Monday, 29 July 2019

ILLINTII QARSOONAYD Q:3AAD



Boqran intii aysan ka soo ambabixin dalkii hooyo waxa ay soo xansan jirtay hadba waxay is leedahay ka ma maarmidoontid. Suuqa ayey war ka raadin jirtay, si ay uga sii gaashaamato dhib iyo qatar kasta oo ku imaan karta caafimadkeeda.

 Daah kama saarnayn in la kufsan doono, warka wey qabtaa in meesha rafaad kaga horrey. Maalmihii ay soo baxaysey waxay tabaabusho u gashay sidii ay is kugu diyaarin lahayd tabaalaha ay mudandoonto.
Xalku waa qabri iyo qofkii loowaday la ma kala qariyo.

Waa naf farxaddii nolosha ka quusatay. Waxay tagtay xarunta hooyada iyo dhallaanka, iyada oo u sheegeysa in ay nin guursatay,ayna tahay ardayad jaamacadda dhigata si waxbarashada aysan ooga harin waxay ka codsatay in lagu caawiyo dawooyin tayo fiicanleh oo ay kaga hortagto uurka.

Dhanka kale, waxay xoogaa lacag ah siisay kalkaalisooyinka dawooyinka u qaybisa bukaan-socodka qaba xanuunka AIDS ka.

 Kalkaalisooyinku wey ka warqabaan in gabdhaha tahriibaya ay u baahan yihiin ka hortaga xanuunkaas dilaaga ah iyo bacaha galmada, iyaguna xoogaagooda lacagtaa ayey ka qaataan.

Boqran, waxay markiiba soo qabatay kiniinkii ka hortagga uurka, waxay ku xijisey kii ka hortagga AIDS ka, waxaa bacda ku jira cinjirka galmada oo ay wadatay iyo dhowr baakad oo antibiotic ah,  laba baakad oo xummadjabin ah.

Waxay u kala sheegtay waxa ay yihiin, waxayna ugu hormarsiisey kii AIDS-KA iyada oo is leh ku cabsigeli.

Habartu waa mid imtixaan ah, waxay garatay baakaddii xanuun baabi’iyaha Paracetamoli.
Daf ayey ka siiyey oo ku tiri
“kan aad baan u jeclahay ayaantii iliga kore iga dhacay oo kaarka badan i hayey, haddan kaniinkaan haysan lahayn maba noolaadeen. Boqran waxay ku noqotay filanwaa! Hoosta ayey ka habaaraysaa bellaayo kugu dhacday oo weyba taqaan! Calooshu ku wareegatay maxay dad dhacday oo musaafur jidka u gashay, waaba qaadacul dariiqii la sheegi jiray.
Duqdii, inta ka faramaroojisey bacdii dawooyinka ku jiren oo dhan ayey soo bixisay cinjirkii galmada iyo dawadii ka horgaya uurka iyo tii AIDS ka.
Boqran waxay isku dayday in midda antibiotic ka ceshato, oo ku tiri “waxaan qabaa QAAXO (TB) kiniinkan waa ii muhiim ee fadlan isii!"
Habartii inta mashxaraday ayey tiri “Yaa Kamaal Nasri baa Ilaahey kuu soo diray, kaalay kiniinkii aad u baahnayd ayaa gurigaaga kuugu yimid”
Kamaal inta qoslay oo farxay ayuu ku yiri “hooyo ku jecliyaa maxaad baratay sida loola dhaaqmo adoonta dalkeena jidka ka dhigatay oo sharci darrada ku soo galaya dhulkeenna”
Boqran waxay xusuusatay calyadii qurmuunayd.
“Ba’ay illayn waxay  candhuuftiisii la ureysey waa wax QAAXO (tiibijo) qaba!” ayey Af-Soomaali ku barooratay!
Habartii ayaa ku tiri “naayaa maxaad ku hadashay, hadda ii sheeg waxaad tiri?”
Boqran "wax kale maan oran ee Allaah ayaan baryaayey in xanuunka uusan igu xummaan maaddaam aad dawadii iga qaadatay."
Boqran waxaa u billowday safarkii, walwalka hayaa waa sahay la’aanta safarka inta uu qaadan doono aysan ogayn. Kamaal xoogaa yar oo biyo ah ayaa buraashadda ugu jira, burkiina cad roon ayuu qandigiisii ku sii ritay.
Boqran dhaqaajisey. Qorraxdu waa kulayl balse wax badan kama duwanna tii ay ka timid, aroor horena waa sii jarmaadeen. 
In xoogaa ah markii ay socdeen ku dhawaad saacad, ayuu ku leexiyey dhisme laga guuray oo dunsan dushan ka qaawan oo wax saqaf ah aan lahayn. Wuxuu weydiiyey in ay xoogaa nasanayso?
Boqran waxay ugu jawaabtay “socod dheer miyaa inoo haray?” “Maya” ayuu yiri 
 “Mahadsanid, waan socon karaa” ayey ku tiri iyada oo is leh bellaayo doqosh kula gashay! 
Allow mar igee meesha kuwa ii eg ay joogan ee uu sheegayey.
Kamaal ujeedkiisu waa in uu kufsado. Wuxuu u caddeeyey in uu isaga dan ka leeyahay doonayanna in uu ku xaajo guto. Qorigii ayuu xabbad is raacsaday si ay ugu quusato haddii ay isku daydo in ay dagaallanto in uu nafta ka jaridoono “halkaan soo gal’’ ayuu ku yiri.
Boqran raali waxay ku tahay in uusan dhib kale u geysan, kaliya uu xaajadiisa guto. Waxay tiri “waan ku ogolahay Kamaalow, laakiin waxaan kaa baryayaa in aad gashato cinjirka maaddama aan anigu qabo xanuunka AIDS-ka hooyadaana dawdii iga qaadatay. Ma doonayo in aan ku qaadsiiyo” 
Kamaal wuxuu u sheegay in uu dumar badan oo Somaali, Itoobiyaan, Eritareyaan iyo Suudanba uu la xaajooday, aysanna ku cusubayn waxaan ay sheegeyso.
Boqran wadnahaa fug yiri “Ilaahayow maxaa i soo watay!” ayey ku ooysey.
Hilfihii uu watay intii uu iska kala siibayey ayey indhah la raacday hareereheeda, ma taqaan meeshii ay ka timid iyo meeshey u socoto midna waa meel aan jid iyo jiho lahayn. Waa dhul abaar ah oo biyo iyo baad midna lagu arag waa qarfe geed kaama xageeya ah.
"Allow dalkaygii joogi lahaayaa!"
Kamaal dhar dhigay, wuxuu sugayaa waa iyada
“Yaa xawayaana maxaad sugeysaa kaalay oo si fiican ii qanci” ayuu ku amray
Boqran si kasta oo ay u ogeyd in la kufsan doono haddan naftu siin weysey Kamaal qurmuune iyo qaxadiisa. Barteedii ayey sidii qof meesha ku qalashay u lignayd.
Markii uu dhawr jeer la hadlay, ayuu inta xaggeedii u soo dhaqaaqay qorigiina gacanta ku soo qabsaday dharbaaxo indha gooyey oo ku yiri “YAA QAXBA, maxaad waqtiga nooga dhuminaysaa” 
Horeyna inta u sii qadaanqadiyey oo madaxa qabtay ayuu hilf ku siiyey dhulkii gawaanka ahaa qamiis xun oo uu xirnaa inta qor u faytay ayuu gabdhii halkii ku jaqiiqsaday.
Markii uu xaajadiisii gutay ayuu inta is iloobay dhunkaday oo yiri “yaa xilwa waxaad tahay gabar nin aniga iga horeeya kuma aragto.
Boqran, inta dhinac u tuurtay oo gawaankii hubuq ku siiyey ayey matag afka goosatay, wiswiskii iyo urkii wixii darnaa ee uu ku falay. 
Kamaal markuu arkay in ay matagtay ayuu caro meeshii ugu dambeysay gaaray oo dharbaaxo ku waalay, marna qorigii baadkiisii la dhacay si arxan darro ah.
Waxay ahayd uurkutaalo aan waligeed ka harayn. Waxay kala garan la’a dahay in ay nooshahay iyo in ay dhimatay, ma dhabbaa mise waa dhallanteed waxa kugu dhacay, ma runbaa mise waan ku riyoonayaa! Boqran waxay u qaadan la’a dahay in la kufsada, dareenkii iyo garashadeedii ayaa isku dhexyaacay, caafimaadkeedi waxbaa u dhinmay.
 Waxay noqotay gabdhii qof maryaha uun iska xiran, waxba kama duwana sanamyada dharka la surto ee dukaamada ayaal, qolofkeeda ayaa nool se qalbigeeda wuu dhintay. Nolosha iyo geerida waa is kugu mid. 




W/Q Nimco Noor´


La  soco qaybta dambe



Tuesday, 23 July 2019

ILLINTII QARSOONEYD Q:2AAD





Boqran waxay is weydiineysey

"Maxaa ku keenay halkaan?

Meeyey gaarigii aad saarnayd?  

Dadkii kula socday halkey tageen?

Malaha waa la qashay oo adiga ayaa ka nool? 

Yaa wax ii sheega!" Sidaas ayey ku muusanowday.
Dhulku waa madow wax iftiimayaa aysan jirin. Dabkii ay wax ku karsanayeen wey bakhtiiyeen, cirka iyo dhulka waxay ku kala garanaysaa dhowr xiddigood oo u muuqda, waa gudcur dam ah.
Ka baxso oo intey hurdaan ka carar, dhuumo ayey isku guubaabisey.
Kor markey u hinqatay oo hal talaabo qaaday ayey lugta la gashay aargalaankii ay galabta ciirta ka cabtay oo weli meeshiisii yaal. Qalalam!! 
Waxaa halmar is la boodey habartii iyo Kamaal oo qori Ak47 ah agyaal. Qorigii ayuu la booday oo toosh dhamays ah wah indhaha kaga siiyey
Boqran, qeylo iyo gacmaha in ay kor u taagto ayey isku dartay oo ku dhawaaqday 
”kaadi baa i haysa!
Kaadi baa i haysa, in aan soo kaadsho ayaan rabaaa, wax kale umaan soo kicin!” 
Habartii oo soo salashay ayaa nacallad iyo habaar kala kor dhacday. “bax halkaas fariiso oo ku kaadi, mar dambe hurdada hanaga nixin!” ayey ku tiri
Habeenkii oo dhan Boqran waxay kuududey jawaankii ay habartu u gogoshay markii ay ka soo qaaday bacaadka. Illaa markaas wax war iyo wacaal ah kama aysan hayn sababta ay meesha u timid, welina  ma aysan weydiin cidda halkan keentay iyo macnaha ay u joogto?
Maskaxdeeda waxaa ku jira saskii ay ka qaaday habarta wajigeeda iyo meesha baas ee ay taal.
Waaga baasi dheeraa!
Kulaylka iyo ciidda ay dhex jiifto, jirkeeda aan waayadan qubeysan iyo timihii oo ay uga shakinayso in ay injir ku dhalatay ayaa cuncun iyo huur is biirsaday ku haya.

Intaas waxaa uga sii daran cabsida haysa.
Waa naf daashey oo rajobeel ah, waa ay gataatidhacday.
Waxay ku soo kacday hadal iyo sheeko ay is waraysanayaan habartii iyo wiilkeeda Kamaal ah. 
Duqdu waxay leedahay “Caaliya waxay rabtaa in ay adoontaan shaqaalle u noqoto oo iyada ay raacdo, annagana waxaannu u baahanahay lacag yar oo haddan ka gadanno Cali wuxuu na siinayaa xoogaa lacag ah. Maxaan yeelnaa wiilkeygiyoow? Bal talo keen.”
Kamaal waa nin baryar oo wagdoleh, waa da’ dhexaad aan aad u weyneyn una dhallinyarayn, madaxiisa timihii wey ka sii durkeen oo bidaar ayaa  foolka ku soo haysa, isaga iyo habarta hooyadiis ah wey isku waji egyihiin, balse duqdaa ka dheereyd oo ka itaalroon.
Waa nin danyar ah lacagta ayaa isaga dan ugu jirtaa in uu tubaakadiisa ku soo gato.
Salka dhulka uma oollin, ee sidii odayaasha reer miyiga ah ayuu kadaloobey, qorigii uu watayna dhulkuu ku mudey si uu u cuskado.

“Hooyo Caaliya iyada ha shaqaysato, adoontaan waa mid itaal yar ceelka biyo oo ga ma keeni karto beertan uma fali karto, in aan is dhaafinno ayaa la qaatay.

Sow sidaas sax kula ma ahan?” ayuu hooyadiis su’aalay
Boqran waxaas oo dood ah dhegeheeda ayey ku maqleysaa.
Xaggeeda ayuu soo fiirshay mise ishey ku guluc siisay.
 "Magacaa?” ayuu weydiiyey.
Boqran magaceeda waxbarashada iyo dukumiintiyada ugu qoran waa Shukri, balse reerkooda oo aad u jeclaa qaymo weyna ay ku dhexlahayd hooyadeed ayaa ula baxday Boqran "Shukri” ayey ugu jawaabtay
 “Shukria?” ayuu ku celiyey.
 "Nacam” ayey tiri. 
Kamaal intuu qoslay ayuu yiri “ma adoontan madow ayaa gabadhayda la magaca ah? 
 Adduunoow magacaa ba'!  “Yaa kuu bixiyey magaca?” Ayuu su’aalay
Waxay ugu jawaabtay “aabbahay ayaa ii bixiyey” 
Wejiga ayuu candhuuf qurmuun uga tufay oo lacnaday iyada iyo aabbeheedba.
Boqran matag ayaa qabtay oo neeftii ayaa ku dhegtay, laakiin miyey awooddaa in ay muujiso dareenkeeda. Calyadiisa qurmuunka badnayd oo tubaakada iyo caday la’aanta isku darsatay in ay iska tirtirto kuma dhacdo. 
Iyada oo wali barteedii yuururta, waxaa timid mid ka mid ah labadii gabdhood ee habartu  dhashay oo buul u dhow midka habarteed habeenkii ku hoyatay.
“Hooyo maxay u jiiftaa adoontu?” ayey weydiisey hooyadeed. 
Habartii ayaa u sheegtay in Kamaal goor dhow uu kaxayn doono oo Cali laga soo iibindoono haddii uu ka gadanayo maadama ay tahay mid laf yar oo aan xoog badan lahayn. 
“Hooyo Caaliya ayaa rabtee ha ka gadin” ayey ku qalqaalisay, balse habartii ayaa tir
“Caaliya waxaa u fiican kuwa xoogga waawayn ee ka yimaada Afrikadaas kale, tani waa kuwii lafaha yaryaraa waxba kama faa’iideyso.
 Cali in uu naga ogolaado in uu naga iibsado ayaan Eebbe ka rajaynayaa”
Habartii ayaa ku duceysatay.

Boqran Rabbi ayey ku mahadisay mar haddii aan la qalanaynin oo adoonnimo loo gadanayo. Waxay naawileysaa in maalin maalmaha ka mid ah ay ka bixi doonto adoonnimada, hadday nooshahay.
Habartii ayaa u soo bixisay maro gaduudan oo aad u culus, kaddibna tii shalay u xirnayd inta meel ka soo qaaday ayey tustay qaabka ay wajiga ugu duuban lahayd.
Boqran waa ay garatay in ay tahay maradii ay habaaska ka xiran lahayd inta ay safarka yihiin, maaddama suuqii iibka loo wado si loo soo iibiyo. 
Habartiina halkaas bay gacmaha cirka u taageysey iyada oo ku Alle baryeysey in middaan hiliftaa laga iibsado marka suuqa la geeyo, oo Cali uusan ku diidin.
Boqran intii aan la ambabixin ayey weydiisey “aaway alaabtaydii?” 
Habartii oo guryamaysa ayaa ku tiri “soco alaabna kuuma haynee” 
Boqran waxay ku muusanawday “Alla sawiradii reerkeenna iyo daawooyinkii uun haddaan helo waan kuu duceynayaa”
Habartii ayaa ku tiri wiilkeeda “sug bal! Wax fiican bay sheegtay’e. Naa ma daawooyin ayaad wadatay?
 Soo baxsha boorsadii.
 Gabadheedii Caaliya oo ka caraysan go’aanka habarta iyo Kamaal ay gaareen in laga iibiyo adoonta ayaa tiri “waa tan ee hoo sii xaqeeda” balse habartu danteeda maahan in ay siiso ee waxay rabtaa in ay u kala sheegto si ay u isticmaalaan, maaddama saxarahaan ay deggen yihiin wax isbitaal ah uusan u dhaweyn oo dawo sida ay ku helaan adagtahay.
Boqran oo faraxsan ayaa boorsadii gacanta ku qabsatay oo u hollatay in ay dhaqaaqdo. 
Habartii oo aad moodo in hanti iyada ay tacbatay laga qaatay ayaa qaylo iyo cannaan afka furatay
“Yaa xawayaana, xaggeed u qaadanaysaa dawada? 
Hadda waa in aad sheegto maxaad u cuneysey?
Ma tii xummadda ayaad wadataa? Waan ogahay oo Soomalidiina dawo fiican ayaad sidataan markaad Liibiya imaanaysaan. Kaalay oo hadda ii kala sheeg dawada” ayey ku amartay.



La soco qaybta kale.


W/Q. Nimco Noor 















































Saturday, 20 July 2019

ILLINTII QARSOONAYD Q:1AAD



                          

Waxaa dultaagneyd habar gafuurku u duuban yahay, gacantan ku haysatay taleefan qanax ah.
Mar qura ayey sidii qof waashay kor u boodey, qaylana afka furatay.
"Xageen joogaa!
Xageen joogaa!?" Ayey ku celcelisay, balse habartii wajiga duubnayd ayaa dhulka ku celiso, oo af carabi ku tiri "is deji, is deji."

Xaqiiqsatay in ay joogto meel aysan aqoon.
Indho miskiin oo madluun ah ayey ku fiirisay oo hareereheeda marba dhan jaleecday, xagga iyo xaggaba jeedaalisey waa cid iyo ciirsibeel aysan dad iyo dal midna aqoon, ehel iyo xigaal midna warkeed ma jiro.

Af carabiga si fiican ayey u taqaan, balse halkaas midka halkaas looga hadlayey wuxuu u badnaa afguri.


Habartu waa mid dheer oo caato sogsog ah. Gacan seed ah oo xoog badan inta dhudhunka ooga qabatay ayey soo dhifatay, wax cad oo aargalaan ku jirey afka u saartay.
Hal mar markii ay dhunjisey oo neef yar ka soo baxday ayey dhadhansatay wixii ay liqday.
Waxay garan la'a dahay waxa ay cantuugtey koleey ciir maahan oo waa ka cultus yihiin, abbooyoow maxay yihiin waxaan dhanaan ayey qalbiga iska leedahay?


Labadaan indhood oo ku soo murgaxanna baqdin weyn bay ka qabtaa oo rag iyo dumar wuxuu yahay qofku uma kala caddayn. Cabbaar markii ay ku dheygagsanayd oo aysan libiqsi lahayn, habartii  ayaa dareentay in ay ka baqayso, si ay cabsida ooga bi'iso oo u tusto in ay tahay qof dumar ah  gafuurkii ayey ka qaaday maradii weyneyd oo ay boorka iyo siigada kaga daboolatay.


Markii ay marada wajiga ka rogtay ayey dhoolo caddeysay.
Habartu labada ilkood ee kore iyo kuwa hoosaba waa ka maqan yihiin, markeedii hore na af ballaran oo cirid weyn iyo ilko dheerdheer ayey u dhaltay, da'a iyo macluulina waa u dheer tahay.







Boqran oo awalba cabsi iyo walwal uu hayey ayaa ku qarracantay muuqaalka habarta. Waxay isku dayday in ay cararto, balse gacameheedii seedda ahaa ayey ku qabatay oo tiri "ha baqin ee fadhiiso!" 
 Maba carari kartee, haddii ay isku deyi lahayd tabar iyo awood midna ma jirto oo toddobo caanomaal ayey saxaraha soo habaq lahayd.
Naftu waxay leedahay koleey wey ku qalandoontaa oo noolaan meysid ee shihiid oo wax uun filiglee.


Buulka habartu ay deggen tahay geesaha waxaa ka laadlaada maryo baati ah, kor waxaa ooga xiran guntiino Aliindi ah. 
Sidii in ay bar aqootay qofkii lahaa dharka ayey ku qaylisay
 "Yaa lahaaa dharkaan!?
  Aaway dadkii lahaa dharkaan?
  Miyaad qalatay oo hilibkooda ayaad cuntay, sow sidaas maahan?
Habaryahay bahalka u eg oo dadqalatadaa!" Oohinna aflabadiis yeertay!
Iyada oo aan tabar iyo taag midna hayn, is na leh koleey caawa gaari meysid ayey habartii gacanteedii aq'da ahayd oo taagta darnayd ku garaacday.
Habartii markii ay dhawr jeer iska qabatay gacantaan awoodda yar oo ay ku tiri "jooji ha ii gacanqaadin!" Waa tan inta carootay dharbaaxo ku jiiday oo dhulka la dhigtay. Boqran markii ayaa miyir oogu dambeysay.


Waxay soo naaxday iyada oo habeen madoow ay tahay. 
Habartii, laba gabdhood iyo wiil ay dhashay oo maalintii ka maqnaa ay soo hoydeen oo casho dabka u saaran tahay. Waxaa shidan qoryo qiiqi iyo olol badan, bur la hogeeyey suuntiisa ayaa u soo urtay.


Boqran markii ay miyir doorsoomeysey, waxay ogoyd in ay maalin ahayd oo habar ilkuhu ka maqan yihiin ay ag joogtay.
Qaylo ayey afka furatay iyada oo leh
 "Yaa Allaah i badbaadi!
Yaa Allaah i badbaadi!"

Habrtii inta soo ruqaansatay ayey ku tiri "Allaah Kariim xabiibti, Alxamdulillaah cala salaamak" Ujeedka habartu waa in ay ku faraxday soo naaxidda ay soo naaxdey oo Ilaahay soo nabad kiciyey oo aysan sidii ku dhiman.
Laba barida kal war la'a e Boqran waxay nafta u sheegtay in dabka shidan uu yahay midkii iyada lagu karin lahaa. Intii ay nafta quus u sheegeysay, ayey habartii koob biyo ah iyo cad bur duban ah siisay oo ku tiri "Alxamdulillaahi habiibti cab biyahaan, burkana gooso"
Boqran xoogaa kurbadii rajobeelka ahayd ayaa ka yaraatay, koobkii biyaha ahaa ayey ka qaadatay oo ku tiri "shukran"
Ninkii ay habartu dhashay ayaa u soo dhaqaaqay meeshay ay fadhiday weydiiyeyna "ma ku hadashaa af carabi?" Iyada oo baqdin ku jirto ayaa tiri "haa waan ku hadlaa"
Ninkii ayaa ku yiri subaxdii ayaan ku geyneynaa meel ay joogaan dad madmadow oo sidaada oo kale ah, balse intii uu hadalka waday ayey mid walaashiis ah tiri "Kamaal tan aniga ha ila joogto, anigaa u baahan ciidan"  Habartii ayaa u raacisay 'subaxdii ayeynu ka tashan waxa aan ka samayn doonno'.
Boqran caad kama saarna in ay gashay gacantii Maafiyada, waxa lagu gorgortamayo ay tahay halkii la gayn lahaa iyo cidda ay adoonta u noqon doonto.

La soco qaynta labaad.
W/Q: Nimco Noor

Saturday, 2 March 2019

Kufsataye ma kaaftoontay

                                                        

 Kufsataye ma kaaftoontay










Gabdhuhu waa hibo ka mid ah hibooyinka Ilaahay ugu deeqo waalidiinta, kuwooda uga qiimaha badan. Haddana, sidaas oo ay tahay, dhalashadooda waayihii hore laguma farxi jirin dhaqamada qaarkood ama badankoodba. Waddamo badan, haweenku waxay ku sugan yihiin dhibaatooyin xoogleh, liidid, duudsi iyo boob jirkooda iyo naftooda ah.
Dunida qaarkeed waa ay ka gudbeen dhibkaas iyo xadgudubkaa haweenka lagu hayey. Qaar kale oo badanna wali waxay ku sugun yihiin nolol dhibaato iyo silica ah.
 Haddaan u soo noqdo, ummaddeena Soomaalida ah ee burburka iyo Qaran jabku ku dhacay, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Nolosha bulshadu waxay ku tiirsanayd haweenka. Raggii waxay noqdeen kuwo duruufihii jiray, midba si u meeleeyey.
Dhibkii dalka ka dhacay, cid walba waa uu saameeyey dumar iyo rag, carruur iyo waayeel,  caamo iyo culimmo intaba.
 Haweenka waxaa u sii dheeraa, dhaca iyo dil. Kufsigu marna kam maqnayn noloshooda colaad iyo nabad xilli ay ahaataba.

Waxaa mar walba haweenka kufsiga loogu gaysan jiray, meel kasta oo rag dhaanku ay u arkaan in ay fursad u haystaan xummaynta gabdhaha. Waayo waxay hubeen in aysan ciqaab wayn kala kulmayn ama loogu xukumidoono KII XOOGAY HALOO XAREEYO! Qiyaas naxdinta iyo uur ku taallada ay leedahay in gabar ninkii kufsaday mar labaad guri loogu geeyo, oo wax guur loogu magacdaray lagu soo gunnaanado?
Sow maahan  kufsigii oo loo sharciyeeyey? Hooyadaasi dhibka iyo dhaygaggu ku dhacay ayuu haddan carruur ka dhalaayey!

Dhaqanka Soomaalidu, marka wiilku dhibaato u gaysto gabar, waxaa lagu xalliya qaab ay raggu heshiis ku yihiin. Oo waxaba aan laga waydiin gabadhii dhibku gaaray ee dhibbanaha ahayd.

Haddab, waxaa waayadaan soo badanayey dhibka loo gaysto gabdhaha yaryar. Qaarkood waxaa kufsiga u gaystay dadka dad ugu dhow oo lagu aaminay! Ehelkood ama macallin Quraan iwm. 
Kufsiga qaarkiis waxaa gaysto rag koox ah, kuwaas oo caddaymo iyaga ay iska soo duubaan soo dhiga baraha bulshada. Qaarkood markii ay suurtagal noqon weyso in uu gabdhii kufsado, wuxuu xabbad ooga dhuftay xubintii taranka!
Kuwo waxaa la faro-xummeeyey iyagoo wali sabi ah. Haddan wax xukun ah oo ay mareen ma aysan  jiraan. Qaar badan waa ay u geeriyoodeen dhaawicii ka soo gaaray KUFSIGA

Dhacdada ugu danbeeysay ee Caasho ilyaas Aadan waxay ka dhacday magaallad Gaalkacyo. Ilma saqiir ah oo aan nafteeda difaaci karin, awood iyo xoog midna iskaga celin karin, ayey si arxan darro ah u dileen markii ay kufsadeen! Waxaa la wada dhawrayaa, sida uu u dhici doono xukunka danbiileyaaha. Caasho se caddaallad ma heli doontaa?

Waxaa magaallad Guriceel ka dhacay dhacdo xanuun badan. Niman koox ah oo kufsi wadareed u gaystay Roodo Nageeye Maxamuud, balse nasiibdarro waxaa dambiille noqotay dhibbane Roodo. Waxaa si xaqduudsi ah loogu xukumay, xukun lagu sheegay in ay marsiiyeen DIINTA ISLAAMKA, balse la oran karo Diinta Ilaahay waa lagu beenabuurtay.
Su'aasha is waydiinta mudan waxay tahay Rooda miyeysan xaq u lahayn in ay afkeeda isku difaacdo,goobtanna timaado? Oo ay tiraahdo "raali kama ahayn, ama waan ka ahaa?"
Waxaa lagu sheegay, in Roodo ay raali ku ahayd hawsha.
Allaah wuxuu Quraankiisa ku sheegay, in uu ina siiyey caqli, maqal iyo arag aynu ku kala soocno
waxa dhacay ama dhacaya.
Sidee gabari dhawr nin mar ula heshiin kartaa?
Maxaa sababay, in ay qayliso, oo carcararto?
Mase ogolaan lahayd, in fiidiyow laga duubo? Midbaa yiri "waan rabay in aan kufsado, balse markii ay qaylisay ayaan iska dhaafay, kaddibna kal-xawaaji u soo qaatay."
Haddaba, jawaabtu way caddahay oo waa DULMI Roodo laga galayn, loogana galay magac Diin iyo title culimmonimo.

 Roodo aabbeheed wuxuu ku qancay, xukunkii ay xukumeen nimakii meesha joogay gabadhiisa dhibbanaha ah, ee dhillada laga dhigay.
Ma aqoon xumo isaga diinta ka haysataa?
Ma awood yari iyo in uusan raggan dhigooda ahaynbaa?
Ma dadka Qabiilka loogu awood sheego?
Runtii waan kala saari waayey waxa uu ku qancay!
Dhagarqabe, maahan oo kaliya kii gabar Kufsaday, ee waa kan xukun aan caddaallad ahayn wax ku xukuma.
Dhagarqabe, maahan oo kaliye kii gabar kufsaday, ee waa kan aqbalay gabadhiisa oo dhiig-baxaysa in uu dhaqaalle yar ku qaato.
Dhagarqabe, maahan oo kaliye kii gabar kufsaday ee waa kan, Qabiil ku difaaca dambiilaha.

Dhagarqabe, maahan oo kaliya kii gabar kufsaday, ee waa kan dhaqan iyo xeer dulmi ku dhisan wali wax ku xalliya.
Haddaba, kufsateen gabdhee ma kaaftoonteen?

W/Q Nimco Noor

Saturday, 5 August 2017

Haku dheelin Dhibanaha

                                        Haku dheelin dhibanaha



  Hooyo kastaa iyo aabbe walba oo ku nool nolol kalinimo ah, wuxuu soo maray xaallad dhibaato oo ku kaliftay in uu doorto kalinimo uusan haysan wehelkii noloshiisa, mid walbaa wuxuu u arkaa in isaga la dulmay oo uu dhibane ahaa, si uu dhibannenimada oo ga baxo.
 Wuxuu go'aan ku gaaraa ka tanaasul noloshan, maaddama aysan ahayn tii aad rabtay, ama kugu habboonayd. 
Waxaa u billaabata nolol kali ah wuxuu kala kulmaa ciriir iyo wehel la'aan, wuxuu waayaa wixii uu horay u haysaty, maalmo xanuunbada iyo nolol cusub. 
Midkood wuxuu dareemaa in uu ka baxay noloshii karrahiyad ahayd ee uu ku dulmanaa, wuxu dareemaa farxad iyo layr caafimaad, wuxuu helaa nashaad iyo raynrayn.

Waxaase suurtagal ah in muddo ka dib uu garwaaqsado khaladkiisi, iyo qaybtii uu ku lahaa burburka qoyskiisa, ma jiro laba iyag oo wada faraxsan nololshooda ku heshiiya in ay kala tagaan, dabcan midkood ayaya khasab ku noqotay in uu doorto nolosha kalida ah, midka kalena waxaa laga yaabaa in ay ku adkayd go'aan qaadashada burburka qoyskan.

Dhibaatooyinkaas waxay noqon karran kuwo caadi ah oo ay la' wadaagaan qoysaska kale, qaarkood way yar tahay in dhibka haystaa ay dad badan la qabaan, kuwo waxa dhici karta in hawshu aysanba sidaas u sii waynayn oo xalku uu ahaa mid fudud.



Waxaad arkaysaa Hooyo/Aabbe Somaaliyeed oo dhibkii ku dhacay dartiis ku lumisay/lumiyay xudduudii ay lahayd nafteeda/naftiisa, iyo xadkii ay ku xifdin lahaayeen sirtooda. 

Sidaas si lamid ah, kuwaa la nool diiqad iyo ciil, oo ku jira nolol mugdi ah, ku nool guri waa hore laga guuray, qaarkood waxaa ku dhex-nool qof ay waahore nolosha ku kala tageen dhibkiisii, kama ay san kabsan mana ay san raadin in ay doonataan caawinaad  si ay kaga baxaan xabsigan ay naftooda galiyeen, waxay xabsi ugu jirtaa qof aan ogayn xaalkooda xisaabtan ugu jirin noloshooda.


Hooyadaasi/Aabbahaasi waxay baraha bulshada ku faafiyaan dhibkoodii, waa dhibanayaal, waxay dhibane u yihiin naftooda oo waxaa lumay xakamihii, waxaa jabay karkaaradiii ay ku xajin lahaayeen sirtooda. 

La'yaab malahan oo waa qof wakhtiga iyo waayuhu ka hiisheen, waa qof tankiis ka badan qaaday, waa khasab oo wuu liicayaa oo kufayaa, wuu ku haftoonayaa  mawjadaha iyo noloshan dhibaatada badan ee ku hareeraysan. 
Ka dib wuxuu noqon mid aan xakame lahayn oo taabta, ka hadla wax walba oo markaas uu ka dhex arko maskaxdiisa.

Waxaase wax aad loola yaaba ah, in dadkii Somaliyeed ay waayadan wax walba caadi la noqdeen, xumihii, caydii iyo gafkiiba uu nqoday ilbaxnimo iyo geesinimo. 


Waxaad arkaysaa mid isagu soo maray intaas oo dhibaato ah, aan jeclayn in uu ka hadlo haddii la waydiiyana ku jawabaya ma jecli in aan ka hadlo noloshaas.

 Waayo wuxuu ilaashanayaa sirtiisii, wuxuu u arkaa in taasi ay ahayd noloshiisa u gaarka ah, oo ay san habboonayan in uu cid walba la'wadaago.
WAAYO WAA TIISII ISAGA U GAARKA AHAYD!
Qofkaasi wuxuu ku raaxaystaa dhibanaha warkiisa wuxuu ku tilmaamaa geesiyad/geesi runta sheegay, ilayn isag ayuu ka dhex hadlayaa oo waa dhibkii uu  soo maray, balse uu diidanaa in uu ka hadlo, ayaa af uusan lahayn ka soo baxday oo qof kale sheegay.

 Makaas waxaa maraya neecaw, wuxuu dareemayaa nafis iyo fudayd maaddam wixii isagu ku cuslaa, oo ka dhex yeerayay loo yiri.

Wuxuu si toos ah iskaga dhex arkaa, oo taabata hadaladaas dhagtiisu way jeceshay maqalka iyo dhagaysiga dhibanaha warkiisa.





Maxaa xal ah? Haddad heshay in boogtaadii bannanka la soo dhigay, oo wixii ku gubayay aad wax la' mid aha maqashay.


  •  Walaal haku raaxaysan wax aadan adiguba samayseen.
  •  Walaal haku dhiirigalin qof wax aadan adigu samayseen, wixii aad ka baqday haku oran geesi baad tahay.
  • Walaaal isgee halka uu joogo,  booskiisa is dhig oo dareen waxa aad naftaada u dareemi lahayd. 
  • Miyaad jeceshahay in dhawr iyo tobanka milyan ee Somalidaa kugu wada barato, baraja bulshadu ku kulanto, kuuna arakaan qof wax ka khaldan yihiin. Jawaabtu waa maya!
  • Haku digan walaalkaa dhibane ah. . 
  • HAKU DHEELIN DHIBANAHA

Sawirada/ Kuvat  https://enkeliluinen.vuodatus.net/lue/2016/07/masennus-vs-ahdistus