Sunday 16 August 2015

             ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH  Q2AAD




  Asli warkii wuu gaaray, in Cali dal doorsaday, waxayna markiiba soo xaqiijisay gabadha uu guursaday Iyo in arrinku uu Dhab yahay, maba aysan sugin inta uu ka soo noqdo, ee waxay markiiba tagtay maxkamadda warqaddii furriinka ayayna dalbatay, haddana sii dhaqaaqdoo waxay u tagtay qolyaha qaabilsan arrimaha qoysaska, oo waxay u sheegtay, in ay ninkii iska furayso, oo guriga ay ku soo harayaan iyada iyo wiilkeeda oo kaliya, kuma qaadan asbuuc markii ay hawlahaas oo dhan kala meelaysay, caradeedu waa mid aad u saraysa.

Dumarkii ay daynta ku lahayd ayay ku war-galisay , Inay si dagdag ah iskaga keenaan lacagaha ay ku leedaha. Cid kala hadli kartaa ma jirto arrimaha iyada iyo Cali, oo oran kartaa waxani waa arrin  Rabbaani ah ee dulqaado, balse, kuwa la sii jiibiya ee yiraahda “Alla ma gabdhaadii sidii la ogaa u dadaali jirtay, ayuu naag la guursaday, oo haddana hantidii ay wada shaqaysteen ayuu qaaday oo mid aan u soo dhididin ayaa ku raaxaysanaysa! ” qofkaasi waa saaxiibka ugu wanaagsan ee Asli. Markii uu soo noqday Cali ka dibib seddex billood oo uu Safar iyo Aroos ku maqnaa. Cali wuu yimid waxuuse la kulmay, wax uu horayba u filayay, loona sii sheegay in uusan xaalku ahayn siduu ku ogaa, markani waa nabar AAD FILAYSO NAXDIN MA LEH maslaxo iyo waanwaan dhammatay, sidii ayay reerkii ku kala tageen.
Cali waxuu u wareegay Ingiriiska oo uu deeggaan ka dhigtay magaalada London.

Cabdi Yare waxaan ku iri; kaalay halkan soo fariiso, ii ​​sheeg habaryaro waxa aad sidaa u samayaysid? Waxuuse ii sheegay, in ay casharrada ku adag yihiin, oo uusan fahmin.
Maxaad macallimaddaada ugu sheegi waysay, maadaama iskuulka ilmaha waxii ku adag lagu baro saacado dheeraad ah, si baahidiisa loo Kabo?
Wuuse ii sheegay, inuusan taasna xiisaynaynin, waayahay, ee maxaa dan kuu ah habaryaro?
Seddex sanadood ayaa ii haray, ka dibna waan iska shaqaysan ayuu hadalkii ku soo koobay.
Oo haddadan waxbaran habo ma adigaa shaqo helaya? Sow adiga khaladkaan samaynaya maahan ee dukaanka alaabta ka soo xadaya.
Habaryaro maxaa waxaas oo dhiba ah kuu geeyay bal ii sheeg?  Waxuuse ii sheegay, in uusan doonayn inuu ii sheego arrimihiisa uusanna doonayn inuu halkan sii fadhiyo.

Cabdi yare hooyadii kaligiis ayay awlaad ka eeganaysaa, waa qalqaali dhib badan, haddana wuu qalbi wanaagsan yahay. Ma uu jecla in aad aragtid isagoo qalad ku jira. Asli iminka waa aroos waa guurkii seddexaad ah oo kanbeeyay Cabdi yare aabihiis.

Asli waa gabar xarrago badan, maradii soo baxdana dusheeda ayaa laga eegaa.
Waxay aad u dhexgashay aalladaha internetka, mar walbaa waa mashquul. Waxuu ii sheegay Cabdi Yare, in maalin dhaw uu ABTI ooga imaan doono Oslo Norwey, kaasoo ah ninka cusub ee ay Asli guursatay, kuma uu qanacsana oo waxuu dareensan yahay in hooyadiis ay ay waqtiga siinayso ninka guursatay. Waxay diyaarinaysaa xafladdii arooskeeda, oo dumarkii xaafadda ayay ku mashquulsan tahay sidii ay ooga soo gali lahaayeen arooska, waqti uma hayso ay kula xiriirto iskuulka iyo waxa ku soo kordhay xaaladda wiilkeeda, qofkii u sheegana waxay u qaadaa colaad iyo xummaan, reerkooda qaar badan isma salaamaan warna iskuma hayaan, wiilkeeda ay kaligiis carruurta ka haysato xaalkiisa iyo dhibkiisa midna ma shiiddaad uma hayso kamana murugooto.
Cabdi yare waxuu inta Badan maalintii la joogaa asxaabtiis marmarna wuuba la hoyadaa Asli iyadu wax dhiba umaba aragto.

Caawa waa habeenkii arooska ay dhiganaysay Asli waxaa meelo kala duwan ooga yimid marti si ay ooga qayb galaan arooska, qaar ninka ayay kala yimaadeenn Norwey qaarna waa Asli saaxiibadeed oo ay ku casuunta inay yimaadaan, goobta si fiican Ayaa loo qurxiyay cera modo walbaana ku dhan yihiin , bilowgii Iyo cayaartii ka dib waxaa soo Galay arooskii iyo aroosadii sidii hore si ka xamaasad Badan Ayaa markaan loo tumayaa heesahay iyo cayaartaba, dadku waxay ka soo wada kaceen kuraasta dumar badani waxay leeyihiin ''IgA leexo aan arko maxay xiran tahay' si loo ogaado bal aroosyadeedii hore iyo kan midkii ay heersarayso. Si aad u wanaagsan ayay ku dhammatay xaflladii, farxad iyo rayn rayn ayay u tahay Asli iyo saaxiibbadeed laakiin Cabdi Yare waxuu dareemay in aan cid danaynaysaa jirin. Caawa waxuu aaday hooyadii saaxiibbadeed oo lahayd wiilala ay isku da' yihiin si habeenkaas iyo kan ku xigo uu ula seexdo maadaama ay tahay labadii maalmood ee nasashada toddobaadka iyaduna ay aroos cusubna tahay.

Wiilka yar wuu aradan yahay ma haysto dhar iyo kab wanaagsan, waxaad ka dareemaysaa in daryeelkii ay siin lahayeen waalidkiis uu san helin Asli ma disho, oogadiisa wax dhib ah kama muuqdaan balse qalbigiisu waa mid dhaawac wayn gaaray, haddii aad eegto waxaad arkaysaa in uusan Kulaba joogin miyirkiisu oo uu ka fakaraayo noloshan iyo sidii uu uga bixi lahaa.

Cabdi yare saaxiibbadiis maahan ilmo wanaagsan waxay ku caanbaxeen dukaammo xadidda, waxuu marwalbaa la socdaa kuwo aad ooga wayn da’diisa, Asli umaba aragto wax halis ah maadaama uu waddankani yahay nadab, dhibka oogu wayn ee ay ka baqdaa waa nabadgalyo xumida, balse kama baqdo in dhibaatooyin jiraan mana ku baraarugsana, waxay in badan ku andacootaa in ay  ilmo yihiin oo ay maalin dhaw iska dagi doonaan markay waynaadaan oo ay caqlisadaan.
 W/Q Nimco Noor

No comments:

Post a Comment