Saturday 20 July 2019

ILLINTII QARSOONAYD Q:1AAD



                          

Waxaa dultaagneyd habar gafuurku u duuban yahay, gacantan ku haysatay taleefan qanax ah.
Mar qura ayey sidii qof waashay kor u boodey, qaylana afka furatay.
"Xageen joogaa!
Xageen joogaa!?" Ayey ku celcelisay, balse habartii wajiga duubnayd ayaa dhulka ku celiso, oo af carabi ku tiri "is deji, is deji."

Xaqiiqsatay in ay joogto meel aysan aqoon.
Indho miskiin oo madluun ah ayey ku fiirisay oo hareereheeda marba dhan jaleecday, xagga iyo xaggaba jeedaalisey waa cid iyo ciirsibeel aysan dad iyo dal midna aqoon, ehel iyo xigaal midna warkeed ma jiro.

Af carabiga si fiican ayey u taqaan, balse halkaas midka halkaas looga hadlayey wuxuu u badnaa afguri.


Habartu waa mid dheer oo caato sogsog ah. Gacan seed ah oo xoog badan inta dhudhunka ooga qabatay ayey soo dhifatay, wax cad oo aargalaan ku jirey afka u saartay.
Hal mar markii ay dhunjisey oo neef yar ka soo baxday ayey dhadhansatay wixii ay liqday.
Waxay garan la'a dahay waxa ay cantuugtey koleey ciir maahan oo waa ka cultus yihiin, abbooyoow maxay yihiin waxaan dhanaan ayey qalbiga iska leedahay?


Labadaan indhood oo ku soo murgaxanna baqdin weyn bay ka qabtaa oo rag iyo dumar wuxuu yahay qofku uma kala caddayn. Cabbaar markii ay ku dheygagsanayd oo aysan libiqsi lahayn, habartii  ayaa dareentay in ay ka baqayso, si ay cabsida ooga bi'iso oo u tusto in ay tahay qof dumar ah  gafuurkii ayey ka qaaday maradii weyneyd oo ay boorka iyo siigada kaga daboolatay.


Markii ay marada wajiga ka rogtay ayey dhoolo caddeysay.
Habartu labada ilkood ee kore iyo kuwa hoosaba waa ka maqan yihiin, markeedii hore na af ballaran oo cirid weyn iyo ilko dheerdheer ayey u dhaltay, da'a iyo macluulina waa u dheer tahay.







Boqran oo awalba cabsi iyo walwal uu hayey ayaa ku qarracantay muuqaalka habarta. Waxay isku dayday in ay cararto, balse gacameheedii seedda ahaa ayey ku qabatay oo tiri "ha baqin ee fadhiiso!" 
 Maba carari kartee, haddii ay isku deyi lahayd tabar iyo awood midna ma jirto oo toddobo caanomaal ayey saxaraha soo habaq lahayd.
Naftu waxay leedahay koleey wey ku qalandoontaa oo noolaan meysid ee shihiid oo wax uun filiglee.


Buulka habartu ay deggen tahay geesaha waxaa ka laadlaada maryo baati ah, kor waxaa ooga xiran guntiino Aliindi ah. 
Sidii in ay bar aqootay qofkii lahaa dharka ayey ku qaylisay
 "Yaa lahaaa dharkaan!?
  Aaway dadkii lahaa dharkaan?
  Miyaad qalatay oo hilibkooda ayaad cuntay, sow sidaas maahan?
Habaryahay bahalka u eg oo dadqalatadaa!" Oohinna aflabadiis yeertay!
Iyada oo aan tabar iyo taag midna hayn, is na leh koleey caawa gaari meysid ayey habartii gacanteedii aq'da ahayd oo taagta darnayd ku garaacday.
Habartii markii ay dhawr jeer iska qabatay gacantaan awoodda yar oo ay ku tiri "jooji ha ii gacanqaadin!" Waa tan inta carootay dharbaaxo ku jiiday oo dhulka la dhigtay. Boqran markii ayaa miyir oogu dambeysay.


Waxay soo naaxday iyada oo habeen madoow ay tahay. 
Habartii, laba gabdhood iyo wiil ay dhashay oo maalintii ka maqnaa ay soo hoydeen oo casho dabka u saaran tahay. Waxaa shidan qoryo qiiqi iyo olol badan, bur la hogeeyey suuntiisa ayaa u soo urtay.


Boqran markii ay miyir doorsoomeysey, waxay ogoyd in ay maalin ahayd oo habar ilkuhu ka maqan yihiin ay ag joogtay.
Qaylo ayey afka furatay iyada oo leh
 "Yaa Allaah i badbaadi!
Yaa Allaah i badbaadi!"

Habrtii inta soo ruqaansatay ayey ku tiri "Allaah Kariim xabiibti, Alxamdulillaah cala salaamak" Ujeedka habartu waa in ay ku faraxday soo naaxidda ay soo naaxdey oo Ilaahay soo nabad kiciyey oo aysan sidii ku dhiman.
Laba barida kal war la'a e Boqran waxay nafta u sheegtay in dabka shidan uu yahay midkii iyada lagu karin lahaa. Intii ay nafta quus u sheegeysay, ayey habartii koob biyo ah iyo cad bur duban ah siisay oo ku tiri "Alxamdulillaahi habiibti cab biyahaan, burkana gooso"
Boqran xoogaa kurbadii rajobeelka ahayd ayaa ka yaraatay, koobkii biyaha ahaa ayey ka qaadatay oo ku tiri "shukran"
Ninkii ay habartu dhashay ayaa u soo dhaqaaqay meeshay ay fadhiday weydiiyeyna "ma ku hadashaa af carabi?" Iyada oo baqdin ku jirto ayaa tiri "haa waan ku hadlaa"
Ninkii ayaa ku yiri subaxdii ayaan ku geyneynaa meel ay joogaan dad madmadow oo sidaada oo kale ah, balse intii uu hadalka waday ayey mid walaashiis ah tiri "Kamaal tan aniga ha ila joogto, anigaa u baahan ciidan"  Habartii ayaa u raacisay 'subaxdii ayeynu ka tashan waxa aan ka samayn doonno'.
Boqran caad kama saarna in ay gashay gacantii Maafiyada, waxa lagu gorgortamayo ay tahay halkii la gayn lahaa iyo cidda ay adoonta u noqon doonto.

La soco qaynta labaad.
W/Q: Nimco Noor



5 comments:

  1. Asc nimco aad iyo aad baan kuugu bogaadin qoraalka iyo dhacdooyin waayo aragnimadu ku dheehan tahay.

    ReplyDelete
  2. Asc nimco aad iyo aad baan kuugu bogaadin qoraalka iyo dhacdooyin waayo aragnimadu ku dheehan tahay.

    ReplyDelete
  3. Asc waxaan rabay buuga GAROOB IYO GODOB RAGEED isagoo pdf ah haddi la helikaro
    Email:dooyow18@gmail.com

    Whatsapp:+252618956808
    Mahadsanid

    ReplyDelete
  4. Wcs,
    Walaal ma hayo pdf. Haddii aad u baahan tahay buugga waxaad ka falban kartaa.
    www.nimco-noor.com

    ReplyDelete