Monday, 19 December 2016

      ILMADA CABDI YARE EEDDEDA YAA ISKA LEH Q3AAD
    


Waan ka murugoodaa dhibka aan muuqan ee haysta Cabdi yare.
Wuu yara wayn yahay oo mar dhaw waxaa loo diiwaan galinayaa danbiyada uu galo oo dhan, waayo wuu ka gudbay waqtigii yaraanta aad ka ah ee carruurnimada, waxuu u baahan yahay aabbe garab taagan oo ka waaniya mawjadaha hareeyay noloshiisa,sidoo kale hooyo waqti u haysa ee ah hooyadii wanaagga iyo kartida badnayd ee uu aabbihiis muraayadda jabiyay. 
   Cabdi ma tago goobaha hiwaayada sida kubada, dabaasha iwm.
  Muddo maan arag muuqiisii niyadayda mar walbaa kama maqnaado waxaana u dareemaa sida ilmaha aan dhalay oo kale, carruurihii uu la socon jiray ee ay saaxiibka ahaayeen wali waxay taagtaagan yihiin dukaamada iridooda galbihii, balse indhayga maysan qaban maalmahaan wiilkii yaraa, tolow miyay guurtay
Waan maqli lahaa sow maahan, mise kii yaraa ayaa laga wareejiyay inuu hooyadiis la noolaado, oo waxaa ka watay qoladii badbaadada carruurta, anigoo arrimaas ka fakaray ayaa waxaa si lama filaana iiga soo hor baxay Cabdi yare waan salaamay mise waxaa wajigiisa ka muuqda dhaawac jirdil ah oo dhinac dhan ayaa madow, waan ka naxay waxaana si dagdag ah u su’aalay ’’yaa sidan kuu galay habaryar’’ waxuuuse ii sheegay inay ciyaal is laayeen kadibna ay iskugu tageen qaar kale oo ajinabi ah.


Wax dhacay cidina wax kama qaban karto, balse waa ayaan darro tanoo kale waxaan ku iri kaalay hadda xageed u socotaa waxuu ii sheegay inuu aadayo meel ay saaxiibadiis ku sugayaan, waan is celin waayay markaas ayaan ku iri war heedhe miyaadan damiir lahayn, sow kuwa sida tan kuu galay maahan saaxiibadu waa maxay saaxiibka aad sheegayso, waan waaniyay una caqli celiyay balse waa ilmo dayac ku dhacay oo waalidkii dhalay ay gabeen kaalintoodii waalid nimo iyo daryeelkii uu kulaahaa ilmahooda, hadaynta iyo hanuunka waa mid ka yimaada xagga Rabbi, balse dadaalku waa mid waajib ku ah waalidkastaa oo ilmo dhalay waayo masuuliyadani waxay qaadeen markii ay go’aan sadeen inay is guursadaan labada qof.



Waqti ka yar toddobaad waxaa maqlay inuu Cabdi yare ay la wareegeen qolada badbaadada carruurta maadama uusan schoolka tagin ayna badatay danbiyada laga diiwaan galiayay, Asli nolosheedii wax way ayaa iska badalay markii ay waysay wiilkeedii yaraa ee ay ifka ka eeganaysay, ma aysan garawsan halka uu qaladka ka yimid balse taas badalkeedii, dhibkii iyo buuqii nafteeda ay la kulantay waxay ka dhaxashay inay dhexda ka gashoisticmaalka balwada oo kusoo biiray nolosheeda, qaadka iyo shiishada ayay si aad ah u isticmaashaa markan, waxayna u aragtaa in waqtiga iyo murugada ayu isku dhaafsiinayso.


Muuqaalkeedii wuu isbadalay quruxdii iyo xaragadii badnayd waxay noqdeen kuwa aad moodo inaysan waligeedba xaragoon muuqaalkeedii waxy u ekaatay islaan wayn  oo ayeeyo oo kale ah, dhabanada waxaa ka fuulay haraq madoow jirkediina wuu gurmay, aad baan ooga calool xumaadaa ninkii danbe kuma raagin oo markii uu arkay xaalkeeda halka uu marayo iyo sida ay nolosheedii isku badashay ayay kala tageen.



Cabdi yare wali waxay dhibka haysataa sidii uu nolosha caadigaa ula qabsan lahaa, xaalka hooyadiis waxay ooga sii dartay dhibkii haystay waxuuna noqday mid dagaal iyo macangag nimo ku sifoobay, marnaba ma helo qof u garaaba waayo maba lahan af garad, waxuu gaaray 17 jir waxaana laga soo warejiyay goobtii loogu tala galay in lagu hayo carruurta aan wali qaangaarin, nasiib darro Cabdi yare markii uu maalmo uun tir san joogay xaafadda hooyadiis oo noqotay goob lagu qayilo oo ragga iyo dumarku ay is dhex boodaan. Habeen habeenada ka mida waxaa xaafadda soo galay nin qamri soo cabay, muran iyo qaylo badan kadib waxuu ugacan qaaday Asli, Cabdi yare intuu ninkii la dagaalamay ayuu jikada waxuu kasoo qaatay mindi halkii ayuuna ninkii cabsanaa ku dhaawacay waxaa goobtii yimid ciidanka ammaanka police, gaadiidka gargaarka dagdagaa, Cabdi yare waxaa loo taxaabay xabsiga oo uu hadda ku jiro.



Sunday, 16 August 2015

             ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH  Q2AAD




  Asli warkii wuu gaaray, in Cali dal doorsaday, waxayna markiiba soo xaqiijisay gabadha uu guursaday Iyo in arrinku uu Dhab yahay, maba aysan sugin inta uu ka soo noqdo, ee waxay markiiba tagtay maxkamadda warqaddii furriinka ayayna dalbatay, haddana sii dhaqaaqdoo waxay u tagtay qolyaha qaabilsan arrimaha qoysaska, oo waxay u sheegtay, in ay ninkii iska furayso, oo guriga ay ku soo harayaan iyada iyo wiilkeeda oo kaliya, kuma qaadan asbuuc markii ay hawlahaas oo dhan kala meelaysay, caradeedu waa mid aad u saraysa.

Dumarkii ay daynta ku lahayd ayay ku war-galisay , Inay si dagdag ah iskaga keenaan lacagaha ay ku leedaha. Cid kala hadli kartaa ma jirto arrimaha iyada iyo Cali, oo oran kartaa waxani waa arrin  Rabbaani ah ee dulqaado, balse, kuwa la sii jiibiya ee yiraahda “Alla ma gabdhaadii sidii la ogaa u dadaali jirtay, ayuu naag la guursaday, oo haddana hantidii ay wada shaqaysteen ayuu qaaday oo mid aan u soo dhididin ayaa ku raaxaysanaysa! ” qofkaasi waa saaxiibka ugu wanaagsan ee Asli. Markii uu soo noqday Cali ka dibib seddex billood oo uu Safar iyo Aroos ku maqnaa. Cali wuu yimid waxuuse la kulmay, wax uu horayba u filayay, loona sii sheegay in uusan xaalku ahayn siduu ku ogaa, markani waa nabar AAD FILAYSO NAXDIN MA LEH maslaxo iyo waanwaan dhammatay, sidii ayay reerkii ku kala tageen.
Cali waxuu u wareegay Ingiriiska oo uu deeggaan ka dhigtay magaalada London.

Cabdi Yare waxaan ku iri; kaalay halkan soo fariiso, ii ​​sheeg habaryaro waxa aad sidaa u samayaysid? Waxuuse ii sheegay, in ay casharrada ku adag yihiin, oo uusan fahmin.
Maxaad macallimaddaada ugu sheegi waysay, maadaama iskuulka ilmaha waxii ku adag lagu baro saacado dheeraad ah, si baahidiisa loo Kabo?
Wuuse ii sheegay, inuusan taasna xiisaynaynin, waayahay, ee maxaa dan kuu ah habaryaro?
Seddex sanadood ayaa ii haray, ka dibna waan iska shaqaysan ayuu hadalkii ku soo koobay.
Oo haddadan waxbaran habo ma adigaa shaqo helaya? Sow adiga khaladkaan samaynaya maahan ee dukaanka alaabta ka soo xadaya.
Habaryaro maxaa waxaas oo dhiba ah kuu geeyay bal ii sheeg?  Waxuuse ii sheegay, in uusan doonayn inuu ii sheego arrimihiisa uusanna doonayn inuu halkan sii fadhiyo.

Cabdi yare hooyadii kaligiis ayay awlaad ka eeganaysaa, waa qalqaali dhib badan, haddana wuu qalbi wanaagsan yahay. Ma uu jecla in aad aragtid isagoo qalad ku jira. Asli iminka waa aroos waa guurkii seddexaad ah oo kanbeeyay Cabdi yare aabihiis.

Asli waa gabar xarrago badan, maradii soo baxdana dusheeda ayaa laga eegaa.
Waxay aad u dhexgashay aalladaha internetka, mar walbaa waa mashquul. Waxuu ii sheegay Cabdi Yare, in maalin dhaw uu ABTI ooga imaan doono Oslo Norwey, kaasoo ah ninka cusub ee ay Asli guursatay, kuma uu qanacsana oo waxuu dareensan yahay in hooyadiis ay ay waqtiga siinayso ninka guursatay. Waxay diyaarinaysaa xafladdii arooskeeda, oo dumarkii xaafadda ayay ku mashquulsan tahay sidii ay ooga soo gali lahaayeen arooska, waqti uma hayso ay kula xiriirto iskuulka iyo waxa ku soo kordhay xaaladda wiilkeeda, qofkii u sheegana waxay u qaadaa colaad iyo xummaan, reerkooda qaar badan isma salaamaan warna iskuma hayaan, wiilkeeda ay kaligiis carruurta ka haysato xaalkiisa iyo dhibkiisa midna ma shiiddaad uma hayso kamana murugooto.
Cabdi yare waxuu inta Badan maalintii la joogaa asxaabtiis marmarna wuuba la hoyadaa Asli iyadu wax dhiba umaba aragto.

Caawa waa habeenkii arooska ay dhiganaysay Asli waxaa meelo kala duwan ooga yimid marti si ay ooga qayb galaan arooska, qaar ninka ayay kala yimaadeenn Norwey qaarna waa Asli saaxiibadeed oo ay ku casuunta inay yimaadaan, goobta si fiican Ayaa loo qurxiyay cera modo walbaana ku dhan yihiin , bilowgii Iyo cayaartii ka dib waxaa soo Galay arooskii iyo aroosadii sidii hore si ka xamaasad Badan Ayaa markaan loo tumayaa heesahay iyo cayaartaba, dadku waxay ka soo wada kaceen kuraasta dumar badani waxay leeyihiin ''IgA leexo aan arko maxay xiran tahay' si loo ogaado bal aroosyadeedii hore iyo kan midkii ay heersarayso. Si aad u wanaagsan ayay ku dhammatay xaflladii, farxad iyo rayn rayn ayay u tahay Asli iyo saaxiibbadeed laakiin Cabdi Yare waxuu dareemay in aan cid danaynaysaa jirin. Caawa waxuu aaday hooyadii saaxiibbadeed oo lahayd wiilala ay isku da' yihiin si habeenkaas iyo kan ku xigo uu ula seexdo maadaama ay tahay labadii maalmood ee nasashada toddobaadka iyaduna ay aroos cusubna tahay.

Wiilka yar wuu aradan yahay ma haysto dhar iyo kab wanaagsan, waxaad ka dareemaysaa in daryeelkii ay siin lahayeen waalidkiis uu san helin Asli ma disho, oogadiisa wax dhib ah kama muuqdaan balse qalbigiisu waa mid dhaawac wayn gaaray, haddii aad eegto waxaad arkaysaa in uusan Kulaba joogin miyirkiisu oo uu ka fakaraayo noloshan iyo sidii uu uga bixi lahaa.

Cabdi yare saaxiibbadiis maahan ilmo wanaagsan waxay ku caanbaxeen dukaammo xadidda, waxuu marwalbaa la socdaa kuwo aad ooga wayn da’diisa, Asli umaba aragto wax halis ah maadaama uu waddankani yahay nadab, dhibka oogu wayn ee ay ka baqdaa waa nabadgalyo xumida, balse kama baqdo in dhibaatooyin jiraan mana ku baraarugsana, waxay in badan ku andacootaa in ay  ilmo yihiin oo ay maalin dhaw iska dagi doonaan markay waynaadaan oo ay caqlisadaan.
 W/Q Nimco Noor

Monday, 3 August 2015

 ILMADA CABDI YARE EEDDEEDA YAA ISKA LEH?




Waxaa labada dhinac ka taagan waardiyeyaal  dukaanka ilaalinayay, waxayna waydiinayaan, miyaad  samaysay danbigan? Na soo raac ayay yiraahdeen. Markiiba waxaan u dhaqaaqay xaggooda waxaana ku iri ’’miyaan idinla hadli karaa?  Waxay igu yiraahdeen ma adigaa dhallay?  Maya ayaan ku iri, kadib ayay igu yiraahdeen anaga ayaa xallinayna waadse mahadsan tahay’’  in cabbaar ah ayaan meeshii taagnaa waxaan eegayay bal sida uu xaalku noqdo, markii danbe ayaan is iri waqti baa kugu socdee danahaaga qabso.

Galinkii danbe abbaaro seddexdii galabnimo ayaan waxaan arkay hooyadiis oo taleefan ku hadlaysa waan u gacan haatiyay, wali waxaa qalbigayga ka guuxaya, tolow xaggee ku danbeeysay arrintii wiilka, ma waxay la hadlaysaa police ka  oo arrinkii ayaa loo sheegayaa. Xaggeeda ayaan u soo dhawaday mise af soomaali ayay ku sheekaynaysaa! Faraha ayaan kala hadlay oon ku iri teleefanka dhig balse waxay ii sheegtay inay sheeko fiican haysato kumaan qancinee waxaan ku iri waad ku celinaysaa ee bal in yar ila hadal way iga ogolaatay.

Waxaan waydiiyay xaaladda iyada iyo wiilkeeda waxayna igu tiri wanu fiicanahay  kulligeen, haye si dulmar ah ayaan ooga waraystay xaaladda Cabdi yare waxayna ii sheegtay inuu aad u wanaagsan yahay, waxaan is iri ma u sheegtaa ? Haddana waan baqay, waanse ku calool adaygay waxii dhacayaa ha ka dhaceene in aan u sheego waxaan ku iri ’’ maanta mar aan farmashiga ka soo iibsanayay dawo ayaan arkay wiilkaaga Cabdi yare oo laba nin oo waardiyeyaasha dukaanka ay sii wadaan ee miyaad ka warhaysaa sababta iyo danbiga uu galay, mase ku soo waceen police ka ?’’

Intay naxday ayay igu tiri;
''maya muxuu sameeyay?'' waxaan ku iri:  ''ma garanayo balse inta badan carruurta allabta dukaanka xadda ayaa qaabkaas loola dhaqmaa'' markiiba waxay igu tiri ''oo iskuulkii ma uusan taginn miyaa ? Iskuul inuu jiro ayaan moodayay'' waxay kaloo iisii raacisay in taleefankeeda uu yahay nambar cusub uuna yahay nooca labuuxbuuxiyo oo uusan diiwaan gashnayn wayna adag tahay in la soo helo mar haddii aysan iyadu diiwaan galin, balse haddii uu ahaan lahaa khadka caadigaa markaba waxaa fududaanaysa in waalidka la soo helo, tani waa dabeecaddeeda oo marka ay lacagta yar ka marataba way iska tuurtaa oo mid cusub ayay soo qaadataa, maadama aysan ku shubayn lacag oo sidani  ay u jaban tahay.


Waxaan ku iri dabcan waxaa kuu sahlan inaad tagtaa xarunta ciidanka police ka oo aanba sidaas nooga fogayn qaybteeda xaafadda. Sidii ayay samaysay oo ay arrinkii ku xalisay. Maalin kadib ayaan haddana ku arkay isla goobtii  Cabdi yare, waxaan waydiiyay sababta uusan iskoolka u tagin oo uu halkan u joogo ? Sharciga dalkan waa in ilmaha ay qasab ku tagaan iskuullada, haddii aysan sidaas yeelin waalidkuna ku guuldaraysto.

Hayadda badbaadada carruurta waxay ku ciqaabaan in qoyska laga wado oo la geeyo goob si qasaba uu ilmuhu ku tagayo waxbarashada, Cabdi yare waxaan ku iri ogow haddii aad sidan ku sii socotid oo aad waxbarashada sagsaagtid  macalimiintaadu waxay war galinayaan qaybta badbaadada carruurta iyo hooyadaaba, waxuuse iigu jawaabay hooyo ma ogaanayso oo maba la socoto waxa iskuulka ka jira, aad ayaan ooga xumaaday, oo aabbahaana miyaanu ogayn markaas ayuu igu yiri maya


Aabbihiis muddo laga joogo 4 sanadood  ayuu  kusoo guursaday gabar yar magaalada Muqdisha mar uu safar ku gaaray dalkii hooyo, taas oo sabab u noqotay burburka reerka Asli iyo Ali way wadda shaqaysanayeen waqtigii hore, dhaqalahooduna waxuu ahaa mid wanaagsan, waxay bishii dhigan jireen xoogaa dhaqaalo ah oo ay kaydsadaan si ay mustaqbal uga dhigtaan ama ay hanti maguurtaa ku iibsadan, haddii ay ku noqdaan dalkii hooyo  si ay hanti uga horayso.  Asli  dhanka kale waxay guriga ku iibin jirtay allabo yaryar oo ay Dubai ka keeni jirtay, noloshoodu waxay ahayd mid aad u wanaagsan

Farxadda iyo bulsho nimada ka so koow Asli waxay ahayd gabar nadaafad iyo xarrago meel dhigatay, martida iyo dadka wax ka iibsanaya waxay ka soo baxaan gurigeeda iyagoo ka maqsuudsan qaabka ay u agaasinto soo dhawanta macaamiisheeda, waxay ka shaqaysaa meesha waayeelladda lagu daryeello, mushaarkeedu waa mid fiican guriga ay daggan yihiina kiradiisu ma ahan mid qaali ah, Cali isaguna sidoo kale waa darawal, oo waxuu wadaa gaadiidka dadwaynaha ee magaalada gudaheeda ka shaqeeya, Safarkii uu ku tagay dalkii hooyo waxuu ujeedkiisu  ahaa inuu reerka usoo iibiyo aqal ay hanti ka dhigtaan, muddo markii uu Cali Xamar joogay oo uu soo dhameeyay hawshii loo xilsaaray, waxaa xaafadda soo galay hadallo iyo xamxam ahayd inuu Cali gabar yar ku guursaday Muqdisha, anigu qof ahaan maan aaminin, inkastoo raggu damac ka dhammaan haddana Cali  waxuu ahaa nin reerkiisa ku qanacsan, oo aan hawaysan xataa dumarka xaafadaha daggan maahayn nin dhacdhaca oo af dheer markuu dariiqa marayo indhihiisa hoos ayay u badnaayeen.  Kulayl iyo fariid nimo Asli uu ku ogaana wuu ooga gabban jiray dumarka magaalada oo wuu ogaa inay balaayo dhicayso haddii uu ku dhiirado inuu halkan wax ka raadiyo, maadaama uu ilmo wiil kaliya ka dhalay, dhaqanka Somaliduna yahay in reerku carruur badan dhallaan.

Lasoco qaybta labaad.
Qoraalka lama qori karo, lamana daabacan karo, lama beddeli karo amar la,aan.

W/Q  Nimco Noor



Monday, 22 December 2014

Guurka gabdhaha yaryar xal mise xorriyodoon

      GUURKA GABDHAHA YAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

  


Bulshooyinka adduunka ku nooli waxay soo mareen marxallado kala gooni ah iyo heerar kala duwan oo saamaysay noloshooda, mid walbaana ay la jaan-qaado hadba duruufta jirta iyo waqtigu sida uu yahay.
Haddaba bulshadeena Somaaliyeed iyo guurkooda waa mid caynkee ah?  Waxaynu leenahay xeerar iyo wadiiqooyin aynu u marnno markay timaado in reero ay xididaan. baahida iyo daruufaha  oo kala duwan dartood guurku wuu noocyo badnaa.

Marbay gabdhuhu u guursan jireen reerkooda oo cayr ah siday hanti u heli lahaayeen,waxayna raadsan jireen nin aysan jeclayn balse ay dhaqaalo ugu xillato, qaarkale guurkoodu waxuu ahaa mid aabbeheed uu siiyo oday ay saaxiib yihiin oo uu xoolo ka qaato, kuwo waxay naftooda u doorbidi jireen nolosha oo ku adkaatay darteed, inay hesho reer ay leedahay oo ay dhibka kaga nasato.

Qaarbaa lays dhaafsan jiray si beello is laayay colaadoodu ay u danto oo halkaasi ay nabad uga dhallato loo bixin jiray. Sidoo kale guurka qaarkiis waxuu ahaa dummaal ama xiskiisan, balse waxaa jira  qayb si ka wanaagsan intaas isku guursada oo iyagu is calmada, calafka iyo nasiibkoodu usaamaxo nolol farxad leh.

Waqtiga oo is bedelay darteed waxaa inagu soo siyaaday dhaqamo ka baxsan kuwii ay waalidkeen innagu soo koriyeen, waxaa dhacay dagaallo iyo qax, waxaynu nimid dhul aad ooga fog halkii aynu ku dhallanay ee Rabbi inagu beeray, bad-waynta ayaynu dhex hafanaynaa, way midabo badan tahay oo mowjado ku xoog badan tahay. Marbaynu ku hafannaa hirkeeda marna waynu yara neefsannaa, dhankastaaba dheeligu wuu inaga jiraa dhaqan iyo diinba, guurkii is bedal oo ka tag halkii uu ahaa  tobaneeyo sanno ka hor, da'dii lagu guursan jiray halkan  qurbaha waa ka mamnuuc oo maba laga ogola.

Haddana saas oo ay tahay waxaa soo badanaya in gabdhaha yaryar ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ay ku guursadaan da' yar marka loo eego waddamada ay nu joogno hablaha u dhashay. Waxbarashadii horay uma sii wataan oo dhex ayay kaga haraan intooda badan, guurkana kuma raagaan oo si dhaqsaa ayuu reerkii ku dumaa!

Miyaan is waydiinay maxaa sababay arrinkaas, maku fikirnay sidaan xal ugu heli lahayn oo aynu baaritaan u samayn lahayn?
 Mushkilada ugu wayn ee sababta guurka xalka ay ka raadinayaan gabdhaha yaryar waa waalidka dhallay, sababtuna waxay tahay dhawr arrimood oo aynu ku dhaqano balse aan la jaan-qaadi karin nolosha dhabtaa ee aynu dhex joogno, gabadhan yari waxay la kortay mid iyad aynigeeda ah, waxaa lagu koriyaa inay leedahay xuquuq iyo argti ay wax ku doonto waxna ku diido, reerka dhexdiisa waxaa ka jirta caddaalad iyo sinnaan aysan ku kala sarayn iyada iyo walaalkeed, reerkoodu waa qoys kooban oo ma dhallin carruur tiro badan, waxay heshaa waqti ay ku aado hiwaayadeeda hadba nooca ay iyadu xiisayso.

Balse gabdhan Somaaliyeed  hooyadeed waxaa lagu soo koriyay;
Naayaa walaalkaa dharka u dhaq!
 Naayaa gabar fiican noqo oo hadhow reerkeeda ku filan, ninka ku guursada yuusan igu kaa caayin oo uusan oran ''yaa soo koriyay''?
Waxay guriga hooyadeed kasoo baxday iyadoo aaminsan; Cilmi naageed jikaa u danbayn!
 Sidii oo kale waxay billaabaysaa inay ku carbiso gabdhii yarayd ee ay badda mawjadaha badan ku dhexdhashay;  Naayaa guriga iiga shaqee gabar baad tahaye!
Xaggeed aaday, yaa kusoo wacay?
Cunuga kaa yar sii ahay!
Jikadaas oo aad nal ka dhigtayn aan imaado!
Ma jirto wax hiwaayad ah oo ay aadayso aanka ahayn dugsiga Quraanka iyo iskuulka. Balse walaalked waxuu u ciyaaraa koox qaali ah aabbe iyo hooyo way ku faraxsan yihiin in uu noloshiisa dhisto ilayn waa wiil ee, toddobaadkii dhawr jeer waxuu aadaa cayaar, dabbaal iyo kubbada, markuu dumarka gaalada kula dabbaalanayo barkadaha dabbasha wax danbi ah maahan waayo waa wiil.



       Sawirka: Plan.fi


Gabadhii yarayd markii ay tagto iskuulka waxaa loo aqrinayaa cashar ah in la siman yahay wiil iyo gabar, hawsha guriga, aadista hiwaayadda iyo guud ahaan nolosha oo dhan. waxay si hoose u waydiinaysaa saaxiibadeedii ay fasalka wada dhigtaan qaabka ay u nooshahay?  Halkaasna waxay ka ogaanaysaa in dulmi uu ka jiro qoyskooda oo aan loo caddalad falin, hooyadeed waxay dhashay toddoba ama sideed carruura iyadaana u wayn ama wiil baa ka wayn.

Waxay ku koraysaa ciil iyo cuqdad, marwalba waxaa niyadeeda ku jira mar yaa ka nasta hawshaan iyo buuqa ilmahaan, goormaad kaligaa taleefashin xor ah daawan doontaa oo aad gurigaan ka tagi doontaa.

Waa suurto gal ah in aysan helin hadal macaan iyo in la tuso jacaylka ay u qabaan waalidkeed, ammaan iyo niyad dhiskuna uu aad u yar yahay, hooyadeed kama ahan nacayb iyo xummaan midna balse dhaqankii iyada lagu soo koriyay ayaa ah sidaas. Gabadhan se waa ka duwan tahay dhaqan iyo aragti labadaba oo waxay aamin san tahay in xaqeedii lagu tuntay, mana doonayso inay waalidkeed ku caasido. Markaas waxaa abuurmay farsamo ah in  gabadhu ay reerkoodii oo jecel samaysato nolo ka fudud midan kan shido yar oogana nasiino badan, waa maxay waa inay ku fekertaa guur iyo inay keensato wiil ay is rabaan runtuna ay tahay ku naso, maahan  guurku xaqiiq waase xal. Muddo yar ka dib wiilki iyo gabadhii yaraa way kala boodeen oo layskumaba sii nagaan.

Haddaba waalidoow runtu waxay tahay aynnu caddaalad falno, wiilka iyo gabadha aynu isku si ugu qaybino hawsha, hiwaayadda iyo waxkasta oo noloshooda ku saabsan. Waxii diinteenu aysan ogolayn labada dhanba aynu ku dhiirano in aynu ka mamnuucno oo aysan noqon dhib malahan waa wiil!

Gabadhaada ku beer jacayl oo tus qiimaha ay agtaada ka leedahay si hadhow ay nolosheeda u noqoto mid aan dhallanteed kaaga dhuuman, gabar iyo wiilba waxay u bahan yihiin in isku si looga dhiso nolosha waayo isba berri aabbe ayuu noqon.
Ha lahaato han ayku fekerto nolol rasmi ah iyo heer waxbarasho in daruuf iyo xannuun yimaado mooyiye aysan si kale ooga niyad jabin, ku boori kuna caawi inay noqoto mid ku qabwayn nolosheeda fahansana qiimaha guurka ee aysan u arag xal ay kaga tagto gurigan iyo dhibkiisa.

Waan hubbaa in waalid badan oo wanaagsan fahansana caddaalda ay inagu jiraan oo dhisa niyadda iyo qalbiga gabadhooda. Haddi ay jirto in aan khaldamay waa aragtidayda ii gaarkaa iyo ogaal badan oo aan qabo, talo iyo tusaale walaal kam maarmo iigusoo dira ciwaankayga.



W/Q Nimco Noor

Tuesday, 7 October 2014

Da' yarta qurbaha iyo qamriga

Qamrigu waa shay si dabiici ah u baddala dabciga iyo fahanka qofkastaa oo isticmaala da' kasta iyo marxalad kastaa, waxuu leeyahay ur iyo siifad u gooni ah, marka laga soo tago waxyeellada uu u gaysto dadka caba, haddana waxaa jira dhibaatooyin u gaar ah dhallinyarada.

Burburkii ka dhacay Somaaliya waxuu sababay in bulshada u kala hayaanto daafaha caalamka, muddadii uu socday dagaalkii sokeeyey iyo wixii ka danbeeyay. Waxaa dhashay carruur badan kuwaas oo ku dhashay meello aad ooga durugsan halkii ay ku dhasheen waalidiintood iyo deeggaannadoodii.  Durugsanaantaasi kuma koobna oo kaliya cabbirka fogaaansho ee uu u jiro dalkoodii hooyo. Balse waxa jira kala  fogaansho dhinacyo badan ah, sida; diinta, dhaqanka iyo caaddooyinka.

 Waa wax jirta in qofkastaa oo nool uu soo maro heerar kala duwan noloshiisa, taasoo uu kala kulmo dhibaatooyin iyo waayo aragnimo xusuus ku reebta noloshiisa, mararka qaarna uu jeclaysto in waqtigu uu dib isu celiyo si uu u saxo wixii uu horay u khalday. Marxallada dhallinyaro nimada waa mid ay da' yartu ku jiraan nolol heehaab ah oo ay ku dul sabeeyaan adduunka iyo waayihiisa, sidoo kale waa mid wax walbaa ay sahal la yihiin,  iyagoo ku qiimeeya in wali waqti u dhiman yahay, goor kalena ay ka faa'iidaysan doonaan.

 Kolkaas waxay u baahan yihiin u waayeelayn, hogo-tusaalayn iyo in lagu baraarujiyo in waqti walbaayi uu leeyahay dhibkiisa iyo waxyeeladiisa, sidoo kale dheeftiisa iyo guushiisa, ayna habboon tahayna in looga faa'iidaysto xilligiisa.

Haddaba carruurta Somaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha maxaa u gaar ah oo noloshoodu ay ku sugan tahay ? Miyaynu is waydiinaa inay qabaan dhibaatooyin iyaga u gaar ah oo aysan ku helin wax garab iyo gargaar ah ? Hadday ahaan lahayd waalidkii dhallay, walaalihii la dhashay iyo guud ahaan bulshada uu kasoo jeedo farac iyo asalba.


 Waxaa u gaar ah dhibaato aad u baaxad wayn oo ay yar tahay cid ku baraarugsan! Dhibaatooyinkaas oo ah kuwo badan oo aan qoraal iyo laba toona lagu soo koobi karin waxaan isku dayi doonaa idanka Eebbe bal in aan in yar ka taabto Qamriga iyo dhibka uu ku hayo dhallinyarad Somaaliyeed ee ku kortay ama ku dhalatay qurbaha.

Dhallinyartani waxay la koreen oo ay ilaa yaraantoodii la qabsadeen carruur ay soo wada barbaareen kuwaas oo ka duwan dhaqan, diin iyo caado intaba, ilmaha Yurubiyaanka ah ee u dhashay waddamadan aynu qaxooti nimada kusoo galnay, marka uu gaaro xilliga baaluqa, waalidkiis waxay kala sheekaystaan waxii kusoo kordhay noloshiisa iyo qaabkii u u maarayn lahaa. Waxay la socdaan hadba xaallada uu marayo baahidiisa qof ahaaneed, dhinaca jinsiga iyo dhanka cabitaanka Qamriga maadaama ay ku cusub tahay oo yaraantiisii carruurnimo laga ilaalin jiray.

Intaas kadib waxaa lagu layliyaa sidii uu u isticmaali lahaa cabitaanka Qamriga isagoo leh xad go'an oo uusan ka badsan karin. Sidaas si lamida waxay u diyaariyaan meel ammaan ah oo uusan wax dhibaato ah kala kulmayn,waxayna ku magacaabaan  ( CABITAANKA AMMAANKA )  wuxuu dareemaa cabsi la'aan, cannaan la'aan iyo inuu waqtigani yahay waqti uu nasanayo, intaas kadib isaga oo aan wax cabsi iyo walwal ahi ku jirin ayuu waqtigiisa kale sidii si lamida waxuu ku cabbaa jawi daggan iyo walwal iyo cabsi la'aan, waxaa loo kala saaraa oo ukala soocan waqtiga uu cabayo, marka uu shaqaysanayo ama waxbaranayo. Kuwaasi waa ilmaha Yurubiyaankaa.

Waalidiinta Somaalida qaar badan oo kamida  kuma baraarugsanain in ilmaha looga digo dhibka uu leeyahay Qamriga,   marka laga reebo tiro yar, kuwaas oo ah dad cilmi diini iyo maadiba leh oo fahansana,  caafimaad ahaan, dhaqaalo ahaan iyo qof  ahaan sharaftiisa bulshadeena dhexdeeda. Xirirrikii oo yar dartiis waxaa adag in aynu la socono xaallada ilmaha iyo isbadalka ku dhacay.

Waalidka Somaaliyeed dhaqan ahaan waa in ilmuhu ka danbeeyo oo uusan hadalka la goos goosan khalad iyo saxba! Haddii ay hooyadu khaldan tahay ama aabbuhu waa in ay iyagu uun hadlaan, mana siiyaan waqti uu in ilmuhu uu iskaga difaaco eedaynta loosoo jeedinaya iyo cannaanta, sidaas darteed waxaa la baray oo uu la qabsaday (WARYAA AAMUS ) ma annaad igu soo af celinaysaa! Taasi waxay sababtay in uusan iska difaaci karin hujuunka kaga yimaada saaxiibadiis iyo isku dayga ah inuu sameeyo rabitaankooda, waayo waxuusan baran difaaca naftiisa, waxaa ka maqan kalsoonidii qof ahaaneed. Waa wax fiican in la baraa cisada waalidka balse waa inuu awood u leeyahay inuu iska difaaco weerar kastaa oo ku saabsan dhanka fikirka.



Taasi waxaay sababtay in ilmihii uu ku dhaco ( LABA DARAN MID DOORO ) Mid waa dhallinyaradii ay isla soo koreen oo isku marka wada hanaqaadeen oo ku cadaadinaysa inuu mar uun dhadhamiyo Qamriga iyagoo doonayo inay ka saaraan dansanaanta iyo kalinimada waqtiga ay cabayaan si uusan ooga baxsanaan oo ay uwada noqdaan koox midaysan.

Mida kale waa caddaadis ka haysat waalidkii oo dhaqan iyo diin ahaanba  xaaraan ka ah inay cabbaan Qamriga, intaas kadib, gabadhii ama wiilkii dhallinyarada ahaa waxay cabaysaa ama uu cabbayaa isagoo ah mid walwal iyo cabsi ku cabay waxuu ka fakarayaa inuu la kulmi doono dhibaato wayn oo waalidkiis ay cayrin doonaan ama dilidoonaan maadaama uu ku kacay wax ka baxsan dhaqankooda iyo diintooda oo qoyskii laga takoori doono. Mar waxuu diidayaa inuu lumiyo saaxiibadiis, marna waxuu diidayaa inuu lumiyo qoyskiisii! Maxaa xal ah?

 Haddii uu qirto waxaa halkaas ku go'aya xiriirkii macaanaa ee kala dhexeeyay hooyo,aabbo, walaal iyo guud ahaan bulshadii uu ka dhashay. Markuu ka horyimaado ma helayo cid si faraxsanaan ku jirto iyo waji furan u salaanta oo dadku way ka waji dadbayaan.

Haddii uu saaxiibadii ku gacan sayro waxuu noqonayaa doqon la mid ah sabiga xoolka ( sariirta nuunaha) ku jira oo aan naftiisa kalsooni ku qabin, kolkaas wuxuu ku qasban yahay inuu bal karti iska raadiyo oo uu maalin uun cabbaa si uu uga sii mid ahaado saaxiibadiis. Marka uu billaaabo cabitaanka Qamriga ma jirto cid ka xadidaysa oo u qiyaasaysa, waxuu dhammaa qiyaas tankiisa ka badan, kadib walwalkii iyo cabsidii qalbigiisa ku jirtay darteed ayuu noqdaa mid xannaaq badan oo dagaalama oo gardaraale ah ( aggressive) Intaas kadib ilmihii waxuu isku  arkayaa mid qoyskii ka fallaagoobay.Mana jirto kalsooni ah in uu helayo cid u naxariisata danbigiisana ka cafisa.

Halkaas waxaa ka dhallanaya burburka iyo mustaqbalka oo luma ilmihii oo niyad jaba, isuna arka mid aan adduunkani nolol u oolin. Waxuu ku dhaqaaqayaa wax kasta oo uu u arki jiray danbi waayo waxuu qirsan yahay inuu isagu danbi ka wayn galay.

 Runtu waxay tahay in aan la dayicin lana fogayn balse lagula tacaalo dhiiri galin, lana tuso  in nafluhu uu khaldamo, kana soo noqdo, haddii ay dhacdo in aad ilmahaaga kala kulantid wax aadan ku qanacsanayn waalidoow ku qanacsanoow inaadan shaydaanka usii eryin,oo aadan  ka dhigin mid fallaagoobay balse aad soo dhawaysatid lana midowdid si uu kaaga helo kalsooni. Taladu Alle ayay ag taal Illahay awlaada haynoo xafido, adiguna dedaal waalidoow.

W/Q: Nimco Noor



Thursday, 19 June 2014

Somaalida iyo Xiddigiska.

Cilmiga xiddigiska ee Somaalidii hore, waxaa habboonaan lahayd in la uruuriyo intii laga awoodo ee wali raadkooda la hayo. Qaabka ay u odorosi jireen Meereyaalka kuna saadaalin jireen maluugta cirka, iyo qaabka ay u sharaxaan cirbixiyeenada maanta ee casriga ah waxbadan ayay iskaga egyihiin.


 Xiddigiskii hore ee Somaalidii waxay odorosi jireen halka uu meeruhu joogo iyo siday ukala fadhiyaan, iyagoo ku lamaanin jiray burji ay ku astaamiyaan bahalo, xawayaanno iyo ugaarta qaarkeed. sida burjiga dibqalooca, burjiga sagaarada iwm. Waxay ukala saari jireen, maalinta ,moorada, iyo meeraha, sidaas si lamida haddii meereyaalka qaarkood iyo burjiga qaar ay sannadkaas wada fadhiistaan saadaal ayay ka muujin jireen sandkaas iyo waxii uu la imaandoono.

Tusaale;


saadaasha sannadka cusub ee 2014 wuxuu ku curtay meeraha ay Soomaalidu u taqaan Jilboole ( Uranus), dadka xeel-dhaarayaasha dhinaca saadaalinta waxay odhan jireen haddii meeraha sanadku uu ku curto meeraha jilboole waxa la filan jiray inuu lee yahay fursado badan oo u baahan in laga faaideysto, meeraha Jilboole, meeraha Saturn ee ay Somaalidu u taqaan (Raage)wuxuu ku dadaalayaa raadinta biyaha ee burjiga scorpio iyo rabitaanka Pluto wuxuu ku noqon doono.

  Maalinta berri ah, dhanka waddamada reer galbeedka ah waa maalin fasax taasoo ku salaysan munaasibad diimeed, iyadoo ay dab shidayaan sidaas si lamida ayay Somaalidu cilmi-falaga ugu aadin jireen ( Nawruushka ) oo ay ku faystayn jireen, waxaana la sheegay in asalkiisa laga soo minguuriyay Iiraan.

Tirsigani wuxuu bilaabmaa habeenka Dabshidka (Naw ruushka) , oo ah habeenka kowaad ee xilliga la yidhaahdo Seermowaydo . Waa hab tirsiimo oo waagii hore laga isticmaali jirey gayga soomaaleeyd.
Dabshidku waa halka ay ka unkanto xisaabinta iyo kala xadaynta xilliyada sannad qorrexeedka, saadaalinta
cimilada, hawada iyo roobka. Waa habkii reer guuraagu ku go’aamin jireen waxyaabo badan oo noloshooda ah
(sida guuritaanka, hayaanka, in adhiga maqasha laga xidhxidho, in sumalka idaha lagu sii daayo, iyo in b
aarqabka geela lagu furo, ama habeenkaa looba tu’iyo, iwm.)

F/G: 
Qayb kamida qoraalkan, waxan kasoo xigaty qoraallo hore

W/Q : Nimco Noor
 

Sunday, 1 December 2013








Dawo-Dhaqameedka Mingiska (Saarka) Iyo Marin-Habaabinta Bukaanka! W/Q Nimco Nuur


 Saturday, November 30, 2013
Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha






Bulsho kasta waxaa ay leedahay caadooyin iyo dhaqamo u gaar ah ama ay la wadaagto dad kale oo uu ka dhexeeyo midab, diin, af ama degaan. Haddaba, qaybo ka mid ah bulshada Soomaalida ayaa aaminsan Mingis, Saar, Boorane, Ayaaman, Goobile iyo Wadaado; kuwaas oo kolba sida dantu  ugu oggolaato isku dabiiba dawo-dhaqameedka Mingiska

 Run ahaantii, dadka aaminsan Mingiska waxaa ay u badan

  yihiin haween, taas oo la xiriirta baahida nafsiyadeed oo ay dumarku u qabaan in ay haqab-tiraan oon ku gedaaman jamashadooda iyagoo haddii loo fuliyo durbaba dareema caafimaad iyo firfircooni degdeg ah. Sidaa awgeed, is-weydiintu waxaa ay in la ogaado sababaha bukaanku u dareemayo inuu baxnaano iyo bogsasho ka helay Galahii Mingiska.


Duulasha laga tumo bukaanka waxaa loo sii kala saaraa, shar-wadayaal iyo samo-wadayaal iyadoo Mingisku ka mid yahay Shar-wadayaasha oo sida la qabo dhibaato ku keeni kara qofka aaminsan haddii aan loo yeelin sida uu rabo ama aan laga tumin. Dhinaca kale, Ayaaman (Ayaana) ayaa ka mid ah samo-wadayaasha kaas oo dadka la dhaqmaa ay  aaminsan yahiin inuu ka soo waxyoodo khayrka. Kuwa Ayaamanku weheliyo waxaa ay ku doodaan in ay leeyahiin Garab-daar u soo tebiya samaha waxaana ay jecel yahiin in loo dhego nuglaado taladooda. 

   
Mingis
Mingis ama Saar waxaa uu u qaybsamaa noocyo badan sida Maamma, Akhaambush, iyo Fiqi Burraale, hase ahaatee, guud ahaan, si isku mid ah ayaa looga tumaa bukaanka. Mingisku waxaa uu ka siman yahay in lagu daaweeyo qaabka cilaajka (therapy). Waxaana bukaanka loo goleeyaa fagaare looga tumo. Galaha Mingiska waxaa shardi ah in uu kulmiyo qoddobo aasaasi ah sida:  


1.      Caraf ama udug
2.      Dhar qurux badan
3.      Ciyaar iyo booddo
4.      Heeso lagu ladho luuq (laxan),  jiib iyo Jaan
5.      Dheef ama cunto dhadhan fiican

1: Isku Daweynta Carafta ama Udugga (Aromatherapy)

Uduggu waxaa uu abbaaraa maskaxda taas oo keenta firfircooni iyo in ay naftu si dabiici ah u hesho dabacsanaan. Bukaanka waxaa ka dheefaa kalsooni, waxaana uu dareemaa, maalintaas, nadaafad dheeraad ah iyo xarrago uu filayo inuu ku soo jiidan karo dadka. Qof kasta oo fadhiyaa ama ka soo dhowaada raarta Golaha waxaa uu sanka la raacaa udgoonka ka soo khamkhamaya Jaawiga, Cuudka, Canbarka  iyo Cadarrada ay ka mid yahiin Shinbiraale, Fur-case, Rifdoon iyo Maawerad.

2.      Ciyaar iyo booddo (Folk dance)
Ciyaarta iyo booddada oo ah nuxurka Galaha Mingiska, cilmi ahaan, waxaa laga helaa awood dheeraad ah ka dib marka la dhaqdhaqaajiyo murqyada waawayn ee garbaha iyo surka. Isla markaana, bukaanka loo duuggo qoorta. Waxaa debca ama yaraada  tigtignaanta, welwelka iyo walaaca kuwaas oo keena inuu hoos u dhaco qulubka (depression) ka dhasha qoonsiga iyo cabursanaanta maskaxda. Sidaa darteed, maskaxda waxaa ka soo burqada dheecaanno lagu lammaaniyo farxad, rayrayn iyo yididiilo


3.      Isku daweynta Heesha (Song therapy)
Heesaha Mingisku waxaa ay dhammays u yahiin baahida bukaanka ka dib markii uu ku soo lebisto dhar qurxoon oo galaha bacda looga jaray, jawi carfoon iyo iyadoo galaha loogu birreeyay xoolo loo loogo munaasibadda
  

Soo degee, Soo degee, Saarkii la ogow, Soo degee                                                
Waxuu doonayaayoo  doonayaa
Aqal daahyo weyn  Buu doonayaa
Waxuu doonayaa  
Daylooy Laxdii buu doonayaa
Waxuu doonayaa  
Deewaali Xariir buu doonayaa
Soo deg, Soo deg
Waxuu diidayaa     
Dood iyo dagaal buu diidayaa
Aqal daldalooluu diidayaa          
Soo degee sarkii duleedow soo deg.

Heesahu waxaa ay qayb ka yahiin dawo maskaxeedka cilmi-nafsiga. Waxaana lagu ladhaa jiib, jaan iyo luuq u gaar ah. Sacabka, jaanta iyo heesku waxaa ay suuro-geliyaan in uu bukaanku ku cabirro kolba marxaladahii uu soo maray, iyo xaaladahii la soo dersay. Xusuusta hummaagga waxaa saleeya  belwadda (hiwaayadda) qofku u yeelan karo fanka taas oo si joogta ah u garab socota noloshiisa oo dhan. Waxaa la og yahay in la qabatimo tumista haddii qofku uu laabta ka jecel yahay shiribka, heesaha iyo digriga. Sidaa darteed, bukaanku, waxaa gala dareen uu ugu hiloobo tumista tasoo keenta inuu si qotto-dheer, isla markiiba, u la jaan-qaado ciyaarta, heesta iyo jiibta.

 4.      Cunto macaan iyo haddiyado (Good food and gifts

Dhinaca kale, cuntadu iyana waxaa ay qayb ka tahay daweynta bukaanka iyada oo uu dareemo in la daneynayo, in loo huray hanti iyo in dhiig loo daadiyay dartii. Waxaa uu mahadiyaa inuu ka soo dhex baxay bulsho u durraysay ama ku takooraysay tabashadiisa. Si la mid ah waxaa aan meesha ka maqnayn kaalinta cuntada ka qaadato tamarta suuro gelisa ciyaar iyo booddo aan kala go? lahayn. 




Ugu danbayntii, bukaanku waxaa uu, maalintaas, fasax dheere u helaa waxa kasta oo uu maanka ka jeclaa sida sigaarka, buuriga badeecadda iyo qaadka. Si kale, haddii loo eego maalintaas waxaa fasaxan Mingiska iyadoo loo tumayo loona oofiyo wax kasta oo laga la ballamay

F/G: Qoraaga qormadan waxaa ay taageesan tahayn aragtida Diinta Islaamka oo si qeexan uga soo horjeeda in la aamino Mingis, duulal iyo Jin. Qoraalka waxaa looga gon leeyahay in bulshada lagu wacyi geliyo iyo in wax-ma-garatada loogu iftiimiyo sababaha keena bukaanku inuu si ku meel gaadh ah u dareemo caafimaad marka uu ka soo tumto Golaha Mingiska.




    
Nimco Nuur
hoooyosuuban@gmail.com