Monday 29 July 2019

ILLINTII QARSOONAYD Q:3AAD



Boqran intii aysan ka soo ambabixin dalkii hooyo waxa ay soo xansan jirtay hadba waxay is leedahay ka ma maarmidoontid. Suuqa ayey war ka raadin jirtay, si ay uga sii gaashaamato dhib iyo qatar kasta oo ku imaan karta caafimadkeeda.

 Daah kama saarnayn in la kufsan doono, warka wey qabtaa in meesha rafaad kaga horrey. Maalmihii ay soo baxaysey waxay tabaabusho u gashay sidii ay is kugu diyaarin lahayd tabaalaha ay mudandoonto.
Xalku waa qabri iyo qofkii loowaday la ma kala qariyo.

Waa naf farxaddii nolosha ka quusatay. Waxay tagtay xarunta hooyada iyo dhallaanka, iyada oo u sheegeysa in ay nin guursatay,ayna tahay ardayad jaamacadda dhigata si waxbarashada aysan ooga harin waxay ka codsatay in lagu caawiyo dawooyin tayo fiicanleh oo ay kaga hortagto uurka.

Dhanka kale, waxay xoogaa lacag ah siisay kalkaalisooyinka dawooyinka u qaybisa bukaan-socodka qaba xanuunka AIDS ka.

 Kalkaalisooyinku wey ka warqabaan in gabdhaha tahriibaya ay u baahan yihiin ka hortaga xanuunkaas dilaaga ah iyo bacaha galmada, iyaguna xoogaagooda lacagtaa ayey ka qaataan.

Boqran, waxay markiiba soo qabatay kiniinkii ka hortagga uurka, waxay ku xijisey kii ka hortagga AIDS ka, waxaa bacda ku jira cinjirka galmada oo ay wadatay iyo dhowr baakad oo antibiotic ah,  laba baakad oo xummadjabin ah.

Waxay u kala sheegtay waxa ay yihiin, waxayna ugu hormarsiisey kii AIDS-KA iyada oo is leh ku cabsigeli.

Habartu waa mid imtixaan ah, waxay garatay baakaddii xanuun baabi’iyaha Paracetamoli.
Daf ayey ka siiyey oo ku tiri
“kan aad baan u jeclahay ayaantii iliga kore iga dhacay oo kaarka badan i hayey, haddan kaniinkaan haysan lahayn maba noolaadeen. Boqran waxay ku noqotay filanwaa! Hoosta ayey ka habaaraysaa bellaayo kugu dhacday oo weyba taqaan! Calooshu ku wareegatay maxay dad dhacday oo musaafur jidka u gashay, waaba qaadacul dariiqii la sheegi jiray.
Duqdii, inta ka faramaroojisey bacdii dawooyinka ku jiren oo dhan ayey soo bixisay cinjirkii galmada iyo dawadii ka horgaya uurka iyo tii AIDS ka.
Boqran waxay isku dayday in midda antibiotic ka ceshato, oo ku tiri “waxaan qabaa QAAXO (TB) kiniinkan waa ii muhiim ee fadlan isii!"
Habartii inta mashxaraday ayey tiri “Yaa Kamaal Nasri baa Ilaahey kuu soo diray, kaalay kiniinkii aad u baahnayd ayaa gurigaaga kuugu yimid”
Kamaal inta qoslay oo farxay ayuu ku yiri “hooyo ku jecliyaa maxaad baratay sida loola dhaaqmo adoonta dalkeena jidka ka dhigatay oo sharci darrada ku soo galaya dhulkeenna”
Boqran waxay xusuusatay calyadii qurmuunayd.
“Ba’ay illayn waxay  candhuuftiisii la ureysey waa wax QAAXO (tiibijo) qaba!” ayey Af-Soomaali ku barooratay!
Habartii ayaa ku tiri “naayaa maxaad ku hadashay, hadda ii sheeg waxaad tiri?”
Boqran "wax kale maan oran ee Allaah ayaan baryaayey in xanuunka uusan igu xummaan maaddaam aad dawadii iga qaadatay."
Boqran waxaa u billowday safarkii, walwalka hayaa waa sahay la’aanta safarka inta uu qaadan doono aysan ogayn. Kamaal xoogaa yar oo biyo ah ayaa buraashadda ugu jira, burkiina cad roon ayuu qandigiisii ku sii ritay.
Boqran dhaqaajisey. Qorraxdu waa kulayl balse wax badan kama duwanna tii ay ka timid, aroor horena waa sii jarmaadeen. 
In xoogaa ah markii ay socdeen ku dhawaad saacad, ayuu ku leexiyey dhisme laga guuray oo dunsan dushan ka qaawan oo wax saqaf ah aan lahayn. Wuxuu weydiiyey in ay xoogaa nasanayso?
Boqran waxay ugu jawaabtay “socod dheer miyaa inoo haray?” “Maya” ayuu yiri 
 “Mahadsanid, waan socon karaa” ayey ku tiri iyada oo is leh bellaayo doqosh kula gashay! 
Allow mar igee meesha kuwa ii eg ay joogan ee uu sheegayey.
Kamaal ujeedkiisu waa in uu kufsado. Wuxuu u caddeeyey in uu isaga dan ka leeyahay doonayanna in uu ku xaajo guto. Qorigii ayuu xabbad is raacsaday si ay ugu quusato haddii ay isku daydo in ay dagaallanto in uu nafta ka jaridoono “halkaan soo gal’’ ayuu ku yiri.
Boqran raali waxay ku tahay in uusan dhib kale u geysan, kaliya uu xaajadiisa guto. Waxay tiri “waan ku ogolahay Kamaalow, laakiin waxaan kaa baryayaa in aad gashato cinjirka maaddama aan anigu qabo xanuunka AIDS-ka hooyadaana dawdii iga qaadatay. Ma doonayo in aan ku qaadsiiyo” 
Kamaal wuxuu u sheegay in uu dumar badan oo Somaali, Itoobiyaan, Eritareyaan iyo Suudanba uu la xaajooday, aysanna ku cusubayn waxaan ay sheegeyso.
Boqran wadnahaa fug yiri “Ilaahayow maxaa i soo watay!” ayey ku ooysey.
Hilfihii uu watay intii uu iska kala siibayey ayey indhah la raacday hareereheeda, ma taqaan meeshii ay ka timid iyo meeshey u socoto midna waa meel aan jid iyo jiho lahayn. Waa dhul abaar ah oo biyo iyo baad midna lagu arag waa qarfe geed kaama xageeya ah.
"Allow dalkaygii joogi lahaayaa!"
Kamaal dhar dhigay, wuxuu sugayaa waa iyada
“Yaa xawayaana maxaad sugeysaa kaalay oo si fiican ii qanci” ayuu ku amray
Boqran si kasta oo ay u ogeyd in la kufsan doono haddan naftu siin weysey Kamaal qurmuune iyo qaxadiisa. Barteedii ayey sidii qof meesha ku qalashay u lignayd.
Markii uu dhawr jeer la hadlay, ayuu inta xaggeedii u soo dhaqaaqay qorigiina gacanta ku soo qabsaday dharbaaxo indha gooyey oo ku yiri “YAA QAXBA, maxaad waqtiga nooga dhuminaysaa” 
Horeyna inta u sii qadaanqadiyey oo madaxa qabtay ayuu hilf ku siiyey dhulkii gawaanka ahaa qamiis xun oo uu xirnaa inta qor u faytay ayuu gabdhii halkii ku jaqiiqsaday.
Markii uu xaajadiisii gutay ayuu inta is iloobay dhunkaday oo yiri “yaa xilwa waxaad tahay gabar nin aniga iga horeeya kuma aragto.
Boqran, inta dhinac u tuurtay oo gawaankii hubuq ku siiyey ayey matag afka goosatay, wiswiskii iyo urkii wixii darnaa ee uu ku falay. 
Kamaal markuu arkay in ay matagtay ayuu caro meeshii ugu dambeysay gaaray oo dharbaaxo ku waalay, marna qorigii baadkiisii la dhacay si arxan darro ah.
Waxay ahayd uurkutaalo aan waligeed ka harayn. Waxay kala garan la’a dahay in ay nooshahay iyo in ay dhimatay, ma dhabbaa mise waa dhallanteed waxa kugu dhacay, ma runbaa mise waan ku riyoonayaa! Boqran waxay u qaadan la’a dahay in la kufsada, dareenkii iyo garashadeedii ayaa isku dhexyaacay, caafimaadkeedi waxbaa u dhinmay.
 Waxay noqotay gabdhii qof maryaha uun iska xiran, waxba kama duwana sanamyada dharka la surto ee dukaamada ayaal, qolofkeeda ayaa nool se qalbigeeda wuu dhintay. Nolosha iyo geerida waa is kugu mid. 




W/Q Nimco Noor´


La  soco qaybta dambe



No comments:

Post a Comment