Tuesday 23 July 2019

ILLINTII QARSOONEYD Q:2AAD





Boqran waxay is weydiineysey

"Maxaa ku keenay halkaan?

Meeyey gaarigii aad saarnayd?  

Dadkii kula socday halkey tageen?

Malaha waa la qashay oo adiga ayaa ka nool? 

Yaa wax ii sheega!" Sidaas ayey ku muusanowday.
Dhulku waa madow wax iftiimayaa aysan jirin. Dabkii ay wax ku karsanayeen wey bakhtiiyeen, cirka iyo dhulka waxay ku kala garanaysaa dhowr xiddigood oo u muuqda, waa gudcur dam ah.
Ka baxso oo intey hurdaan ka carar, dhuumo ayey isku guubaabisey.
Kor markey u hinqatay oo hal talaabo qaaday ayey lugta la gashay aargalaankii ay galabta ciirta ka cabtay oo weli meeshiisii yaal. Qalalam!! 
Waxaa halmar is la boodey habartii iyo Kamaal oo qori Ak47 ah agyaal. Qorigii ayuu la booday oo toosh dhamays ah wah indhaha kaga siiyey
Boqran, qeylo iyo gacmaha in ay kor u taagto ayey isku dartay oo ku dhawaaqday 
”kaadi baa i haysa!
Kaadi baa i haysa, in aan soo kaadsho ayaan rabaaa, wax kale umaan soo kicin!” 
Habartii oo soo salashay ayaa nacallad iyo habaar kala kor dhacday. “bax halkaas fariiso oo ku kaadi, mar dambe hurdada hanaga nixin!” ayey ku tiri
Habeenkii oo dhan Boqran waxay kuududey jawaankii ay habartu u gogoshay markii ay ka soo qaaday bacaadka. Illaa markaas wax war iyo wacaal ah kama aysan hayn sababta ay meesha u timid, welina  ma aysan weydiin cidda halkan keentay iyo macnaha ay u joogto?
Maskaxdeeda waxaa ku jira saskii ay ka qaaday habarta wajigeeda iyo meesha baas ee ay taal.
Waaga baasi dheeraa!
Kulaylka iyo ciidda ay dhex jiifto, jirkeeda aan waayadan qubeysan iyo timihii oo ay uga shakinayso in ay injir ku dhalatay ayaa cuncun iyo huur is biirsaday ku haya.

Intaas waxaa uga sii daran cabsida haysa.
Waa naf daashey oo rajobeel ah, waa ay gataatidhacday.
Waxay ku soo kacday hadal iyo sheeko ay is waraysanayaan habartii iyo wiilkeeda Kamaal ah. 
Duqdu waxay leedahay “Caaliya waxay rabtaa in ay adoontaan shaqaalle u noqoto oo iyada ay raacdo, annagana waxaannu u baahanahay lacag yar oo haddan ka gadanno Cali wuxuu na siinayaa xoogaa lacag ah. Maxaan yeelnaa wiilkeygiyoow? Bal talo keen.”
Kamaal waa nin baryar oo wagdoleh, waa da’ dhexaad aan aad u weyneyn una dhallinyarayn, madaxiisa timihii wey ka sii durkeen oo bidaar ayaa  foolka ku soo haysa, isaga iyo habarta hooyadiis ah wey isku waji egyihiin, balse duqdaa ka dheereyd oo ka itaalroon.
Waa nin danyar ah lacagta ayaa isaga dan ugu jirtaa in uu tubaakadiisa ku soo gato.
Salka dhulka uma oollin, ee sidii odayaasha reer miyiga ah ayuu kadaloobey, qorigii uu watayna dhulkuu ku mudey si uu u cuskado.

“Hooyo Caaliya iyada ha shaqaysato, adoontaan waa mid itaal yar ceelka biyo oo ga ma keeni karto beertan uma fali karto, in aan is dhaafinno ayaa la qaatay.

Sow sidaas sax kula ma ahan?” ayuu hooyadiis su’aalay
Boqran waxaas oo dood ah dhegeheeda ayey ku maqleysaa.
Xaggeeda ayuu soo fiirshay mise ishey ku guluc siisay.
 "Magacaa?” ayuu weydiiyey.
Boqran magaceeda waxbarashada iyo dukumiintiyada ugu qoran waa Shukri, balse reerkooda oo aad u jeclaa qaymo weyna ay ku dhexlahayd hooyadeed ayaa ula baxday Boqran "Shukri” ayey ugu jawaabtay
 “Shukria?” ayuu ku celiyey.
 "Nacam” ayey tiri. 
Kamaal intuu qoslay ayuu yiri “ma adoontan madow ayaa gabadhayda la magaca ah? 
 Adduunoow magacaa ba'!  “Yaa kuu bixiyey magaca?” Ayuu su’aalay
Waxay ugu jawaabtay “aabbahay ayaa ii bixiyey” 
Wejiga ayuu candhuuf qurmuun uga tufay oo lacnaday iyada iyo aabbeheedba.
Boqran matag ayaa qabtay oo neeftii ayaa ku dhegtay, laakiin miyey awooddaa in ay muujiso dareenkeeda. Calyadiisa qurmuunka badnayd oo tubaakada iyo caday la’aanta isku darsatay in ay iska tirtirto kuma dhacdo. 
Iyada oo wali barteedii yuururta, waxaa timid mid ka mid ah labadii gabdhood ee habartu  dhashay oo buul u dhow midka habarteed habeenkii ku hoyatay.
“Hooyo maxay u jiiftaa adoontu?” ayey weydiisey hooyadeed. 
Habartii ayaa u sheegtay in Kamaal goor dhow uu kaxayn doono oo Cali laga soo iibindoono haddii uu ka gadanayo maadama ay tahay mid laf yar oo aan xoog badan lahayn. 
“Hooyo Caaliya ayaa rabtee ha ka gadin” ayey ku qalqaalisay, balse habartii ayaa tir
“Caaliya waxaa u fiican kuwa xoogga waawayn ee ka yimaada Afrikadaas kale, tani waa kuwii lafaha yaryaraa waxba kama faa’iideyso.
 Cali in uu naga ogolaado in uu naga iibsado ayaan Eebbe ka rajaynayaa”
Habartii ayaa ku duceysatay.

Boqran Rabbi ayey ku mahadisay mar haddii aan la qalanaynin oo adoonnimo loo gadanayo. Waxay naawileysaa in maalin maalmaha ka mid ah ay ka bixi doonto adoonnimada, hadday nooshahay.
Habartii ayaa u soo bixisay maro gaduudan oo aad u culus, kaddibna tii shalay u xirnayd inta meel ka soo qaaday ayey tustay qaabka ay wajiga ugu duuban lahayd.
Boqran waa ay garatay in ay tahay maradii ay habaaska ka xiran lahayd inta ay safarka yihiin, maaddama suuqii iibka loo wado si loo soo iibiyo. 
Habartiina halkaas bay gacmaha cirka u taageysey iyada oo ku Alle baryeysey in middaan hiliftaa laga iibsado marka suuqa la geeyo, oo Cali uusan ku diidin.
Boqran intii aan la ambabixin ayey weydiisey “aaway alaabtaydii?” 
Habartii oo guryamaysa ayaa ku tiri “soco alaabna kuuma haynee” 
Boqran waxay ku muusanawday “Alla sawiradii reerkeenna iyo daawooyinkii uun haddaan helo waan kuu duceynayaa”
Habartii ayaa ku tiri wiilkeeda “sug bal! Wax fiican bay sheegtay’e. Naa ma daawooyin ayaad wadatay?
 Soo baxsha boorsadii.
 Gabadheedii Caaliya oo ka caraysan go’aanka habarta iyo Kamaal ay gaareen in laga iibiyo adoonta ayaa tiri “waa tan ee hoo sii xaqeeda” balse habartu danteeda maahan in ay siiso ee waxay rabtaa in ay u kala sheegto si ay u isticmaalaan, maaddama saxarahaan ay deggen yihiin wax isbitaal ah uusan u dhaweyn oo dawo sida ay ku helaan adagtahay.
Boqran oo faraxsan ayaa boorsadii gacanta ku qabsatay oo u hollatay in ay dhaqaaqdo. 
Habartii oo aad moodo in hanti iyada ay tacbatay laga qaatay ayaa qaylo iyo cannaan afka furatay
“Yaa xawayaana, xaggeed u qaadanaysaa dawada? 
Hadda waa in aad sheegto maxaad u cuneysey?
Ma tii xummadda ayaad wadataa? Waan ogahay oo Soomalidiina dawo fiican ayaad sidataan markaad Liibiya imaanaysaan. Kaalay oo hadda ii kala sheeg dawada” ayey ku amartay.



La soco qaybta kale.


W/Q. Nimco Noor 















































2 comments: