Saturday, 5 August 2017

Haku dheelin Dhibanaha

                                        Haku dheelin dhibanaha



  Hooyo kastaa iyo aabbe walba oo ku nool nolol kalinimo ah, wuxuu soo maray xaallad dhibaato oo ku kaliftay in uu doorto kalinimo uusan haysan wehelkii noloshiisa, mid walbaa wuxuu u arkaa in isaga la dulmay oo uu dhibane ahaa, si uu dhibannenimada oo ga baxo.
 Wuxuu go'aan ku gaaraa ka tanaasul noloshan, maaddama aysan ahayn tii aad rabtay, ama kugu habboonayd. 
Waxaa u billaabata nolol kali ah wuxuu kala kulmaa ciriir iyo wehel la'aan, wuxuu waayaa wixii uu horay u haysaty, maalmo xanuunbada iyo nolol cusub. 
Midkood wuxuu dareemaa in uu ka baxay noloshii karrahiyad ahayd ee uu ku dulmanaa, wuxu dareemaa farxad iyo layr caafimaad, wuxuu helaa nashaad iyo raynrayn.

Waxaase suurtagal ah in muddo ka dib uu garwaaqsado khaladkiisi, iyo qaybtii uu ku lahaa burburka qoyskiisa, ma jiro laba iyag oo wada faraxsan nololshooda ku heshiiya in ay kala tagaan, dabcan midkood ayaya khasab ku noqotay in uu doorto nolosha kalida ah, midka kalena waxaa laga yaabaa in ay ku adkayd go'aan qaadashada burburka qoyskan.

Dhibaatooyinkaas waxay noqon karran kuwo caadi ah oo ay la' wadaagaan qoysaska kale, qaarkood way yar tahay in dhibka haystaa ay dad badan la qabaan, kuwo waxa dhici karta in hawshu aysanba sidaas u sii waynayn oo xalku uu ahaa mid fudud.



Waxaad arkaysaa Hooyo/Aabbe Somaaliyeed oo dhibkii ku dhacay dartiis ku lumisay/lumiyay xudduudii ay lahayd nafteeda/naftiisa, iyo xadkii ay ku xifdin lahaayeen sirtooda. 

Sidaas si lamid ah, kuwaa la nool diiqad iyo ciil, oo ku jira nolol mugdi ah, ku nool guri waa hore laga guuray, qaarkood waxaa ku dhex-nool qof ay waahore nolosha ku kala tageen dhibkiisii, kama ay san kabsan mana ay san raadin in ay doonataan caawinaad  si ay kaga baxaan xabsigan ay naftooda galiyeen, waxay xabsi ugu jirtaa qof aan ogayn xaalkooda xisaabtan ugu jirin noloshooda.


Hooyadaasi/Aabbahaasi waxay baraha bulshada ku faafiyaan dhibkoodii, waa dhibanayaal, waxay dhibane u yihiin naftooda oo waxaa lumay xakamihii, waxaa jabay karkaaradiii ay ku xajin lahaayeen sirtooda. 

La'yaab malahan oo waa qof wakhtiga iyo waayuhu ka hiisheen, waa qof tankiis ka badan qaaday, waa khasab oo wuu liicayaa oo kufayaa, wuu ku haftoonayaa  mawjadaha iyo noloshan dhibaatada badan ee ku hareeraysan. 
Ka dib wuxuu noqon mid aan xakame lahayn oo taabta, ka hadla wax walba oo markaas uu ka dhex arko maskaxdiisa.

Waxaase wax aad loola yaaba ah, in dadkii Somaliyeed ay waayadan wax walba caadi la noqdeen, xumihii, caydii iyo gafkiiba uu nqoday ilbaxnimo iyo geesinimo. 


Waxaad arkaysaa mid isagu soo maray intaas oo dhibaato ah, aan jeclayn in uu ka hadlo haddii la waydiiyana ku jawabaya ma jecli in aan ka hadlo noloshaas.

 Waayo wuxuu ilaashanayaa sirtiisii, wuxuu u arkaa in taasi ay ahayd noloshiisa u gaarka ah, oo ay san habboonayan in uu cid walba la'wadaago.
WAAYO WAA TIISII ISAGA U GAARKA AHAYD!
Qofkaasi wuxuu ku raaxaystaa dhibanaha warkiisa wuxuu ku tilmaamaa geesiyad/geesi runta sheegay, ilayn isag ayuu ka dhex hadlayaa oo waa dhibkii uu  soo maray, balse uu diidanaa in uu ka hadlo, ayaa af uusan lahayn ka soo baxday oo qof kale sheegay.

 Makaas waxaa maraya neecaw, wuxuu dareemayaa nafis iyo fudayd maaddam wixii isagu ku cuslaa, oo ka dhex yeerayay loo yiri.

Wuxuu si toos ah iskaga dhex arkaa, oo taabata hadaladaas dhagtiisu way jeceshay maqalka iyo dhagaysiga dhibanaha warkiisa.





Maxaa xal ah? Haddad heshay in boogtaadii bannanka la soo dhigay, oo wixii ku gubayay aad wax la' mid aha maqashay.


  •  Walaal haku raaxaysan wax aadan adiguba samayseen.
  •  Walaal haku dhiirigalin qof wax aadan adigu samayseen, wixii aad ka baqday haku oran geesi baad tahay.
  • Walaaal isgee halka uu joogo,  booskiisa is dhig oo dareen waxa aad naftaada u dareemi lahayd. 
  • Miyaad jeceshahay in dhawr iyo tobanka milyan ee Somalidaa kugu wada barato, baraja bulshadu ku kulanto, kuuna arakaan qof wax ka khaldan yihiin. Jawaabtu waa maya!
  • Haku digan walaalkaa dhibane ah. . 
  • HAKU DHEELIN DHIBANAHA

Sawirada/ Kuvat  https://enkeliluinen.vuodatus.net/lue/2016/07/masennus-vs-ahdistus

Sunday, 9 July 2017

Feejignaan:

Feejignaan: ADHD



           
Feejignaanta ama u xasilloonida waxaa looga baahan yahay, shaqo kasta oo la qabanaayo. Ku feejignaanta  iyo ku xasiloonaanta xaallada iyo howsha lagu jiro waa mid si  caadi ah isaga timaada iyada oo aan si gaara loogu fiirsanin, ama aan la dareemin, laakiin waxaa la dareemaa markii  uu dhaawac soo gaaro feejignaanta, waxaa la ogaadaa muhiimahada iyo baaxadda ay ku leedahay wax qabadka.


Dhammaanteen waynu og nahay in ay mararka qaarkood adag tahay in aynu ku xasilnno howsha aynu haynno markaas.  Xasiloonidu marmarka qaarkood dhaawac wuu soo gaari karaa, waxyaabo badan oo ka la duwan ayaa waxyeelayn kara, inta badan waa iska caadi in qofka firfircoonidiisu is badasho,  sida gaajada, daalka, streska , xiiso la’aanta iyo waxyaahaba kale ee maskaxdaada ka jeedin kara howsha markaa aad hayso.



Sidoo kale qaar xanuunnada ay ka midka yihiin macaanka iyo suuxdinta, waxay hoos u dhigaan firfircoonida iyo xasiloonida qofka. Laakiin marka aad nasato oo nafsadaadu fiicnaato, caajisku kaa ba’o waxaa soo noqonaya feejignaantaadii iyo xasiloonidaadii, adigoon dareemayn.
Sidoo kale waxynu ku kala duwanahay dabeecadaha shakhsiyeed, iyo dhaqanka qaabka shaqo. Taasi waxay saamaynaysaa qaab-howleedka shakhsiga sida, degdega ama qunyar u shaqaynta.
Dadka qaar  way saan-gaaban yihiin, halka qaar kalena ay degdeg badan yihiin.
Sida caadiga ah marka aad niyad jabsan tahay ama aad maskaxiyan u daalantahay, way adag  tahay in aad feejignaato ama aad xasiloonaato. Haddaba waa maxay dhaqanka caadiga ah iyo midka aan caadiga ahayn, waa halkee xadku?
Way adagtahay in xad go’an la sameeyaa. Marka laga hadlayo ilmayar waxaa muhiim ah, in aynu ogaano goormay xasilooni la’aantu tahay mid si joogto ah ugu adag ilmaha, oo ay  waxyeelayn karto koritaankiisa.
Dhibaatada xasilooni la’aanta sida lagu garto.
Dhibaatada xasilooni la’aanta waxaa laga hadlaa markii, xasilooni la’aantu ay ilmaha u noqoto mid joogto ah ayna xanibaad ku noqoto xaallado kala duduwan oo noloshiisa ka mida.
Dhibaatada xasilooni la,aanta waxaa loo isticmaalaa kalmadahan lasoo gaabiyay ADHD oo ka timid Attension Deficit Hyperactivity Disorder.
Waxaa looga jeedaa feejignaan la’aan dhinacyo badan ah. Taas oo callaamadaha feejignaan la’aanta ee ilmaha ka muuqanaysa  ay ka mid yihiin, qalqaalinimo dheeraad ah, caro, deganaansho la’aan iyo dhaqan waxyeelo ku ah degenaanshaha. Mararka qaarkood dhibaatadu waxay noqotaa xasilooni la’aan keliya, aan lahayn qalqalinimo iyo caro toona.
Markaa waxaa loo isticmaalahaa kelmadan, ADD (Attension Deficit Disorder).
Xasilooni la’aantu waa dhibka ugu weyn ee xagga maskaxiyan ula soo darsa carruurta iyo dhallinyarada.
Waxaa lagu arkaa 3-5 % bulshada Finland. Calaamadaha fudfudud laakiin waxaa lagu arkaa in badan oo bulshada ka mida illaa 40%.  Arrinta laga hadlayaa waa arrin dhibaato ku ah carruur badan waxbarashadooda iyo nolol maalmeed kooda. ADHD  waxaa uu guud ahaan ku badanyahay wiilasha. Gabdhaha waxaa ku badan degenaansho la’aanta aan qalqaalinimo iyo caro la soconin (ADD)
Sida caadiga ah calaamadahani way yaraadaan marka ilmuhu koro, laakiin 60-80% calaamadaha way la waynaadaan.


Haddaba dhibaatada xasiloonidarada maxaa keena?
Waxyaabaha keena dhibaatada xasilooni la’aanta ah illaa hadda si fiican looma garanaayo.Hase ahatee waxaa la ogyahay in ay qayb ka noqon karaan waxyaabo Biologikali ah. Waxay kale oo noqon karaan Hidderaac, ama waxaa saamayn ku yeelan kara dhibaatooyin xilligii uurka dhacay.
Dad aan badnayn ayaa dhib toos ugu dhacay ay saamayn ku yeelan kartaa. Siday u muuqato hiddaha,deeggaanka iyo xidhiidhka bulsheed ayaa saamaynta ugu badan ku leh sida ay uga muuqato ilmaha nolol maalmeedkiisa xasilooni la’aantu. ADHA: da inta badan waxaa laga helaa Hidderaacyo.
Hal qoys ayaa yeelan kara dhowr ilmood oo ADHD qaba ama calaamadaha xasilooni la’aanta.
Waalidkuna inta badan way sheegaan inay ilmahooda calaamadaha qaar iska shabahaan. Inta badan labada waalid mid ka mida ama labadaba way leeyihiin calaamahad.
Badanaa marka ilmaha laga helo ADHD ayay waalidkuna ku baraarugaan inay calaamdahaa leeyihiin oo ay baadhitaan raadsadaan, si ay u hubsadaan inay qabaan dhibtaa xasilooni la’aanta ah.
Sidee lagu baaraa ADHD? ADHD-ga waxaa lagu arkaa callaamado ka la duduwan.
Calaamadahaa waxaa la dareemi karaa intuu ilmuhu yar yahay, laakiin waxay is ka bedbedelaan da’da. Inta badan xasilooni la’aanta waxa la baaraa marka ay soo dhawaato in uu iskuulka billabayo. Waxaa kale oo la samayn karaa baadhitaanka 4-6 sano intuu ilmuhu jiro. Ilmaha yar weli laguma samaykaro baadhitaankaa.
Faham la’aanta waxbarashada waxaa lagu ogaadaa badanaa baadhitaan caafimaad iyo calaamadaha,  ADHA: dana waa sidaa oo kale. ADHD: da waxa lagu xaqiijiyaa baadhitaan iyo in lagu arko calaamhada  lagu garto. Dhakhtarka maskaxda iyo waalidka kulan kooda waxaa lagu ogaadaa ilmaha xalladiisa markii  uu caloosha ku jiray ilaa caruurnimadiisii. Ilmaha dhaqankiisa iyo waxqabadkiisa waxaa looga qiyaas qaadanayaa, ilmaha dadiisa ah.
Waxa kaloo muhiima marka la qiimaynayo ilmaha in kala duwanaanshaha xaalad nololeedka la tixgeliyo. Baaritaanka waxaa lagu ogaanayaa in ilmaha dhaqankiisa xasilooni darrada ah, kasoo ah mid si joogo ah caado ugu ah ilmaha iyo dhibaatada u gaysanayo shaqo maalmeedkiisa.
Baaritaanka dhakhtarka waxaa ka horreeya oo shuruud u ah in ilmaha baaritaanka loo dirayo, in ay ka muuqdaan callaamadaha la gu garto xasillooni la’aanta oo guriga, xanaanadu iyo iskuulkuba ay ku arkeen ugu yaraan lix bilood.
Suurtogalnimada calaamahada degganaansho la’aanta ilmaha waxay uga muuqan karaan siyaabo kala duwan, markuu guriga joogo iyo markuu xanaanada ama iskuulka joogo.
Guriga waxaa saamaynanya, qaabka dhaqanka iyo shuruucda guriga. Xanaanada iyo iskuulka, waxa la arkayaa sida uu ilmuhu u dhaqmayo marka uu carruur badan ku dhexjiro.  


Ilmuhu, waxa uu war-bixin ka helayaa qaabkiisa dad la dhaqan ee uu kooxda ama wadar( waxaa ku adag la dhaqanka dad badan) ku la dhaqmayo, waxaa looga baahanayaa in uu kobciyo xasiloonidiisa iyo xirfadiisa dad la dhaqannimo.
Qofka dhibaatada xasilooni la’aanta qaba way kusii xumaataa dhibaatadu marka uu koox la shaqaynayo, taas oo aan guriga laga dareemaynin.  In ilmaha laga baadho ADHD marka uu dad iskuulka usoo dhawaato waxaa u sababaya ilmuhu marka uu iskuulka galo waxaa badanaysa baahida looga baahanyahay, inuu awood u leeyahay ilmuhu inuu meel fadhin karro uuna ku xasiloonaan karo casharka laga shaqaynayo wakhti dheer.
Taasi waxay ilmaha ku kalifaysaa in uu rabo uu na awoodo inuu hago shaqadiisa.
Marka ilmaha awoodiisu ay ka yaraato waajibaadkiisa, ugu danbayn markaas ayaa la fahmayaa inuu dhaqankiisa uu yahay mid aan caadi ahayn.( Macnaha wuxuusan awood u lahayn waajibka ah in uu qabto, casharkiisa am waxyaabah ay asaagiis qabanayaan)

Mararka qaarkood baadhitaanka waxaa la sameeyaa ilmaha oo iskuulka dhigta.
Markaa lafteedadana waa in ay jiraan calaamadaha oo ay buuxiyeen shurrudihii looga baahnaa ugu danbayn dhamaadka fasalka koobaad. Waxaa ka loo suurtogal ah in qofku isagoo dhallinyaro ah laga badhi karo ADHD:da
Waraysiga waalidka waxa badanaa lagu ogaadaa, ilmahu markii uu yaraa inuu ka duwanaa ilmaha kale, ama ilmaha ay isleeg yihiin. Waxaa laga yaabaa inuu ilmaha ka dabeecad kululaa, jedwel toos ah in lagu dhaqaa inay adkayd, habeenkii inuu aad usoo toostoosi jiray ama uu aad u jeclaa inuu markasta waalidka ka ag dhawaado.
Waxaa kale oo suurtogala in ilmah ADHD:da qaba uu ahaa markuu yaraa ilmo aad u deggan. Calaamadahaas oo dhan waxaa lagu ogaanayaa waraysiyada marka danbe la sameeyo.
Waxaa muhiima in haddii aad ilmaha yar ku aragto calaamadahan aanad go’aansan inuu noqon doono ilmo qaba ADHD.  
Ilmaha ADHD:da  xilliga ciyaarta wuxuu noqon karaa ilmo dhakhso u cadhooda, oo dabeecad fudud, markastana orod iyo howl kuj ira,  wax kasta oo soo gaadhana wuu u dabacsan yahay.
Ilmahasi inkastoo uu orod badanyahay uu u muuqdo ilmo adadag oo oradkiisu dhisanyahay, haddana waa ilmo aan jidh ahaan dhisnayn oo kufkufidiisa iyo dhacdhaciisu badanyahay.
Xanaanada in uu koox badan la shaqeeyo waxay ku tahay culays badan, shuruucda iyo tilmaaha in uu raacaa waa ku dhib, sugitaanka wakhtigiisa iyo waxyaabo badan oo kale ayuu ciriiri ku dareemaa.
Xaalladahaa uu culayska iyo ciriiriga dareemayo waxaa sii xoogaysanaya degganaansho la’aantiisa iyo qalqaalinimadiisa. Ilmaha caadiga ah markuu da’da  cayaarta billaabo wuxuu ku daraa in uu cayaartiisa ku hago isla hadal.
Marka hore wuxuu isag oo hadalka kor u qaadaya isu sheegaya cayaartii uu sameeyay.
Marka xigta waxay isu badalaysaa inuu marka hore isu sheego waxa uu samaynayo ka dibna sameeyo. Sidaas ayuu ku qeexanayaa howsha uu qabanayo.
Sida caadiga ah hadalka uu ku hadlayo waa mid cayaarta ama howsha uu markaa qabano qusaysa. Ilmaha da’da iskuulka ka hooseeya ee ADHD:da qaba waxaa la ogaaday in hadalkiisaa ku saabsan cayaarta ama shaqada uu qabanayo, inuu  yahay mid ka duwan caruurta da’diisa ah, isaga hadalkiisu wuxuu u badan yahay wax aan qusaynin shaqada uu hayo. Ilmaha ADHD: da qaba waxaa dhibaato ku ah inuu saaxiibo samaysto laga bilaaboba markuu cayaar baradka yahay, shuruucda ciyaarta inuu ilaaliya way ku adagtahay, inuu hal qof la ciyaaro ayuu ka jecelyahay inuu koox la ciyaaro.


Waxaa suurtogala inuu cayaartii oo socota dhakhso uga xiiso dhaco, haddii uu dad la ciyaarayay  in uu joojiyo ciyaarta. Taasi waxay ku sababaysaa in ay carruurta kale diidaan ilmo caynkaas ah in uu la ciyaaro.
Ilmahaas ma sugi karro wakhtigiisa, waayo waa ilmo markasta kacsan. waxaa laga yaabaa inuu wax aad u fudud ka caroodo, waxaa suurtogala in uu  howsha dadka kale ka xanaaqo, in uu si fudud u dagaalamo.
Inta badan waxaa ku adag inuu awoodda xoogiisa isu dheelitiro, taasoo keenta inay ilmuhu u arkaan inuu xoog  isticmaalo uu na yahay qof cadhaysan .
Taasi waxay khatar galinaysaa in uu noqdo qof keligi ah, aan saaxiibo lahayn, lana dhibaateeyo, asxaabtu ay cunsuriyeeyaan.
Calaamadahan ku lamaan waa u caadi.
Qofka dhibaatada xasilooni darrada qaba, waxaa inta badan lagu arkaa calaamdo kale oo ku lammaan dhibkaas.
Calaamadahaas waxaa ka mida hadalka oo ku adag, fahamkiisa oo adag, qaabka shaqaynta xubnaha oo ku adag, (motoriset koordinaatiot)  iyo xannuuno maskaxiyan ah, sida dhaqankiisa oo is badala, ciriiri nafsiya, niyadjab, xanaag, dhibaato kalsooni darro iyo dhibaato la dhaqanka dadka kale.  
In xilli hore la ogaado xanuunkan waa muhiim, in uu ku sii dheeraado qofka isaga oo aan laga daawaynin waxaa sii badanaaya dhibaatada uu qofka ku hayo, sidoo kale haddii hore loo billaabo daawadiisa sidii loogu talogalay, wuxuu aad uga mustaqbal fiican yahay, kana an la daawaynin.


ADHD:n kriteerit DSM-IV- tautiluokituksen mukaan.
  1. joko 1. tai 2


  1. Ugu yaraan lix calaamadood xasiloonidaro ah, kuwan soo socda kamida waa inuu lahaa lixdii bilood ee u danbeeyay ku waas oo marka dadiisa loo eego koritaankiisa ka hooseeya, si joogto ah loogu arko.
  • Feejignaan la’aan
  • Inta badan aad uguma fiirsado howsha uu hayo waxuu sameeyaa khaladaad badan oo fiirsasho la’aan ah, iskuulka, shaqada ama howlaha kaleba
  • Waxaa aad ugu soo noqnoqda daganaansho la’aan cayaarta ama shaqadab.
  • Marka si toosa loola hadlayo wuxuu u muuqdaa in aanu dhagaysanaynin hadalka
  • Inta badan ma raaco qaaciidada iyo tusaalaha la siinayo, mana sameeyo shaqada iskulka iyo ta Guriga loogu diro( iyadoo aaysan keeneyn inuu diidanyahay ama aanu fahmin)
  • Inta badan wuxuu ku dhibtoodaa inuu habeeyo wakhtigiisa iyo shaqadiisa
  • Waxa uu iska ilaaliyaa ama uu necebyahay ama aanu rabin inuu ka shaqeeyo, shaqooyinka u baahan wakhti dheer ama maskaxiyan in looga fikiro (sida iskuulka iyo casharada loosoo diro)
  • Wuxuu lumiyaa inta badan alaabta casharada ama howshiisa looga baahanyahay sida ( alaabta Ciyaarta, qalimada, buugaagta)
  • Si fudud ayuu ugu jeesjeestaa wixii banaanka kaga yimaada.


    Sawirada/Kuvat: DUODECIM








Monday, 19 December 2016

      ILMADA CABDI YARE EEDDEDA YAA ISKA LEH Q3AAD
    


Waan ka murugoodaa dhibka aan muuqan ee haysta Cabdi yare.
Wuu yara wayn yahay oo mar dhaw waxaa loo diiwaan galinayaa danbiyada uu galo oo dhan, waayo wuu ka gudbay waqtigii yaraanta aad ka ah ee carruurnimada, waxuu u baahan yahay aabbe garab taagan oo ka waaniya mawjadaha hareeyay noloshiisa,sidoo kale hooyo waqti u haysa ee ah hooyadii wanaagga iyo kartida badnayd ee uu aabbihiis muraayadda jabiyay. 
   Cabdi ma tago goobaha hiwaayada sida kubada, dabaasha iwm.
  Muddo maan arag muuqiisii niyadayda mar walbaa kama maqnaado waxaana u dareemaa sida ilmaha aan dhalay oo kale, carruurihii uu la socon jiray ee ay saaxiibka ahaayeen wali waxay taagtaagan yihiin dukaamada iridooda galbihii, balse indhayga maysan qaban maalmahaan wiilkii yaraa, tolow miyay guurtay
Waan maqli lahaa sow maahan, mise kii yaraa ayaa laga wareejiyay inuu hooyadiis la noolaado, oo waxaa ka watay qoladii badbaadada carruurta, anigoo arrimaas ka fakaray ayaa waxaa si lama filaana iiga soo hor baxay Cabdi yare waan salaamay mise waxaa wajigiisa ka muuqda dhaawac jirdil ah oo dhinac dhan ayaa madow, waan ka naxay waxaana si dagdag ah u su’aalay ’’yaa sidan kuu galay habaryar’’ waxuuuse ii sheegay inay ciyaal is laayeen kadibna ay iskugu tageen qaar kale oo ajinabi ah.


Wax dhacay cidina wax kama qaban karto, balse waa ayaan darro tanoo kale waxaan ku iri kaalay hadda xageed u socotaa waxuu ii sheegay inuu aadayo meel ay saaxiibadiis ku sugayaan, waan is celin waayay markaas ayaan ku iri war heedhe miyaadan damiir lahayn, sow kuwa sida tan kuu galay maahan saaxiibadu waa maxay saaxiibka aad sheegayso, waan waaniyay una caqli celiyay balse waa ilmo dayac ku dhacay oo waalidkii dhalay ay gabeen kaalintoodii waalid nimo iyo daryeelkii uu kulaahaa ilmahooda, hadaynta iyo hanuunka waa mid ka yimaada xagga Rabbi, balse dadaalku waa mid waajib ku ah waalidkastaa oo ilmo dhalay waayo masuuliyadani waxay qaadeen markii ay go’aan sadeen inay is guursadaan labada qof.



Waqti ka yar toddobaad waxaa maqlay inuu Cabdi yare ay la wareegeen qolada badbaadada carruurta maadama uusan schoolka tagin ayna badatay danbiyada laga diiwaan galiayay, Asli nolosheedii wax way ayaa iska badalay markii ay waysay wiilkeedii yaraa ee ay ifka ka eeganaysay, ma aysan garawsan halka uu qaladka ka yimid balse taas badalkeedii, dhibkii iyo buuqii nafteeda ay la kulantay waxay ka dhaxashay inay dhexda ka gashoisticmaalka balwada oo kusoo biiray nolosheeda, qaadka iyo shiishada ayay si aad ah u isticmaashaa markan, waxayna u aragtaa in waqtiga iyo murugada ayu isku dhaafsiinayso.


Muuqaalkeedii wuu isbadalay quruxdii iyo xaragadii badnayd waxay noqdeen kuwa aad moodo inaysan waligeedba xaragoon muuqaalkeedii waxy u ekaatay islaan wayn  oo ayeeyo oo kale ah, dhabanada waxaa ka fuulay haraq madoow jirkediina wuu gurmay, aad baan ooga calool xumaadaa ninkii danbe kuma raagin oo markii uu arkay xaalkeeda halka uu marayo iyo sida ay nolosheedii isku badashay ayay kala tageen.



Cabdi yare wali waxay dhibka haysataa sidii uu nolosha caadigaa ula qabsan lahaa, xaalka hooyadiis waxay ooga sii dartay dhibkii haystay waxuuna noqday mid dagaal iyo macangag nimo ku sifoobay, marnaba ma helo qof u garaaba waayo maba lahan af garad, waxuu gaaray 17 jir waxaana laga soo warejiyay goobtii loogu tala galay in lagu hayo carruurta aan wali qaangaarin, nasiib darro Cabdi yare markii uu maalmo uun tir san joogay xaafadda hooyadiis oo noqotay goob lagu qayilo oo ragga iyo dumarku ay is dhex boodaan. Habeen habeenada ka mida waxaa xaafadda soo galay nin qamri soo cabay, muran iyo qaylo badan kadib waxuu ugacan qaaday Asli, Cabdi yare intuu ninkii la dagaalamay ayuu jikada waxuu kasoo qaatay mindi halkii ayuuna ninkii cabsanaa ku dhaawacay waxaa goobtii yimid ciidanka ammaanka police, gaadiidka gargaarka dagdagaa, Cabdi yare waxaa loo taxaabay xabsiga oo uu hadda ku jiro.



Sunday, 16 August 2015

             ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH  Q2AAD




  Asli warkii wuu gaaray, in Cali dal doorsaday, waxayna markiiba soo xaqiijisay gabadha uu guursaday Iyo in arrinku uu Dhab yahay, maba aysan sugin inta uu ka soo noqdo, ee waxay markiiba tagtay maxkamadda warqaddii furriinka ayayna dalbatay, haddana sii dhaqaaqdoo waxay u tagtay qolyaha qaabilsan arrimaha qoysaska, oo waxay u sheegtay, in ay ninkii iska furayso, oo guriga ay ku soo harayaan iyada iyo wiilkeeda oo kaliya, kuma qaadan asbuuc markii ay hawlahaas oo dhan kala meelaysay, caradeedu waa mid aad u saraysa.

Dumarkii ay daynta ku lahayd ayay ku war-galisay , Inay si dagdag ah iskaga keenaan lacagaha ay ku leedaha. Cid kala hadli kartaa ma jirto arrimaha iyada iyo Cali, oo oran kartaa waxani waa arrin  Rabbaani ah ee dulqaado, balse, kuwa la sii jiibiya ee yiraahda “Alla ma gabdhaadii sidii la ogaa u dadaali jirtay, ayuu naag la guursaday, oo haddana hantidii ay wada shaqaysteen ayuu qaaday oo mid aan u soo dhididin ayaa ku raaxaysanaysa! ” qofkaasi waa saaxiibka ugu wanaagsan ee Asli. Markii uu soo noqday Cali ka dibib seddex billood oo uu Safar iyo Aroos ku maqnaa. Cali wuu yimid waxuuse la kulmay, wax uu horayba u filayay, loona sii sheegay in uusan xaalku ahayn siduu ku ogaa, markani waa nabar AAD FILAYSO NAXDIN MA LEH maslaxo iyo waanwaan dhammatay, sidii ayay reerkii ku kala tageen.
Cali waxuu u wareegay Ingiriiska oo uu deeggaan ka dhigtay magaalada London.

Cabdi Yare waxaan ku iri; kaalay halkan soo fariiso, ii ​​sheeg habaryaro waxa aad sidaa u samayaysid? Waxuuse ii sheegay, in ay casharrada ku adag yihiin, oo uusan fahmin.
Maxaad macallimaddaada ugu sheegi waysay, maadaama iskuulka ilmaha waxii ku adag lagu baro saacado dheeraad ah, si baahidiisa loo Kabo?
Wuuse ii sheegay, inuusan taasna xiisaynaynin, waayahay, ee maxaa dan kuu ah habaryaro?
Seddex sanadood ayaa ii haray, ka dibna waan iska shaqaysan ayuu hadalkii ku soo koobay.
Oo haddadan waxbaran habo ma adigaa shaqo helaya? Sow adiga khaladkaan samaynaya maahan ee dukaanka alaabta ka soo xadaya.
Habaryaro maxaa waxaas oo dhiba ah kuu geeyay bal ii sheeg?  Waxuuse ii sheegay, in uusan doonayn inuu ii sheego arrimihiisa uusanna doonayn inuu halkan sii fadhiyo.

Cabdi yare hooyadii kaligiis ayay awlaad ka eeganaysaa, waa qalqaali dhib badan, haddana wuu qalbi wanaagsan yahay. Ma uu jecla in aad aragtid isagoo qalad ku jira. Asli iminka waa aroos waa guurkii seddexaad ah oo kanbeeyay Cabdi yare aabihiis.

Asli waa gabar xarrago badan, maradii soo baxdana dusheeda ayaa laga eegaa.
Waxay aad u dhexgashay aalladaha internetka, mar walbaa waa mashquul. Waxuu ii sheegay Cabdi Yare, in maalin dhaw uu ABTI ooga imaan doono Oslo Norwey, kaasoo ah ninka cusub ee ay Asli guursatay, kuma uu qanacsana oo waxuu dareensan yahay in hooyadiis ay ay waqtiga siinayso ninka guursatay. Waxay diyaarinaysaa xafladdii arooskeeda, oo dumarkii xaafadda ayay ku mashquulsan tahay sidii ay ooga soo gali lahaayeen arooska, waqti uma hayso ay kula xiriirto iskuulka iyo waxa ku soo kordhay xaaladda wiilkeeda, qofkii u sheegana waxay u qaadaa colaad iyo xummaan, reerkooda qaar badan isma salaamaan warna iskuma hayaan, wiilkeeda ay kaligiis carruurta ka haysato xaalkiisa iyo dhibkiisa midna ma shiiddaad uma hayso kamana murugooto.
Cabdi yare waxuu inta Badan maalintii la joogaa asxaabtiis marmarna wuuba la hoyadaa Asli iyadu wax dhiba umaba aragto.

Caawa waa habeenkii arooska ay dhiganaysay Asli waxaa meelo kala duwan ooga yimid marti si ay ooga qayb galaan arooska, qaar ninka ayay kala yimaadeenn Norwey qaarna waa Asli saaxiibadeed oo ay ku casuunta inay yimaadaan, goobta si fiican Ayaa loo qurxiyay cera modo walbaana ku dhan yihiin , bilowgii Iyo cayaartii ka dib waxaa soo Galay arooskii iyo aroosadii sidii hore si ka xamaasad Badan Ayaa markaan loo tumayaa heesahay iyo cayaartaba, dadku waxay ka soo wada kaceen kuraasta dumar badani waxay leeyihiin ''IgA leexo aan arko maxay xiran tahay' si loo ogaado bal aroosyadeedii hore iyo kan midkii ay heersarayso. Si aad u wanaagsan ayay ku dhammatay xaflladii, farxad iyo rayn rayn ayay u tahay Asli iyo saaxiibbadeed laakiin Cabdi Yare waxuu dareemay in aan cid danaynaysaa jirin. Caawa waxuu aaday hooyadii saaxiibbadeed oo lahayd wiilala ay isku da' yihiin si habeenkaas iyo kan ku xigo uu ula seexdo maadaama ay tahay labadii maalmood ee nasashada toddobaadka iyaduna ay aroos cusubna tahay.

Wiilka yar wuu aradan yahay ma haysto dhar iyo kab wanaagsan, waxaad ka dareemaysaa in daryeelkii ay siin lahayeen waalidkiis uu san helin Asli ma disho, oogadiisa wax dhib ah kama muuqdaan balse qalbigiisu waa mid dhaawac wayn gaaray, haddii aad eegto waxaad arkaysaa in uusan Kulaba joogin miyirkiisu oo uu ka fakaraayo noloshan iyo sidii uu uga bixi lahaa.

Cabdi yare saaxiibbadiis maahan ilmo wanaagsan waxay ku caanbaxeen dukaammo xadidda, waxuu marwalbaa la socdaa kuwo aad ooga wayn da’diisa, Asli umaba aragto wax halis ah maadaama uu waddankani yahay nadab, dhibka oogu wayn ee ay ka baqdaa waa nabadgalyo xumida, balse kama baqdo in dhibaatooyin jiraan mana ku baraarugsana, waxay in badan ku andacootaa in ay  ilmo yihiin oo ay maalin dhaw iska dagi doonaan markay waynaadaan oo ay caqlisadaan.
 W/Q Nimco Noor

Monday, 3 August 2015

 ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH?




Waxaa labada dhinac ka taagan waardiyeyaal  dukaanka ilaalinayay, waxayna waydiinayaan, miyaad  samaysay danbigan? Na soo raac ayay yiraahdeen. Markiiba waxaan u dhaqaaqay xaggooda waxaana ku iri ’’miyaan idinla hadli karaa?  Waxay igu yiraahdeen ma adigaa dhallay?  Maya ayaan ku iri, kadib ayay igu yiraahdeen anaga ayaa xallinayna waadse mahadsan tahay’’  in cabbaar ah ayaan meeshii taagnaa waxaan eegayay bal sida uu xaalku noqdo, markii danbe ayaan is iri waqti baa kugu socdee danahaaga qabso.

Galinkii danbe abbaaro seddexdii galabnimo ayaan waxaan arkay hooyadiis oo taleefan ku hadlaysa waan u gacan haatiyay, wali waxaa qalbigayga ka guuxaya, tolow xaggee ku danbeeysay arrintii wiilka, ma waxay la hadlaysaa police ka  oo arrinkii ayaa loo sheegayaa. Xaggeeda ayaan u soo dhawaday mise af soomaali ayay ku sheekaynaysaa! Faraha ayaan kala hadlay oon ku iri teleefanka dhig balse waxay ii sheegtay inay sheeko fiican haysato kumaan qancinee waxaan ku iri waad ku celinaysaa ee bal in yar ila hadal way iga ogolaatay.

Waxaan waydiiyay xaaladda iyada iyo wiilkeeda waxayna igu tiri wanu fiicanahay  kulligeen, haye si dulmar ah ayaan ooga waraystay xaaladda Cabdi yare waxayna ii sheegtay inuu aad u wanaagsan yahay, waxaan is iri ma u sheegtaa ? Haddana waan baqay, waanse ku calool adaygay waxii dhacayaa ha ka dhaceene in aan u sheego waxaan ku iri ’’ maanta mar aan farmashiga ka soo iibsanayay dawo ayaan arkay wiilkaaga Cabdi yare oo laba nin oo waardiyeyaasha dukaanka ay sii wadaan ee miyaad ka warhaysaa sababta iyo danbiga uu galay, mase ku soo waceen police ka ?’’

Intay naxday ayay igu tiri;
''maya muxuu sameeyay?'' waxaan ku iri:  ''ma garanayo balse inta badan carruurta allabta dukaanka xadda ayaa qaabkaas loola dhaqmaa'' markiiba waxay igu tiri ''oo iskuulkii ma uusan taginn miyaa ? Iskuul inuu jiro ayaan moodayay'' waxay kaloo iisii raacisay in taleefankeeda uu yahay nambar cusub uuna yahay nooca labuuxbuuxiyo oo uusan diiwaan gashnayn wayna adag tahay in la soo helo mar haddii aysan iyadu diiwaan galin, balse haddii uu ahaan lahaa khadka caadigaa markaba waxaa fududaanaysa in waalidka la soo helo, tani waa dabeecaddeeda oo marka ay lacagta yar ka marataba way iska tuurtaa oo mid cusub ayay soo qaadataa, maadama aysan ku shubayn lacag oo sidani  ay u jaban tahay.


Waxaan ku iri dabcan waxaa kuu sahlan inaad tagtaa xarunta ciidanka police ka oo aanba sidaas nooga fogayn qaybteeda xaafadda. Sidii ayay samaysay oo ay arrinkii ku xalisay. Maalin kadib ayaan haddana ku arkay isla goobtii  Cabdi yare, waxaan waydiiyay sababta uusan iskoolka u tagin oo uu halkan u joogo ? Sharciga dalkan waa in ilmaha ay qasab ku tagaan iskuullada, haddii aysan sidaas yeelin waalidkuna ku guuldaraysto.

Hayadda badbaadada carruurta waxay ku ciqaabaan in qoyska laga wado oo la geeyo goob si qasaba uu ilmuhu ku tagayo waxbarashada, Cabdi yare waxaan ku iri ogow haddii aad sidan ku sii socotid oo aad waxbarashada sagsaagtid  macalimiintaadu waxay war galinayaan qaybta badbaadada carruurta iyo hooyadaaba, waxuuse iigu jawaabay hooyo ma ogaanayso oo maba la socoto waxa iskuulka ka jira, aad ayaan ooga xumaaday, oo aabbahaana miyaanu ogayn markaas ayuu igu yiri maya


Aabbihiis muddo laga joogo 4 sanadood  ayuu  kusoo guursaday gabar yar magaalada Muqdisha mar uu safar ku gaaray dalkii hooyo, taas oo sabab u noqotay burburka reerka Asli iyo Ali way wadda shaqaysanayeen waqtigii hore, dhaqalahooduna waxuu ahaa mid wanaagsan, waxay bishii dhigan jireen xoogaa dhaqaalo ah oo ay kaydsadaan si ay mustaqbal uga dhigtaan ama ay hanti maguurtaa ku iibsadan, haddii ay ku noqdaan dalkii hooyo  si ay hanti uga horayso.  Asli  dhanka kale waxay guriga ku iibin jirtay allabo yaryar oo ay Dubai ka keeni jirtay, noloshoodu waxay ahayd mid aad u wanaagsan

Farxadda iyo bulsho nimada ka so koow Asli waxay ahayd gabar nadaafad iyo xarrago meel dhigatay, martida iyo dadka wax ka iibsanaya waxay ka soo baxaan gurigeeda iyagoo ka maqsuudsan qaabka ay u agaasinto soo dhawanta macaamiisheeda, waxay ka shaqaysaa meesha waayeelladda lagu daryeello, mushaarkeedu waa mid fiican guriga ay daggan yihiina kiradiisu ma ahan mid qaali ah, Cali isaguna sidoo kale waa darawal, oo waxuu wadaa gaadiidka dadwaynaha ee magaalada gudaheeda ka shaqeeya, Safarkii uu ku tagay dalkii hooyo waxuu ujeedkiisu  ahaa inuu reerka usoo iibiyo aqal ay hanti ka dhigtaan, muddo markii uu Cali Xamar joogay oo uu soo dhameeyay hawshii loo xilsaaray, waxaa xaafadda soo galay hadallo iyo xamxam ahayd inuu Cali gabar yar ku guursaday Muqdisha, anigu qof ahaan maan aaminin, inkastoo raggu damac ka dhammaan haddana Cali  waxuu ahaa nin reerkiisa ku qanacsan, oo aan hawaysan xataa dumarka xaafadaha daggan maahayn nin dhacdhaca oo af dheer markuu dariiqa marayo indhihiisa hoos ayay u badnaayeen.  Kulayl iyo fariid nimo Asli uu ku ogaana wuu ooga gabban jiray dumarka magaalada oo wuu ogaa inay balaayo dhicayso haddii uu ku dhiirado inuu halkan wax ka raadiyo, maadaama uu ilmo wiil kaliya ka dhalay, dhaqanka Somaliduna yahay in reerku carruur badan dhallaan.

Lasoco qaybta labaad.
Qoraalka lama qori karo, lamana daabacan karo, lama beddeli karo amar la,aan.

W/Q  Nimco Noor



Monday, 22 December 2014

Guurka gabdhaha yaryar xal mise xorriyodoon

      GUURKA GABDHAHA YAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

  


Bulshooyinka adduunka ku nooli waxay soo mareen marxallado kala gooni ah iyo heerar kala duwan oo saamaysay noloshooda, mid walbaana ay la jaan-qaado hadba duruufta jirta iyo waqtigu sida uu yahay.
Haddaba bulshadeena Somaaliyeed iyo guurkooda waa mid caynkee ah?  Waxaynu leenahay xeerar iyo wadiiqooyin aynu u marnno markay timaado in reero ay xididaan. baahida iyo daruufaha  oo kala duwan dartood guurku wuu noocyo badnaa.

Marbay gabdhuhu u guursan jireen reerkooda oo cayr ah siday hanti u heli lahaayeen,waxayna raadsan jireen nin aysan jeclayn balse ay dhaqaalo ugu xillato, qaarkale guurkoodu waxuu ahaa mid aabbeheed uu siiyo oday ay saaxiib yihiin oo uu xoolo ka qaato, kuwo waxay naftooda u doorbidi jireen nolosha oo ku adkaatay darteed, inay hesho reer ay leedahay oo ay dhibka kaga nasato.

Qaarbaa lays dhaafsan jiray si beello is laayay colaadoodu ay u danto oo halkaasi ay nabad uga dhallato loo bixin jiray. Sidoo kale guurka qaarkiis waxuu ahaa dummaal ama xiskiisan, balse waxaa jira  qayb si ka wanaagsan intaas isku guursada oo iyagu is calmada, calafka iyo nasiibkoodu usaamaxo nolol farxad leh.

Waqtiga oo is bedelay darteed waxaa inagu soo siyaaday dhaqamo ka baxsan kuwii ay waalidkeen innagu soo koriyeen, waxaa dhacay dagaallo iyo qax, waxaynu nimid dhul aad ooga fog halkii aynu ku dhallanay ee Rabbi inagu beeray, bad-waynta ayaynu dhex hafanaynaa, way midabo badan tahay oo mowjado ku xoog badan tahay. Marbaynu ku hafannaa hirkeeda marna waynu yara neefsannaa, dhankastaaba dheeligu wuu inaga jiraa dhaqan iyo diinba, guurkii is bedal oo ka tag halkii uu ahaa  tobaneeyo sanno ka hor, da'dii lagu guursan jiray halkan  qurbaha waa ka mamnuuc oo maba laga ogola.

Haddana saas oo ay tahay waxaa soo badanaya in gabdhaha yaryar ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ay ku guursadaan da' yar marka loo eego waddamada ay nu joogno hablaha u dhashay. Waxbarashadii horay uma sii wataan oo dhex ayay kaga haraan intooda badan, guurkana kuma raagaan oo si dhaqsaa ayuu reerkii ku dumaa!

Miyaan is waydiinay maxaa sababay arrinkaas, maku fikirnay sidaan xal ugu heli lahayn oo aynu baaritaan u samayn lahayn?
 Mushkilada ugu wayn ee sababta guurka xalka ay ka raadinayaan gabdhaha yaryar waa waalidka dhallay, sababtuna waxay tahay dhawr arrimood oo aynu ku dhaqano balse aan la jaan-qaadi karin nolosha dhabtaa ee aynu dhex joogno, gabadhan yari waxay la kortay mid iyad aynigeeda ah, waxaa lagu koriyaa inay leedahay xuquuq iyo argti ay wax ku doonto waxna ku diido, reerka dhexdiisa waxaa ka jirta caddaalad iyo sinnaan aysan ku kala sarayn iyada iyo walaalkeed, reerkoodu waa qoys kooban oo ma dhallin carruur tiro badan, waxay heshaa waqti ay ku aado hiwaayadeeda hadba nooca ay iyadu xiisayso.

Balse gabdhan Somaaliyeed  hooyadeed waxaa lagu soo koriyay;
Naayaa walaalkaa dharka u dhaq!
 Naayaa gabar fiican noqo oo hadhow reerkeeda ku filan, ninka ku guursada yuusan igu kaa caayin oo uusan oran ''yaa soo koriyay''?
Waxay guriga hooyadeed kasoo baxday iyadoo aaminsan; Cilmi naageed jikaa u danbayn!
 Sidii oo kale waxay billaabaysaa inay ku carbiso gabdhii yarayd ee ay badda mawjadaha badan ku dhexdhashay;  Naayaa guriga iiga shaqee gabar baad tahaye!
Xaggeed aaday, yaa kusoo wacay?
Cunuga kaa yar sii ahay!
Jikadaas oo aad nal ka dhigtayn aan imaado!
Ma jirto wax hiwaayad ah oo ay aadayso aanka ahayn dugsiga Quraanka iyo iskuulka. Balse walaalked waxuu u ciyaaraa koox qaali ah aabbe iyo hooyo way ku faraxsan yihiin in uu noloshiisa dhisto ilayn waa wiil ee, toddobaadkii dhawr jeer waxuu aadaa cayaar, dabbaal iyo kubbada, markuu dumarka gaalada kula dabbaalanayo barkadaha dabbasha wax danbi ah maahan waayo waa wiil.



       Sawirka: Plan.fi


Gabadhii yarayd markii ay tagto iskuulka waxaa loo aqrinayaa cashar ah in la siman yahay wiil iyo gabar, hawsha guriga, aadista hiwaayadda iyo guud ahaan nolosha oo dhan. waxay si hoose u waydiinaysaa saaxiibadeedii ay fasalka wada dhigtaan qaabka ay u nooshahay?  Halkaasna waxay ka ogaanaysaa in dulmi uu ka jiro qoyskooda oo aan loo caddalad falin, hooyadeed waxay dhashay toddoba ama sideed carruura iyadaana u wayn ama wiil baa ka wayn.

Waxay ku koraysaa ciil iyo cuqdad, marwalba waxaa niyadeeda ku jira mar yaa ka nasta hawshaan iyo buuqa ilmahaan, goormaad kaligaa taleefashin xor ah daawan doontaa oo aad gurigaan ka tagi doontaa.

Waa suurto gal ah in aysan helin hadal macaan iyo in la tuso jacaylka ay u qabaan waalidkeed, ammaan iyo niyad dhiskuna uu aad u yar yahay, hooyadeed kama ahan nacayb iyo xummaan midna balse dhaqankii iyada lagu soo koriyay ayaa ah sidaas. Gabadhan se waa ka duwan tahay dhaqan iyo aragti labadaba oo waxay aamin san tahay in xaqeedii lagu tuntay, mana doonayso inay waalidkeed ku caasido. Markaas waxaa abuurmay farsamo ah in  gabadhu ay reerkoodii oo jecel samaysato nolo ka fudud midan kan shido yar oogana nasiino badan, waa maxay waa inay ku fekertaa guur iyo inay keensato wiil ay is rabaan runtuna ay tahay ku naso, maahan  guurku xaqiiq waase xal. Muddo yar ka dib wiilki iyo gabadhii yaraa way kala boodeen oo layskumaba sii nagaan.

Haddaba waalidoow runtu waxay tahay aynnu caddaalad falno, wiilka iyo gabadha aynu isku si ugu qaybino hawsha, hiwaayadda iyo waxkasta oo noloshooda ku saabsan. Waxii diinteenu aysan ogolayn labada dhanba aynu ku dhiirano in aynu ka mamnuucno oo aysan noqon dhib malahan waa wiil!

Gabadhaada ku beer jacayl oo tus qiimaha ay agtaada ka leedahay si hadhow ay nolosheeda u noqoto mid aan dhallanteed kaaga dhuuman, gabar iyo wiilba waxay u bahan yihiin in isku si looga dhiso nolosha waayo isba berri aabbe ayuu noqon.
Ha lahaato han ayku fekerto nolol rasmi ah iyo heer waxbarasho in daruuf iyo xannuun yimaado mooyiye aysan si kale ooga niyad jabin, ku boori kuna caawi inay noqoto mid ku qabwayn nolosheeda fahansana qiimaha guurka ee aysan u arag xal ay kaga tagto gurigan iyo dhibkiisa.

Waan hubbaa in waalid badan oo wanaagsan fahansana caddaalda ay inagu jiraan oo dhisa niyadda iyo qalbiga gabadhooda. Haddi ay jirto in aan khaldamay waa aragtidayda ii gaarkaa iyo ogaal badan oo aan qabo, talo iyo tusaale walaal kam maarmo iigusoo dira ciwaankayga.



W/Q Nimco Noor

Tuesday, 7 October 2014

Da' yarta qurbaha iyo qamriga

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qofkastaa oo isticmaala da' kasta iyo marxalad kastaa, waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Somaaliya waxuu sababay in bulshada u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan kuwaas oo ku dhashay meello aad ooga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deeggaannadoodii.  Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo. Balse waxa jira kala  fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caaddooyinka.

 Waa wax jirta in qofkastaa oo nool uu soo maro heerar kala duwan noloshiisa, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, mararka qaarna uu jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday. Marxallada dhallinyaro nimada waa mid ay da' yartu ku jiraan nolol heehaab ah oo ay ku dul sabeeyaan adduunka iyo waayihiisa, sidoo kale waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhiman yahay, goor kalena ay ka faa'iidaysan doonaan.

 Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeeladiisa, sidoo kale dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahayna in looga faa'iidaysto xilligiisa.

Haddaba carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay ? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah ? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhallay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu kasoo jeedo farac iyo asalba.


 Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarad Somaaliyeed ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha.

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba, ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxooti nimada kusoo galnay, marka uu gaaro xilliga baaluqa, waalidkiis waxay kala sheekaystaan waxii kusoo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaallada uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga isagoo leh xad go'an oo uusan ka badsan karin. Sidaas si lamida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn,waxayna ku magacaabaan  ( CABITAANKA AMMAANKA )  wuxuu dareemaa cabsi la'aan, cannaan la'aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si lamida waxuu ku cabbaa jawi daggan iyo walwal iyo cabsi la'aan, waxaa loo kala saaraa oo ukala soocan waqtiga uu cabayo, marka uu shaqaysanayo ama waxbaranayo. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaankaa.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo kamida  kuma baraarugsanain in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamriga,   marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maadiba leh oo fahansana,  caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo qof  ahaan sharaftiisa bulshadeena dhexdeeda. Xirirrikii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la socono xaallada ilmaha iyo isbadalka ku dhacay.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu waa in ay iyagu uun hadlaan, mana siiyaan waqti uu in ilmuhu uu iskaga difaaco eedaynta loosoo jeedinaya iyo cannaanta, sidaas darteed waxaa la baray oo uu la qabsaday (WARYAA AAMUS ) ma annaad igu soo af celinaysaa! Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka kaga yimaada saaxiibadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayo waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in la baraa cisada waalidka balse waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.



Taasi waxaay sababtay in ilmihii uu ku dhaco ( LABA DARAN MID DOORO ) Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen oo isku marka wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan si uusan ooga baxsanaan oo ay uwada noqdaan koox midaysan.

Mida kale waa caddaadis ka haysat waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba  xaaraan ka ah inay cabbaan Qamriga, intaas kadib, gabadhii ama wiilkii dhallinyarada ahaa waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

 Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go'aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo,aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furan u salaanta oo dadku way ka waji dadbayaan.

Haddii uu saaxiibadii ku gacan sayro waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ( sariirta nuunaha) ku jira oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo oo uu maalin uun cabbaa si uu uga sii mid ahaado saaxiibadiis. Marka uu billaaabo cabitaanka Qamriga ma jirto cid ka xadidaysa oo u qiyaasaysa, waxuu dhammaa qiyaas tankiisa ka badan, kadib walwalkii iyo cabsidii qalbigiisa ku jirtay darteed ayuu noqdaa mid xannaaq badan oo dagaalama oo gardaraale ah ( aggressive) Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.Mana jirto kalsooni ah in uu helayo cid u naxariisata danbigiisana ka cafisa.

Halkaas waxaa ka dhallanaya burburka iyo mustaqbalka oo luma ilmihii oo niyad jaba, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oolin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi waayo waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay.

 Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn balse lagula tacaalo dhiiri galin, lana tuso  in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn waalidoow ku qanacsanoow inaadan shaydaanka usii eryin,oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay balse aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay ag taal Illahay awlaada haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

W/Q: Nimco Noor