Monday 3 August 2015

 ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH?




Waxaa labada dhinac ka taagan waardiyeyaal  dukaanka ilaalinayay, waxayna waydiinayaan, miyaad  samaysay danbigan? Na soo raac ayay yiraahdeen. Markiiba waxaan u dhaqaaqay xaggooda waxaana ku iri ’’miyaan idinla hadli karaa?  Waxay igu yiraahdeen ma adigaa dhallay?  Maya ayaan ku iri, kadib ayay igu yiraahdeen anaga ayaa xallinayna waadse mahadsan tahay’’  in cabbaar ah ayaan meeshii taagnaa waxaan eegayay bal sida uu xaalku noqdo, markii danbe ayaan is iri waqti baa kugu socdee danahaaga qabso.

Galinkii danbe abbaaro seddexdii galabnimo ayaan waxaan arkay hooyadiis oo taleefan ku hadlaysa waan u gacan haatiyay, wali waxaa qalbigayga ka guuxaya, tolow xaggee ku danbeeysay arrintii wiilka, ma waxay la hadlaysaa police ka  oo arrinkii ayaa loo sheegayaa. Xaggeeda ayaan u soo dhawaday mise af soomaali ayay ku sheekaynaysaa! Faraha ayaan kala hadlay oon ku iri teleefanka dhig balse waxay ii sheegtay inay sheeko fiican haysato kumaan qancinee waxaan ku iri waad ku celinaysaa ee bal in yar ila hadal way iga ogolaatay.

Waxaan waydiiyay xaaladda iyada iyo wiilkeeda waxayna igu tiri wanu fiicanahay  kulligeen, haye si dulmar ah ayaan ooga waraystay xaaladda Cabdi yare waxayna ii sheegtay inuu aad u wanaagsan yahay, waxaan is iri ma u sheegtaa ? Haddana waan baqay, waanse ku calool adaygay waxii dhacayaa ha ka dhaceene in aan u sheego waxaan ku iri ’’ maanta mar aan farmashiga ka soo iibsanayay dawo ayaan arkay wiilkaaga Cabdi yare oo laba nin oo waardiyeyaasha dukaanka ay sii wadaan ee miyaad ka warhaysaa sababta iyo danbiga uu galay, mase ku soo waceen police ka ?’’

Intay naxday ayay igu tiri;
''maya muxuu sameeyay?'' waxaan ku iri:  ''ma garanayo balse inta badan carruurta allabta dukaanka xadda ayaa qaabkaas loola dhaqmaa'' markiiba waxay igu tiri ''oo iskuulkii ma uusan taginn miyaa ? Iskuul inuu jiro ayaan moodayay'' waxay kaloo iisii raacisay in taleefankeeda uu yahay nambar cusub uuna yahay nooca labuuxbuuxiyo oo uusan diiwaan gashnayn wayna adag tahay in la soo helo mar haddii aysan iyadu diiwaan galin, balse haddii uu ahaan lahaa khadka caadigaa markaba waxaa fududaanaysa in waalidka la soo helo, tani waa dabeecaddeeda oo marka ay lacagta yar ka marataba way iska tuurtaa oo mid cusub ayay soo qaadataa, maadama aysan ku shubayn lacag oo sidani  ay u jaban tahay.


Waxaan ku iri dabcan waxaa kuu sahlan inaad tagtaa xarunta ciidanka police ka oo aanba sidaas nooga fogayn qaybteeda xaafadda. Sidii ayay samaysay oo ay arrinkii ku xalisay. Maalin kadib ayaan haddana ku arkay isla goobtii  Cabdi yare, waxaan waydiiyay sababta uusan iskoolka u tagin oo uu halkan u joogo ? Sharciga dalkan waa in ilmaha ay qasab ku tagaan iskuullada, haddii aysan sidaas yeelin waalidkuna ku guuldaraysto.

Hayadda badbaadada carruurta waxay ku ciqaabaan in qoyska laga wado oo la geeyo goob si qasaba uu ilmuhu ku tagayo waxbarashada, Cabdi yare waxaan ku iri ogow haddii aad sidan ku sii socotid oo aad waxbarashada sagsaagtid  macalimiintaadu waxay war galinayaan qaybta badbaadada carruurta iyo hooyadaaba, waxuuse iigu jawaabay hooyo ma ogaanayso oo maba la socoto waxa iskuulka ka jira, aad ayaan ooga xumaaday, oo aabbahaana miyaanu ogayn markaas ayuu igu yiri maya


Aabbihiis muddo laga joogo 4 sanadood  ayuu  kusoo guursaday gabar yar magaalada Muqdisha mar uu safar ku gaaray dalkii hooyo, taas oo sabab u noqotay burburka reerka Asli iyo Ali way wadda shaqaysanayeen waqtigii hore, dhaqalahooduna waxuu ahaa mid wanaagsan, waxay bishii dhigan jireen xoogaa dhaqaalo ah oo ay kaydsadaan si ay mustaqbal uga dhigtaan ama ay hanti maguurtaa ku iibsadan, haddii ay ku noqdaan dalkii hooyo  si ay hanti uga horayso.  Asli  dhanka kale waxay guriga ku iibin jirtay allabo yaryar oo ay Dubai ka keeni jirtay, noloshoodu waxay ahayd mid aad u wanaagsan

Farxadda iyo bulsho nimada ka so koow Asli waxay ahayd gabar nadaafad iyo xarrago meel dhigatay, martida iyo dadka wax ka iibsanaya waxay ka soo baxaan gurigeeda iyagoo ka maqsuudsan qaabka ay u agaasinto soo dhawanta macaamiisheeda, waxay ka shaqaysaa meesha waayeelladda lagu daryeello, mushaarkeedu waa mid fiican guriga ay daggan yihiina kiradiisu ma ahan mid qaali ah, Cali isaguna sidoo kale waa darawal, oo waxuu wadaa gaadiidka dadwaynaha ee magaalada gudaheeda ka shaqeeya, Safarkii uu ku tagay dalkii hooyo waxuu ujeedkiisu  ahaa inuu reerka usoo iibiyo aqal ay hanti ka dhigtaan, muddo markii uu Cali Xamar joogay oo uu soo dhameeyay hawshii loo xilsaaray, waxaa xaafadda soo galay hadallo iyo xamxam ahayd inuu Cali gabar yar ku guursaday Muqdisha, anigu qof ahaan maan aaminin, inkastoo raggu damac ka dhammaan haddana Cali  waxuu ahaa nin reerkiisa ku qanacsan, oo aan hawaysan xataa dumarka xaafadaha daggan maahayn nin dhacdhaca oo af dheer markuu dariiqa marayo indhihiisa hoos ayay u badnaayeen.  Kulayl iyo fariid nimo Asli uu ku ogaana wuu ooga gabban jiray dumarka magaalada oo wuu ogaa inay balaayo dhicayso haddii uu ku dhiirado inuu halkan wax ka raadiyo, maadaama uu ilmo wiil kaliya ka dhalay, dhaqanka Somaliduna yahay in reerku carruur badan dhallaan.

Lasoco qaybta labaad.
Qoraalka lama qori karo, lamana daabacan karo, lama beddeli karo amar la,aan.

W/Q  Nimco Noor



2 comments: