukaanka loo goleeyaa fagaare looga tumo. Galaha Mingiska waxaa shardi ah in uu kulmiyo qoddobo aasaasi ah sida:  


1.      Caraf ama udug
2.      Dhar qurux badan
3.      Ciyaar iyo booddo
4.      Heeso lagu ladho luuq (laxan),  jiib iyo Jaan
5.      Dheef ama cunto dhadhan fiican

1: Isku Daweynta Carafta ama Udugga (Aromatherapy)

Uduggu waxaa uu abbaaraa maskaxda taas oo keenta firfircooni iyo in ay naftu si dabiici ah u hesho dabacsanaan. Bukaanka waxaa ka dheefaa kalsooni, waxaana uu dareemaa, maalintaas, nadaafad dheeraad ah iyo xarrago uu filayo inuu ku soo jiidan karo dadka. Qof kasta oo fadhiyaa ama ka soo dhowaada raarta Golaha waxaa uu sanka la raacaa udgoonka ka soo khamkhamaya Jaawiga, Cuudka, Canbarka  iyo Cadarrada ay ka mid yahiin Shinbiraale, Fur-case, Rifdoon iyo Maawerad.

2.      Ciyaar iyo booddo (Folk dance)
Ciyaarta iyo booddada oo ah nuxurka Galaha Mingiska, cilmi ahaan, waxaa laga helaa awood dheeraad ah ka dib marka la dhaqdhaqaajiyo murqyada waawayn ee garbaha iyo surka. Isla markaana, bukaanka loo duuggo qoorta. Waxaa debca ama yaraada  tigtignaanta, welwelka iyo walaaca kuwaas oo keena inuu hoos u dhaco qulubka (depression) ka dhasha qoonsiga iyo cabursanaanta maskaxda. Sidaa darteed, maskaxda waxaa ka soo burqada dheecaanno lagu lammaaniyo farxad, rayrayn iyo yididiilo


3.      Isku daweynta Heesha (Song therapy)
Heesaha Mingisku waxaa ay dhammays u yahiin baahida bukaanka ka dib markii uu ku soo lebisto dhar qurxoon oo galaha bacda looga jaray, jawi carfoon iyo iyadoo galaha loogu birreeyay xoolo loo loogo munaasibadda
  

Soo degee, Soo degee, Saarkii la ogow, Soo degee                                                
Waxuu doonayaayoo  doonayaa
Aqal daahyo weyn  Buu doonayaa
Waxuu doonayaa  
Daylooy Laxdii buu doonayaa
Waxuu doonayaa  
Deewaali Xariir buu doonayaa
Soo deg, Soo deg
Waxuu diidayaa     
Dood iyo dagaal buu diidayaa
Aqal daldalooluu diidayaa          
Soo degee sarkii duleedow soo deg.

Heesahu waxaa ay qayb ka yahiin dawo maskaxeedka cilmi-nafsiga. Waxaana lagu ladhaa jiib, jaan iyo luuq u gaar ah. Sacabka, jaanta iyo heesku waxaa ay suuro-geliyaan in uu bukaanku ku cabirro kolba marxaladahii uu soo maray, iyo xaaladahii la soo dersay. Xusuusta hummaagga waxaa saleeya  belwadda (hiwaayadda) qofku u yeelan karo fanka taas oo si joogta ah u garab socota noloshiisa oo dhan. Waxaa la og yahay in la qabatimo tumista haddii qofku uu laabta ka jecel yahay shiribka, heesaha iyo digriga. Sidaa darteed, bukaanku, waxaa gala dareen uu ugu hiloobo tumista tasoo keenta inuu si qotto-dheer, isla markiiba, u la jaan-qaado ciyaarta, heesta iyo jiibta.

 4.      Cunto macaan iyo haddiyado (Good food and gifts

Dhinaca kale, cuntadu iyana waxaa ay qayb ka tahay daweynta bukaanka iyada oo uu dareemo in la daneynayo, in loo huray hanti iyo in dhiig loo daadiyay dartii. Waxaa uu mahadiyaa inuu ka soo dhex baxay bulsho u durraysay ama ku takooraysay tabashadiisa. Si la mid ah waxaa aan meesha ka maqnayn kaalinta cuntada ka qaadato tamarta suuro gelisa ciyaar iyo booddo aan kala go? lahayn. 




Ugu danbayntii, bukaanku waxaa uu, maalintaas, fasax dheere u helaa waxa kasta oo uu maanka ka jeclaa sida sigaarka, buuriga badeecadda iyo qaadka. Si kale, haddii loo eego maalintaas waxaa fasaxan Mingiska iyadoo loo tumayo loona oofiyo wax kasta oo laga la ballamay

F/G: Qoraaga qormadan waxaa ay taageesan tahayn aragtida Diinta Islaamka oo si qeexan uga soo horjeeda in la aamino Mingis, duulal iyo Jin. Qoraalka waxaa looga gon leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo iyo in wax-ma-garatada loogu iftiimiyo sababaha keena bukaanku inuu si ku meel gaadh ah u dareemo caafimaad marka uu ka soo tumto Golaha Mingiska.




    
Nimco Nuur
hoooyosuuban@gmail.com